Duqeymo kala duwan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Gedo

0
Sunday September 18, 2016 - 17:47:39 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo kala duwan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Gedo

    Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen , illaa 8 Gurina waa ay ku basbeeleen kadib duqeymo Madaafiic ah ay ku garaaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen , illaa 8 Gurina waa ay ku basbeeleen kadib duqeymo Madaafiic ah ay ku garaaceen

Ciidamada Kenya deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay Madaafiicda oo ku dhacayay Guryo ku yaalla Dhamase Soomaaliya ay ka soo tuurayeen Dhamase Kenya.

Sidoo kale wararka laga helayo Tuulada Nus Dariiq ee hoostagta deegaanka Ceelcade ayaa ku soo warramaya in diyaaradaha Kenya ay halkaas duqeymo ka geysteen.

Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeymaha oo la sheegay in lala bartilmaamsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Tuuladaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar culus ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kaas oo khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ayna Gaadiid dagaal kaga qabsadeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip