Maxan ka baranay shir Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu Qabtay ? ' Maqaal'

0
Saturday September 17, 2016 - 15:40:49 in Maqaallo by
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxan ka baranay shir Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu Qabtay ? ' Maqaal'

    Waxaa 13-kii bishan maalin salaado ah, magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay marti-gelisay Shir Madaxeedkii Urur gobaleedka IGAD oo isagu markii ugu horeysay lagu qabto gudaha Soomaaliya tan intii la dhisay 1986.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa 13-kii bishan maalin salaado ah, magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay marti-gelisay Shir Madaxeedkii Urur gobaleedka IGAD oo isagu markii ugu horeysay lagu qabto gudaha Soomaaliya tan intii la dhisay 1986.
Mudda hadda laga jooga 42-sanno kuna beegan sannadkii 1974-tii ayaa lagu qabtay Muqdisho shir madaxeedkii Ururka Midowga Africa oo markaa magaciisu ahaa(OAU, Organization of African Unity).
Qora: Maxamed Cisman Cabdi 'Black Cobra'

Qora: Maxamed Cisman Cabdi "Black Cobra”

Ka dib bur-burkii dawladdii dhexe ee dalka 1991-kii, Waxaa uga horeeyey oo ay magaalada Caasimada ee Muqdisho marti-gelisay waa shirkii Wasiirada arrimaha dibbadda Urur goboleedka IGAD oo 10-ka bishii January, 2016 ee sannadkan lagu qabtay Hotel SYL.

Shirkaas golaha wasiirada arrimaha dibbadda waxa uu gogal xaar u ahaa oo laguna balamay in shir madaxeedka IGAD lagu qabta Muqdisho horaanta bishan 7 illaa 10-ka September, balse maalmo dib u dhac ah kadib qabsoomay.

Diyaar garowga marti-gelinta Shirka iyo Xaqiijinta Amniga

Si magaalada ay u marti-geliso shir heer caalami ah waxa loo baahan yahay nabbad iyo amni, waxaana ay dawlada goosatay in ay xaqiijiso amaanka magaalada Muqdisho guud ahaan iyo gaar ahaan halka lagu qabanyo Shirka, Waxaana 9-kii bishan oo ku beegnayd maalin Jimco ah la xiray waddooyinka Muhiimka ah ee magaalada, waxaana la dhigay Ciidan hubiya, xaqiijiyana amaanka si aan kooxaha nabbad diidka ama Al-Shabaab aysan u carqaladaynin qabsoomida shirkaas.

Qorshaha waxa uu ahaa maalinta xigta oo Sabti 10-ka bisha ah in uu ka qabsooma magaalada Muqdisho Shir Madaxeedka IGAD, laba maalin oo hor leh ayuu dib u dhacay shirka, waxaase lasii xoojiyey amaanka, waxaana hakad galay isusocdka gaadiidka iyo weliba dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-baahinta kala hadlay shacabka arrinta amaanka iyo xirnaashaha waddooyina wuxuuna ka codsaday in dulqaad ay muujiyaan oo magaaladuna ay marti gelinayso shir macno weyn uga fadhiya dalka.

Ciida weyn iyo isa socodka oo hakad gelay

Waxaa maalin ka hor shirka ku soo aaday Ciidul Adhxa oo ah Ciida uga weyn labada ciidood ay Muslimiinta leeyihiin, si wayn looma oogin, dadka oo ay carruurta uga horeysana lama gaynin halkii ay booqasho ama damaashaad mar soo mar ah ku tagi lahaayeen waayo socod mooyee, waddooyinkii baa xirnaa, gaadiid shaqeeyaa ma jirin, Qaar baa lugtooda ku tagayey halka ay doonayeen.

Dacaayada ah in Shirka baaqdo ama dib u dhac kale ku yimaado

Inkasta oo wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye uu sheegay in shirka uu qabsoomaya 13-bisha haddana waxaa jiray warar kuturu ku teen ah oo baraha bulshada lagu faafiyey kaasi oo ahaa in shir madaxeedka IGAD uu baaqday, waxaana sidoo kale jiray in Soomaaliya ay joojisay duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan ku khaatka ka keena Kenya, taasi oo daaacada muuno u yeeshay, oo Madaxweyne-yaasha imaan lahaa sida kan Kenya iyo Sudan aan ka soo qayb geli dooniin oo ay yar tahay waxa imaan karaa sidaana uu ku baaqan karayey.

