Dhageysiga Dacwada Badda oo maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda Hague

0
Monday September 19, 2016 - 11:35:49 in Wararka by
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageysiga Dacwada Badda oo maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda Hague

    Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta ka bilaaban doonta dhageysiga Dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay maanta isha ugu hayaan Maxkamadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta ka bilaaban doonta dhageysiga Dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay maanta isha ugu hayaan Maxkamadda.

Dhageysiga Maxkamadda ayaa maanta oo isniin ah bilaaban doonto, waxaana ay socon doontaa illaa maalinta jimcaha, iyadoo qareenada labada dhinac u doodaya ay soo bandhigi doonaan caddeymo la xiriira muranka Badda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir oo hoggaaminaya Wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya dhageysiga dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in aysan Soomaaliya ka tanaasuli doonin dacwada.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan Maxkamadda u gudbisay dalab ku saabsan in muranka iyaga iyo Soomaaliya ay wada hadal ku dhameysanayaan, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalabkaas.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin taako ka mid ah Badda Soomaaliyeed in Kenya qaadato, isla markaana aanay wax gor-gortan ka geli doonin.

Waxaa lagu wadaa in dalalka dibadda ay ka dhacaan banaan bax looga soo horjeedo damaca Kenya ku dooneyso inay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed ku xalaaleysato, waxaana baraha bulshada lagu sameeyay cinwaan ama Hashtag halku dhigiisu yahay #QadiyaddaBadda oo dadka Soomaaliyeed kaga dhiidhinayaan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Kenya ay dooneyso inay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya qaadato, gaar ahaan goobaha la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan.

badda-somalia1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip