WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA SABTEMBAR 2016-KA
Sidoo kale wararka laga helayo Tuulada Nus Dariiq ee hoostagta deegaanka Ceelcade ayaa ku soo warramaya in diyaaradaha Kenya ay halkaas duqeymo ka geysteen.
Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeymaha oo la sheegay in lala bartilmaamsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Tuuladaasi.
Dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar culus ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kaas oo khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degmad aasi ayna Gaadiid dagaal kaga qabsadeen.
KENYA IYO SOOMAALIYA OO BEENIYAY IN QAXOOTIGA DHADHAAB SI QASAB AH SOOMAALIYA LOOGU CELIYO
Dawladaha dalalka Kenyan iyo Soomaaliya ayaa beeniyay in qaxootiga Dhadhaab si qasab ah lagu celiyo.
Waxay gaashaanka u daruureen warbixino sheegaya in dawlada Kenya iyo UNHCR aysan si rabi taankooda ah aysan qaxootiga u celin ee cadaadis ay ku saaraan in Soomaaliya ay aadaan. Warbixino ay soo saareen ururada xaquuqul aadanaha sida Human Rights Watch (HRW) ayaa lagu sheegay in xer yaha maadaama dawlada Kenya ay sheegtay in la xiri doono wixii loo gaaro bisha 11aad ee sanadkaan qaxootigu ayba ku qasban yihiin in ay Soomaaliya aadan walow Soomaaliya wali aysan saami u xasillooneyn!
HRW ayaa sheegtay in dawlada Kenya aysan qaxootiga u sheegeyn waxa ku dhacaaya inta laa ban weyda markii bisha Nofember la gaaro.
Hase ahaatee, dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa warbixinada ururada xaquuqul insaanka ku tilmaamay kuwo xog khalad ah ay ka buuxdo.
HRW ayaa sheegtay in kala dhimmanaan badan ay kujirto hannaanka dib u celinta xog khalad ah na qaxootiga laga siiyo meelaha dib loogu celinaayo, xogta kusaabsan waxa ay fili karaan ay kala dhimman tahay taccadiyana loo geysto qaxootiga.
Waxa fartu aadka ugu godan tahay waa Kenya oo HRW ay dhawaan war saxaafadeed ku sheeg tay inay ku cadaadinayso qaxootiga Dhadhaab inay Soomaaliya kulaabtaan intaan Nofember la gaarin si xeryahaa loo xiro mar qura!
Hase ahaatee dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka maqsuudeyso dadaalada si bania adminimo leh loogu soo celinaayo qaxootiga Dhadhaab dalka Soomaaliya. Waxay sidaa ku tiri wareegto daraad ay soo saartay.
Wareegtada ayaa sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in deeq bixiyeyaashu dhawraan wixii ay dib u celinta qaxootiga u yabooheen.
Iminka waxaa xeryo kumeel gaar ah kujira qaxooti dhan 2000 kuwaasoo badxiran ku dhacay ka dib markii hakad la galiyay celinta qaxootiga kadib markii dawlad goboleedka Jubaland sheegtay in ma rka hore ay tahay in nolol looga diyaarsho gudaha Soomaaliya qaxootiga ee aan si indho la'aan ah aan loo soo celin.
Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in shirar bil walba ay isugu yimaadaan masuuliyiin ta dawladaha Kenya iyo Soomaaliya si hannaanka dib u celinta qaxootigaa qiimeyn loogu sameeyo.
SARKAAL KA TIRSAN CIIDANKA MILATERIGA IYO FANAAN XALAY LAGU DILAY MUQDISHO
Waxaa xalay fiidkii siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan Ciid amada xoogga dalka iyo Fanaan ka tirsan Kooxda Hobalada Waabari.
Dilalkan oo ay geysteen Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa ka kala dhacay degmooyinka Waab ari iyo Hodan, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.
Dilka hore ayaa ka dhacay degmada Waabari abaarihii salaadii maqrib, markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdi Maxamed Safaari oo ka tirsanaa Kooxda Fanaaniinta Onkod.
Sidoo kale dilka labaad ayaa ka dhacay degmada Hodan, halkaasoo kooxo hubeysan ay ku dil een Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Col C/llaahi Sabriye Cabdulle.
Waa dilkii 3aad ee magaalada Muqdisho ka dhacay 24kii saac ee la soo dhaafay, kaasoo ay geys taan kooxo bastoolado ku hubeysan, ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay.
NINKII DADKA KU DOOXAY MARAYKANKA OO U MUUQAAL EKAA SOOMAALIDA.
Nin u muuqaal ekaa Dadka Soomaalida ayaa la rumeysan yahay in uu habeen hore weerar Toor eey ka geystay Dhismo laga Dukaamaysteo oo ku yaalla magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minneso ta, wuxuuna dhaawacay ilaa 8 qof.
Sarkaal Bolis oo aan xilligaasi wax shaqo haynin ayaa la sheegay inuu toogasho ku dilay Ninka weerarka geystay oo ku labisnaa Dharka Ilaaladda Ammaanka.
Hoggaamiye ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida oo lagu magacaabo Cabdul Kulane ayaa u she egay Wargeyska SC Times inuu ku sugnaa Dhismaha uu weerarku ka dhacay, isla markaana uu maqlay ey inuu Ninka falka geystay u muuqday inuu Soomaali ahaa.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuusan Shilkaas oo kale u fiicnayn dadka ku nool magaalladda Saint cloud ama Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey sida uu Weerarkaasi u waxyeeleyn doono magaalladda Saint Cloud.
Si kastaba ha ahaatee, Laamaha Ammaanka ee Gobalka Minnesota weli ma shaacinin dalka uu ka soo jeedo Ninka dilka geystay oo la hadalhayo inuu u muuqaal ek yahay Dadka Soomaalida.
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SOO SAARAY AMAR KU SAABSAN IN WAX BANAAN BAXYO AH LA QABAN KARIN
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimca ale Madaale oo shalay kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha 17degmo ee Gobolka Banaadir ayaa faray in wax banaan baxyo ah la qaban karin, iyadoo aan fasax laga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka markuu soo dhaamaaday waxa warbaahinta ugu warbixiyay Afhayeenka Gobolka Bana adir C/fataax Cumar Xalane isagoo xusay in la mamnuucay banaan baxyada, isla markaana maamulka tallaabo sharciga waafaqsan uu ka qaadi doono cidii qabata banaan baxyo aan maamulka wax fasax ah looga heysan.
"Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa uu mamnuucay in aan banaan baxyo aanu Gobolku ogeyn aanu ka dhici karin Magaalada Muqdisho, waxaa la faray Guddoomiyeyaa sha 17ka degmo in aan degmooyinkooda wax banaan bax ah lagu qaban Karin”, ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir Kulanka kadib.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Xisbiyada siyaasada dalka ka jira ay dhawaan ku baaqeen in la dhigo isu soo baxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday.
FAAH FAAHIN: WEERARKII ISQARXINTA AHAA EE LAGU DILAY JEN. GOOBAALE IYO ALSHABAAB OO SHEEGATAY
Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar is qarxin ah oo shalay duhurkii lagu dilay Taliyihii Guuta da saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale.
Weerarkan oo uu fuliyay ruux naftii hure ah oo kaxeyanayay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay ayaa lagu dhiftay gaari uu la socday Taliyaha Guutada saddexaad, meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Hodan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga fuliyay weerarka is qarxinta ay rasaas ku rideen ilaalada saraneyd Gaariga uu la socday Taliyaha, iyadoo uu dhinac ugu dhiftay, kadibna qarxay.
Wararka ayaa sheegaya in lix ka mid ah Ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa, iyadoo la soo shee gayo in dad rayid kale ay jiraan oo wax ka soo gaaray qaraxa, kuwaasoo wadada marayay.
Gaariga fuliyay qaraxa ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana gaarigii kale ee uu taliyaha la socdayna isna uu qeyb ka mid ah waxyeelo ka gaaray.
AlShabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta ee lagu dilay Jen. Goobaale, sida ay baahisay Idaacada Alandalus ee ku hadasha afka AlShabaab.
Allaha u naxariistee Jen. Goobaale ayaa hoggaaminayay howl gallo dhowr ahaa oo AlShabaab looga saaray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo Guutada 3aad ee uu Taliyaha u ahaa ka howl galeysay.
MID KA MID AH DIYAARADAHA QAADKA KEENA OO SHIL KU GASHAY DEGMADA BARDAALE
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaad si day ay shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmadaas, xilli ay cagadhiganeysay.
Sida ay soo warisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA diyaaradan ayaa cilad ku ti mid, kadib markii ay ka baxday dhabbaha garoonka.
Wararka ayaa sheegaya in aanay jirin wax khasaare nafeed, waxaana goobta diyaarada shilka ku gashay ku sugan ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Garoonka degmada Bardaale oo ah garoon macmal ah ayaa maalin walba waxaa ka dega diyaar ado Qaad ka keena dalka Kenya.
Sidoo kale waxaa garoonkan isticmaala Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, halkaa soo sahayda uga soo dego.
Degmada Bardaale oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Baay ayaa ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan maamulka Koofur Galbeed, inkastoo jidadka soo gala degmadaas ay yihiin kuwo ay jareen Al-Shabaab.
13-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay fasaxday Qaadka laga keeno dalka Kenya, kadib markii muddo todobaad ah ay xayiraad ku soo rogtay.
UNCHR OO BEENISAY EEDO AY U SOO JEEDISAY HAY’ADDA XUQUUQDA AAADANAHA EE HUMAN RIGHTS WATCH
Raouf Mazou oo ah wakiilka UNCHR ee dalka Kenya, ayaa sheegay in hay’adda ay si dhaw ula shaqeynaysay Dowladda Kenya si loo dhawro xuquuqda qaxootiga dib ugu laabanaya dalkooda Som alia, iyagoo si nabadgalyo ah ugu laabanayay goobihii ay ka yimaadeen markii hore.
Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa haatan ku nool 300,000 oo qof oo Qoxooti ah, una badan Soom aali, waxaana hay’adda UNCHR ay gacan ka geysataa buu yiri wakiilku sidii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyagoo aan la qasbin.
Sidoo kale, Hay’adda HRW ayaa warbixin ay toddobaadkii hore soo saartay waxay ku sheegtay in Qoxootiga Soomaalida ee xeryahaas ku jira qaarkood lagu qasbo in ay dalkooda ugu laabtaan si khasab ah, sidoo kalena aanay helin dhaqaalihii ay dib ugu laaban lahaayeen ee loo ballanqaaday.
HRW, ayaa Warbixinteeda ku xustay in Xukuumadda Kenya ay cadaasi iyo hanjabaado ku hayso qoxootiga xeryahaas ku jira si ay ugu laabtaan dalkooda, iyadoo dowladda Kenya ay horay us heegtay inay bisha November ee sannadkan ay xirayso xeryaha Dhadhaab oo dhan.
UNHCR ayaa warbixinteeda ku xustay in eedaha loosoo jeediyay ay yihiin kuwo aan sax ahayn, iyadoo xustay inaysan jirin cid lagu qasbo inay Soomaaliya ku laabtaan, balse dadka laabanaya ay iyagu go’aanka gaareen.
"Waxaan si joogto ah kulamo ula yeelanaa qaxootiga, sidoo kale saxaafadda ayaan u marinnaa marinaa farriimo ku baxa afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska oo aan ugu sheegeyno in dib u laabashada aysan ahayn mid khasab ah, balse uu qofku iskiis u dooran karo,” ayaa warbixinta UNCHR lagu yiri.
MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND OO BILLOWDAY DHAGAYSIGA DACWADA KA DHEXEYSA GARABYADA UCID..
Maxkamada sare ee Somaliland ayaa shalay billowday Dhagaysiga dacwadda u dhexeysa labad da garab ee xisbiga UCID, ka dib marka garabka gudoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe racfaan ka qaatay go’aankii ay hore usoo saareen guddida diiwaangelinta ururadda siyaasiga iyo ansixinta xisbiyada.
Guddoomiyaha maxkamadda sare Garsoore Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inay shalay bilaabay aan dhagaysiga dacwadda ka dhexeysa labadda garab ee xisbiga UCID oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo garabka kale ee uu hogaaminayo musaharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
"Waxa shalay bilaabmay dacwadii u dhexeysa labada garab ee xisbiga UCID, oo ay kala hogaam inayaan gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, iyo garabka uu hogaaminayo musharaxa Jamaal Cali xuseen iyo Cali Yuusuf, dacwaddu waa mid racfaana oo uu racfaane ka yahay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Qareenadiisu,halka Racfaasanayaala ay ka yihiin Cali Gurey iyo Jamaal”ayuu yidhi gudoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali.
Waxaanu intaas ku daray "Dacwadan waad ogtihiin oo waxa hore go’aan uga soo gaadhay gudi dda diiwaangelinta ururadda iyo ansixinta xisbiyadda siyaasadda, waxaana racfaan usoo qaatay maxk amadda sare garabka uu hogaaminayo Faysal Cali Waraabe iyo qareenadiisa ayaa maxkamada keenay, waxaana dacwadaasi galaysa maxkamadda sare oo buuxda, maxkamadda sare waxay ka kooban tahay kow iyo toban toban garsoore,kow iyo tobanka garsooraba way galayaan, waxa hogaaminaya gudoom iyaha maxkamadda sare,maadaama ay noqonaysa xukunkii ugu dambeeyey oo wax ka dambaynayaa aanu jirin”.
Dhinaca kale, waxa iyaguna markii dhagaysiga maxkamadda laga soo baxay warbaahinta la had lay labadda garab oo sheegay inay ku kalsoon yihiin wixii maxkamada ka soo baxa.
"Maxkamaddan waa tii sare iyo tii dastuuriga waxay akhriyeysaa sharciga u yaala asxaabta, sidii barigii aanu Cabdiraxmaan Cirro (Guddoomiyaha Xisbiga Wadani) is haysanay oo kale, waana ku kals oonahay oo wixii sharciga waafaqsan ay gudoomin doonto,waana ka dhursugaynaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey sida uu arko dhagaysiga maxkamadda ee bilaabantay.
Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "haatan wixii maxkamadda sare ka dhacay guul baanu u aragnaa,maxkamadii sare waxay banaysay dood wanaagsan, marka anagu sharciga ayaanu ka raacaynaa, kalsooni ayaanu ku qabnaa maxkamadda.”
Sidan oo kale, waxa khilaaf soo kala dhexgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbigan, ka dibna waxa khilaafkaasi loo gudbiyey maxkamadda sare, waxaanay maxkamadda sare u xukuntay gudoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, halka C/raxmaan Cirrana wakhtigaasi aasaasay xisbiga WADANI oo nasiib u helay inuu ka soo dhex baxo ururaddii siyaasadeed ee wakhtigaasi u tartamayey xisbinimada.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la dhawrayaa go’aanka maxkamadda sare ka soo baxa, maadaama oo garabka Faysal Cali Waraabeku qanci waayeen go’aankii hore ee guddida doorashooyinku ka soo saareen xalinta khilaafkan.
DOWLADA RUUSHKA OO WALWAL KA MUUJISAY IN AY BURBURTO XABAD JOOJINTA SYRIA
Milatariga Ruushka ayaa sheegay in kooxda mucaaradka ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan dowlada Siiriya inkastoo xabad joojin lagu baaqay ay mas’uuliyada burburkeeda ay dowlada Maraykanka qaadanayso.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa waxa ay sheegeen in mucaaradka oo taageero ka helaya Maraykanka ay 24kii saac ee ugu dambeeyay kordhiyeen weerarada.
Warbaahinta Syria ayaa waxa ay sheegtay in isbahaysiga Maraykanka ay garaaceen saldhigyo ay ciidamada Siiriya lahaayeen ayna ku dileen tobaneeyo ciidamo ah.
Janan ciidamada Siiriya ka tirsan ayaa laga soo xigtey in diyaaradaha isbahaysiga ay garaaceen saldhigyo ay ciidamada Siiriya ku lahaayeen meel ku dhow Deir alZour Bariga Siirya taasna ay u fududeynayo dagaalyahanada ururka IS in ay fursad helaan horena u dhaqaaqaan.
Ugu yaraan lixdan askari ayaa lagu diley sida ay sheegtay dowlada Siiriya halka kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay tirada gaarsiiyeen illaa siddeetan ruux.
Afhayeen u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa sheegay in weerarkan ay ciidamada Siiriya oo hareereeyeen dagaalyahanada IS ay qaadeen labo diyaaradaha dagaalka ee F16 iyo labo diyaarad oo kale A10 kuwaasoo ka doo duulay dalka Ciraq. Hase yeeshee xabad joojinta ayaan ahayn mid ciidamada Maraykanka ka joojinaysa inay duqeeyaan dagaalyahanada IS iyo kooxaha kale ee Jihaad doonka ah.
Dowlada Maraykanka ayaa war ay goordhow soo saartay ku qiratay inay ka dambeeyeen diyaara daheeda duqeynta loo geystey ciidamada Siiriya.
(FAALLO): LAMA DHAYALSAN KARO MIISAANKA SIYAASADEED EE MUSHARIXIINTA MADAXTINIMADDA !!!!
Ilaa 15 Musharax Mdaxweyne oo 2 ka mid Haweenyihiin ayaa xusul duub ugu jira Ololaha Doora shooyinka Madaxtinimadda ee la hadal hayoin la qaban doono bisha soo socota ee October 30-da.
Musharixiinta ugu miisaanka culus ayaana samaystay Isbahaysi ay ugu waqlaleen Isbahaysiga Isbedelsameynta Soomaaliyeed
"Coalition for Change (C4C)”, kaasi oo ay doonayaan inay sidii daadkii oo kale ugu durduriyan Musharaxiinta kale ee Madaxtinimdda.
Isbahaysiga C4C waxay jaal dhow la noqdeen Siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwaasi oo Aragti aha an ka biyo diidsan Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu shaaciyey inuu yahay Musharax Madaxweyne.
Isjiidjiid Siyaasadeed, Isnaqdin Mucaaradnimo Mutaxan iyo Awrkacsasho Siyaasadeed ayaana la ga dareemyaa Masraxa Musharixiinta,waxayna Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka si an haka sho leh diiradda u saareen inay naqdiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu u muuqda inuu Kaadir Siyaasadeed ka kasbaday Afarta sanno ee uu hayinka u hayo Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.
Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyi inta Mucaaradka waxay u badan yihiin Qurbojoog leh Bisayl Siyaasdadeed iyo Tisqaadka Nidaamka Dimuqraadiydda iyo Xisbiyadd Mucaradka.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Doorashadda Madaxtinimdda ku loolami doonaan Madax weyne Xasan Sheekh iyo Musharixiinta Isbahaysiga Isbedal sameynta Soomaaliyeed "Coalition for Change (C4C)”, waxayna Doorashadu noqon karta mid ka miisaan iyo xamaasad culus Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii.
Xeeldheerayaasha waxay kaloo sheegeen inaysan Musharixiinta Madaxtinimadda badankooda Hami Xooggn ka qabin Xilka Madaxweynaha, balse ay kala yihiin:
kuwo Musharaxnimadda u galayo inay Xusuusgal Taariikheed u noqoto Mustaqbalka.
Musharixiin hankooda yahay Boos celis iyo Gurmad ay u fidiyaan Musharixiinata kale ee ay Cahdi ga galeen.
Musharixiin ka go’an tahay inay mar uun noqdaan Madaxweyne Hoy iyo Xafiis u tahay Qasriga Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia.
Musharixiin danaynaya inay ku gorgortamaan dhibcaha Codbixinta ee ay helaan.
Musharixiin Istaraatijiyad iyo Dano Beeleed loogu cimaamaday inuu ku gaaro Mansabka Madaxw eynenimo.
Musharixiin haysta Dhaqaale si fudud ku soo galay oo doonaysa inay Kharajkaasi u adeegsadaan si ay u gaaraan Xilka Madaxtinimadda.
Waa Hubaal inuu Musharax kasta ku talamayo inuu Taageero ka helo xubnaha Xildhibaanadda ee Beeshiisa uga mid noqonayo Barlamaanka Federalka ee soo socda, illayn Siyaasadda Somalia waxa weli Xeer hoosaad u ah Nidaamka Isbeelaysiga.
Si kastaba ha ahaatee, Musharixiinta jaal ku noqda Qaddiyadda Siyaasadda iyo Doorashadda wa xay kala irdhoobaan marka la gaaro Hiigsiga Figta ugu sarreysa ee Doorashooyinka, illayn Siyaasadda ma laha Saaxiib Joogta ah ee Dano Joogto ayey leedahay. XIGASHO. RADIODALSAN.COM
BOGGA CIYAARAHA
PELE OO MAR KALE KA HADLAY DOODA KU SAABSAN XIDDIGA UGU FIICAN DUNIDA – LIONEL MESSI AMA CRISTIANO RONALDO?
Halyeeyga kubada cagta Pele ayaa mar kale qeyb galay dooda ku saabsan ciyaaryahanka ugu fiican dunida waqti xaadirkaan.
Ninka reer Brazil oo aan jecleyn inuu ka hadli haddii ay jiraan ciyaartoyda isaga ka fiican, ayaa sheegay in muran la’aan uu Messi haatan yahay xiddiga ugu fiican dunida.
"Cristiano Ronaldo waa gooldhaliye weyn, laakiin Messi ayaa ugu fiican” ayuu yiri markii la weydiiyay xiddiga ugu fiican dunida.
Waxaa intaas sii dheer inuu aaminsan yahay in Messi uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kubada cagta 15kii sanno ee ugu danbeysay.
"Waxaad xustay magacyo dhowr ah laakiin 10 ama 15kii sanno ee ugu danbeysay waxaan qabaa in Messi uu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican muran la’aan” ayuu yiri Pele.
"Waxaad xusi kartaa kuwa kale sida Cristiano Ronaldo kaasoo ah gooldhaliye weyn oo i soo xusuusiya Ronaldo.
"Ugu danbeyn, Ronaldo waxa uu dhaliyaa goolal, waxaadna aragnaa Messi oo caawinaad sameynaya, kubad dhisaya islamarkaana goolal dhalinaya.
"Marka laga hadlaya ciyaaryahan dhameystiran, muran la’aan Messi ayaa ah xiddiga ugu fiican.”
PAUL POGBA IYO MOURINHO OO BARAHA BULSHADA LOOGA MAADSADAY KADIB GUULDARADII SADDEXAAD OO RED DEVILS SOO GAADHAY SIDEED MAAL MOOD GUDAHOOD
Taageerayaasha kubbada cagta ayaan waqti badan iska lumin marka ay arkaan waxyaabo cusub oo ka dhaca kulamada ay ciyaraan kooxaha waa wayni, waxayna markan baraha bulshada ku jar jareen Mourinho iyo Paul Pogba kadib markii ay Man United sideed maalmood gudahood ay soo gaadhay guuldaradii saddexaad oo xidhiidh ahi.
Manchester United, Feyenoord iyo Watfrod ayaa isku dariiq mariyay Mourinho iyo kooxdiisa Man United oo xili horeba ka mid ahayd kooxaha loo saadaalinayay in ay xili ciyaareedkan ku guulaysan karto Premier Leaquega. Haddaba Man United waxay awoodaa in ay koobka Premier Leaquega ku guulaysan karto oo xili hore ayaa la joogaa laakiin waxaa hubaal ah in ay ku jiraan waqtigii ugu adkaa tan iyo markii Mourinho uu badalay Louis Van gaal.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah waxyaabihii qosolka lahaa ee laga sameeyay guuldaradii Man United iyada oo bartilmaameed laga dhigay xidiga aduunka ugu qaalisan ee Paul Pogba iyo Jose Mourinho halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
Soccer Memes ayaa samasyay masawir ka kooban Jose Mourinho iyo Louis Van Gaal waana calaamad muujinaysa in Mourinho uu ku jeedo dariiqii dhibta badnaa ee Van Gaal lagu caydhiyay
Dhinaca kale Soccer Memes ayaan ku koobnaan Mourinho oo kaliya waxayna qoraal ka sameeyeen Pogba iyaga oo barbar dhigay xidiga kooxda Watford ee Capoue sheegeen in Pogba lagu soo iibsaday 89.3 milyan gini halka Capoue laga soo bixiyay 6.3 milyan gini oo kaliya. Capoue ayay u qoreen in uu shan kulan 4 gool ku dhaliyay, hal gool caawineed iyo hal mar oo uu timaha jartay ama xiirtay.
