General Indhacade oo Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dayacday General Goobaale

0
Monday September 19, 2016 - 12:00:29 in Wararka by
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Indhacade oo Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dayacday General Goobaale

    General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii abaabulnaa, ee maalintii shalay lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa marka hore sheegay in Sarkaalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii abaabulnaa, ee maalintii shalay lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa marka hore sheegay in Sarkaalkaasi iyo rag kalaba, ay hormuud u ahaayeen gulufkii Ururka Al Shabaab looga saaray gobolo badan, oo ay ku sugnaayeen. "General Goobaale iyo rag kale, waa raggii Xamar iyo gobolo kale Al Shabaab in laga sifeeyo sababteedu lahaa. Isaga, ninkii dhintay ee Dhega-badan iyo rag kaloo hadda nool, waa dad in badan bartilmaameyd u ahaa nimankaa.” Ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad.

Yuusuf Maxamed Siyaad oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, waxna laga weydiiyay sida ay Al Shabaab ugu suurtagashaday inay qaarajiso General Goobaale, ayaa sheegay inay ku timid dayac dhinaca Dowladda Somaliya ah.

"Al Shabaab awood badan maleh, dadkii la dagaalami lahaa, hadana ay cadow u yihiin lugihii iyo gacmihii inta silsilad looga xiray baa suuqa la dhex dhigay. Marka dadkaas buu ka mid ahaa, aan ilaalada fiican heysan.” Ayuu yiri General Indhacade.

General Indhacade, ayaa yiri "Gaari Cabdi Bille ah ayuu watay, waad garan gartaa xeradii baa lagu jiray, markii uu ka soo baxayna gaari cabeysan oo qaraxaa lagu dhuftay. Lix askari iyo asaguba waa ku dhinteen.”

Waxa uu intaa ku daray "Marka waxaa keenay in aanay dowladda u ilaalin dadka ay bartilmaameydka u yihiin cadowga, iyadoo dad aan bartilmaameyd ahaynba la ilaaliyo, oo la siiyay baabuurta aysan rasaastu karin, dee arrintaasaa keentaa qabaa runtii.”






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip