Abuu Muscab: Dowladdu way ku adkaan doontaa inay hesho bedelkii Goobaale

0
Monday September 19, 2016 - 10:33:04 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab: Dowladdu way ku adkaan doontaa inay hesho bedelkii Goobaale

    C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee Axadii lagu dilay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Afhayeenka, ayaa sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee Axadii lagu dilay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Afhayeenka, ayaa sheegay in gaari uu la socday nin ka tirsanaa Al Shabaab uu beegsaday gaari kale oo uu saarnaa Taliyaha, halkaana sida uu sheegay lagu dilay. Isagoo la hadlaayay Radio Alfurqaan, ayuu sheegay in Sarkaalkaasi uu caan ku ahaa dagaalka ay Dowladda Somaliya kula jirto Al Shabaab, isla-markaana uu cadaawad u muujinaayay.

"Sida la wada ogyahay ninkaasi wuxuu ahaa xubin muhiima oo Ciidamada Dowladda ka tirsan. Wixii uu ku caanbaxay oo aadka loogu gartana waxaa ka mid ahayd inuu aad iyo aad uu Mujaahidiinta dagaalkoodu ugu heelanaa, marwalbana uu cadaawad siyaado ah uu u muujinaayay.” Ayuu yiri C/casiis Abuu Muscab.

Waxaa uu soo hadalqaaday in dagaalo badan uu ka qaybgalay General Goobaale, iyadoo sida uu sheegay uu ka qaybgalay dagaalo ka kala dhacay Gobolada Banaadir, Shabellooyinka iyo weliba Gobolada Dhexe.

"Ninkaasi dagaalo badan buu ka qaybgalay oo ka kala dhacay Xamar, Gobolada Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe iyo Gobolada Dhexe. Guud ahaan ninkaasi wuxuu ahaa nin aad iyo aad dagaalkiisa ugu hagar baxay la dagaalanka Mujaahidiinta.” Ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab, ayaa qiray in General Goobaale uu muhiim u ahaa Dowladda Dhexe Somaliya, isla-markaana ay ku adkaan doonto sidii ay bedelkiisii ku heli laheyd.

"Wuxuu ahaa nin muhiim aad ugu ah Dowladda Somaliya, ayna tebi doonaan, kuna adkaan doonto bedelkiisa oo kale inay helaan. Sidaasi daraadeed muddo dheer bay Mujaahidiintu daba socdeen.” Ayuu yiri Abuu Muscab.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip