Kenya iyo Soomaaliya oo beeniyay in qaxootiga Dhadhaab si qasab ah Soomaaliya loogu celiyo

0
Sunday September 18, 2016 - 18:12:57 in Wararka by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya iyo Soomaaliya oo beeniyay in qaxootiga Dhadhaab si qasab ah Soomaaliya loogu celiyo

    Dawladaha dalalka Kenyan iyo Soomaaliya ayaa beeniyay in qaxootiga Dhadhaab si qasab ah lagu celiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladaha dalalka Kenyan iyo Soomaaliya ayaa beeniyay in qaxootiga Dhadhaab si qasab ah lagu celiyo.
Waxay gaashaanka u daruureen warbixino sheegaya in dawlada Kenya iyo UNHCR aysan si rabitaankooda ah aysan qaxootiga u celin ee cadaadis ay ku saaraan in Soomaaliya ay aadaan. Warbixino ay soo saareen ururada xaquuqul aadanaha sida Human Rights Watch (HRW) ayaa lagu sheegay in xeryaha maadaama dawlada Kenya ay sheegtay in la xiri doono wixii loo gaaro bisha 11aad ee sanadkaan qaxootigu ayba ku qasban yihiin in ay Soomaaliya aadan walow Soomaaliya wali aysan saami u xasillooneyn!


HRW ayaa sheegtay in dawlada Kenya aysan qaxootiga u sheegeyn waxa ku dhacaaya inta laaban weyda markii bisha Nofember la gaaro.

Hase ahaatee, dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa warbixinada ururada xaquuqul insaanka ku tilmaamay kuwo xog khalad ah ay ka buuxdo.

HRW ayaa sheegtay in kala dhimmanaan badan ay kujirto hannaanka dib u celinta xog khalad ahna qaxootiga laga siiyo meelaha dib loogu celinaayo, xogta kusaabsan waxa ay fili karaan ay kala dhimman tahay taccadiyana loo geysto qaxootiga.

Waxa fartu aadka ugu godan tahay waa Kenya oo HRW ay dhawaan war saxaafadeed ku sheegtay inay ku cadaadinayso qaxootiga Dhadhaab inay Soomaaliya kulaabtaan intaan Nofember la gaarin si xeryahaa loo xiro mar qura!

Hase ahaatee dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka maqsuudeyso dadaalada si baniaadminimo leh loogu soo celinaayo qaxootiga Dhadhaab dalka Soomaaliya. Waxay sidaa ku tiri wareegto shalay ay soo saartay.

Wareegtada ayaa sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in deeq bixiyeyaashu dhawraan wixii ay dib u celinta qaxootiga u yabooheen.

Iminka waxaa xeryo kumeel gaar ah kujira qaxooti dhan 2000 kuwaasoo badxiran ku dhacay kadib markii hakad la galiyay celinta qaxootiga kadib markii dawlad goboleedka Jubaland sheegtay in marka hore ay tahay in nolol looga diyaarsho gudaha Soomaaliya qaxootiga ee aan si indho la'aan ah aan loo soo celin.

Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in shirar bil walba ay isugu yimaadaan masuuliyiinta dawladaha Kenya iyo Soomaaliya si hannaanka dib u celinta qaxootigaa qiimeyn loogu sameeyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip