SAWIRRO dheeraad: Weerarka qorsheysan ee lagu dilay General Goobaale

0
Monday September 19, 2016 - 10:48:36 in Wararka by
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO dheeraad: Weerarka qorsheysan ee lagu dilay General Goobaale

    Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna la socday naftii halliga ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa beegsaday gaari Cabdi Bille ahaa oo uu la socday Taliyaha, waxaana la dhimatay lix askari oo ilaaladiisa ahayd.Weerarkan waxaa uu ka dhacay meel ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna la socday naftii halliga ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa beegsaday gaari Cabdi Bille ahaa oo uu la socday Taliyaha, waxaana la dhimatay lix askari oo ilaaladiisa ahayd.Weerarkan waxaa uu ka dhacay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in hal gaari oo keliya uu la socday General Maxamed Rooble Jimcaale, isagoo meesha ka saaray in gaadiid kale ay galbineysay.

Gaariga uu la socday naftii halligaha oo nooca raaxada ahaa, ayay taargadiisu ahayd NV 5114, sida uu Saxaafadda u sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Goobaale, waxaana uu ku tilmaamay halyey u adeegayay Qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in boos wayn uu baneeyay General Goobaale, iyadoo uu Alle uga baryay in uu u naxariisto, samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka bahalnimada ah ee lagu dilay General Goobaale, iyagoo sheegtay inay in muddo ahba ku daba jooggeen.

weerar weerar1 weerar2 weerar3 weerar4 weerar5 weerar8 weerar9 weerar91 weerar92weerar93weerar94 weerar95




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip