Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha
Qaban qaabada munaasabada uu Musharaxnimadiisa ku soo bandhigayo Mr Jibriil ayaa labadii maalmood diyaar garowgeeda aad looga dareemayay magaalada Muqdisho, waxaana Musharraxan dhalinyarada ah la filayaa inuu la yimaado qorshayaal ka duwan Musharaxiinta kale ee illaa iyo haatan is sharaxay.
Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay isku beel yihiin Madxaweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, marna ay ka soo wada shaqeeyeen Hey’adda CRD ayaa lagu tilmaamaa nin xog ogaal u ah xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka ku sugnaa howlo isugu jira jira arrimaha bulshada, sida dhiira gelinta dhalinyarada, nabadeynta iyo dib u heshiisiin ka soo shaqeeyay.
Mr Jibriil ayaa heysta fursad ka duwan tan ay heystaan Musharaxiinta kale ee horay u soo qabtay xilal, isla markaana wajiyadooda ka soo muuqday masraxa siyaasadeed, waxaana dad badan ay sheegayaan in Jibriil uu leeyahay waayo aragnimo gudaha dalka iyo caalamka ah.
Xaflada Musharaxnimadiisa uu kaga dhawaaqo ayaa lagu wadaa in Telefishinada qaar si toos ah looga daayo, waxaana dad badan oo dibadaha jooga ay isugu tagi doonaan Hotelo, si ay u daawadaan.
Ololaha Musharraxnimo ee Mr Jibriil ayaa waxaa hoggaaminaya Dhalinyaro aqoonyahano ah, waana tan kaliya ee dad badan rumeysan yihiin inuu kaga duwan yahay Musharraxiinta kale.
Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha
Madaxii Xarunta Cilmi baarista iyo wada-tashiga Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi uga dhawaaqo magaalada Muqdisho Musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha ee doorashada 30-ka October.