Laakiin Pogba ayaa loo qoray afar kulan iyo in aanu samayn wax goolal caawin ah halka sidoo kale eber goolal ah loo qoray waxaana intaas oo dhan ka daran in qoraalka la raaciyay in Pogba uu muddadan 14 jeer timaha xiirtay ama uu jirtay.
Football Memes ayaa dhinaceeda ka durtay Pogba waxayna soo qaateen sawirka Pogba oo najad jabsan iyo swirka walxo ay sheegeen in marka loo baahdo la waayo. sawirka fiiri.
City Vines ayaa soo qaataday muuqaal kooban oo ay ciyaartoyda Watfrod ugu maadsanayaan Pogba iyaga oo samaynaya qaabka uu u dabaal dego marka uu gool dhaliyo waxayna soo qoreen: ” Dabska xili ciyaareedkan, Deeney 1, Pogba 0″
Mid ay ugu qoran tahay Anthony Mahoney ayaa soo qaatay Pogba oo madaxa kula jira box, wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay: ” Xaqiiqadii Pogba waa waa khad dhexe oo u dhexeeya min xerada ganaaxa ilaa xerada ganaaxa”.
Footbal Tolls ayaa qoraal kooban iyo masawir soo dhigtay waxayna ku durtay qaabka joogtada ah ee uu Pogba ugu mashquulo timihiisa waxayna xidiga ree France ku dureen in uu ku jiro Salon d’Or.
Mid kale oo ay ugu qoran tahay Not Match Of the Day ayaa soo qaatay muuqaal kooban oo uu ku sheegay in Mourinho uu raadinayo rasiidkii ay Man United ku bixisay lacagtii Pogba.
Muuqal kale oo qaab ciyaareedkii Pogba lagu dhaliilayo ayuu soo dhigay Pogba Highlights mid ay ugu qoran tahay :
Bleacher Report UK ayaa hab muuqaal ah ku soo badhigtay xogta kulamadii uu Mourinho soo maamulay Man United, natiijooyinkii uu ka helay iyo xogta kulamadii hore natiijooyinkii uu ka helay
AFAR KA MID AH KOOXAHA UGU WAA WAYN HORYAALKA EPL KA OO DOONAYA MID KAMID AH XIDDIGAHA KOOXDA GALATASARAY
Xiddiga kooxda Galatasaray Bruma ayaa soo jiitay xiisaha afar kooxood oo ka dhisan London kana ciyaara horyaalka England Premier League waana Arsenal, Chelsea, Tottenham iyo West Ham United, sida laga soo xigtay shabakadda Turkish Football.
21 sanno jirkaan ayaa ah xiddig si aad ah loo qiimeeyo wuxuuna wacdaro dhigay xilli ciyaareedkaan isagoo dhaliyey hal gool isla markaana hal gool caawiyey afartiisii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Turkish Super Liga.
Afar kooxood oo ka ciyaara horyaalka Premier League ayaana wakiillo daawada u diray, iyagoo soo arkay qaab ciyaareedkiisa kulankii ay kooxdiisu wajahday kooxda Kayserispor, isagoo hal abuure ka ahaa goolkii Yasin Oztekin ciyaartaas ayaana barbardhac 11 ah kusoo dhammaatay.
Si kastaba ha ahaatee, Galatasaray ayaa lagu soo waramayaa inay 25 milyan oo euros ku dooneyso Bruma, qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan Istanbul ayaana dhacaya bisha June 2018ka.
ENGLAND PREMIER LEAGUE
Watford 3 1 Manchester United
Crystal Palace 4 1 Stoke City
Southampton 1 0 Swansea City
Tottenham Hotspur 1 0 Sunderland
ITALY SERIE A
Udinese 1 2 ChievoVerona
Cagliari 3 0 Atalanta
Crotone 1 1 Palermo
Sassuolo 2 0 Genoa
Torino 0 0 Empoli
Inter 2 1 Juventus
Fiorentina 0 0 Roma
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA SABTEMBAR 2016-KA
DUQEYMO KALA DUWAN OO DAD AY KU DHINTEEN OO KA DHACAY GEDO Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen , illaa 8 Gurina waa ay ku basbeeleen kadib duqeymo Madaafiic ah ay ku garaaceen Ciidamada Kenya deegaanka Dhamase oo ho