Shir Madaxeedkii 28-aad ee Urur gobaleedka IGAD baa qabsoomay

Waxaa sidii balantu ahayd qabsoomay Shirkii IGAD, Waxaa ka qayb galay Madaxdaha 8-da ah kuwooda uga tunka wayn badidooda, Waxaana kamida Soomaaliya oo iyada marti-gelinaysa, Kenya, Uganda iyo Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, waxa u suura-geliwaysay in diyaaradii siday soo caga dhigato garoonka Muqdisho, Madaxweynaha dalka Jabuuti oo dalkiisa dib uga laabtay, waxaana joogay wasiirkiisa arrimaha dibbadda oo buuxiyey kaalintaas, labada Sudan ayaa maqnaa, waxaase ka joogay wakiilo ma talayey.

Shirka waxa uu diirada saaray arrimaha Soomaaliya oo ay uga horeysa doorashada madaxtinimo ee nagu soo fool leh, xaaladda koofurta Sudan iyo iskaashiga gobalka, waxa uuna ku soo gaba-gaboobay jawi degan oo farxad leh, waxana ay madaxda dib uga laabteen wadamadooda marka laga reebo madaxweynaha dalka Ugandha oo isaga habeen kale ku qaatay magaalada Muqdisho.

Fariinta Madaxda in Muqdisho Nabbad tahay,fal danbiyeedyadana ay kala mid tahay caasimadaha kale.

Shir Madaxeedka IGAD ka dib waxaa isku haray oo shir yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal, si gaar ah, fududayta arrimaha Socdaalka, Ganacsiga, amaanka iyo arrimaha Qaxootiga Soomaaliya ee gudaha Kenya. Waxaa sidoo kale la fasaxay oo Kenya uga darnaa Khat-ka ay Soomaaliya u soo dhoofisa mudda isbuuc ah la keenin halka arrimaha kale ee farsamo ay qaadan doonta mudda 3-bilood ah.

Madaxweynaha Kenyam Uhuru Kenyatta waxa uu yiri, "Magaalada Muqdisho waa nabbad, argagixisadu waa wax inaga oo dhan na haysato haddii aanu joogno Muqdisho, Nairobi, Paris,iyo Belgium. Shir madaxeedka IGAD ee lagu soo gaba-gabeeyey Muqdisho wuxuu astaan u yahay in dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed ay hurumar sameeyeen oo ku aadan nabbadd ku soo dabaalida iyo xasiloonida Muqdisho”.

Maxan ka baranay shir Madaxeedkii IGAD ?

Waxaan ka baranay inaan shir kasta oo heer caalami ah ay Soomaaliya marti-gelin karto, laguna qaban karo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Wax fal arga-gixiso ah ama fal dambiyeed ma dhicin tan iyo intii ciidamada qalabka sida ay dhiisha gunta isaga dhigeen in ay xaqiijiyaan amaanka Caasimada, waxaa sidoo kale xusid Mudan Amisom.

Waxaan baranay oo si wanaagsan u sahminay in doorashada nagu soo fool leh ay si nabbad ku jirta u qabsoomayso oo aan jirin wel-wel dhinaca amniga ah, waxana cashar laga bartay tan, wixii khaldana la sixi doona.

Waxaan ka baranay in Soomaaliya go’aan xoog leh qaadan karto, ay joojisay, joojin karto Khaat-ka nooga yimaada dalka Kenya.

Waxan ka baranay oo aan ka faa’idnay in dawladaha ay wax naga dhaxeeyaan aan kula gor-gortami karno danaha naga dhexeeyo iyada oo loo hiilanayo shacabka Soomaaliyeed.

Geba-gebo

Waxa aan la qayb sanaya xanuunka iyo saamaynta dad badan ay ku yeesheen xirnaanshaha waddooyinka, waxaana marag ka ahay dhibaatadii ay shacabka ku dhaqan Xamar soo wajahday, aniga waxa ay ii ahayd maalmihii iigu socodka badnaa oo aan u lugooyo ku dhawaad 5 Km dhanka aan rabo ama wax ka badan,waxaa sidoo kale sababaha waddooyinka xiran uga baaqdsaday Shir Madaxeedka oo aan kamid ahaa wariyaha SONNA ee u matali lahaa. Waxaase shirku uu ahaa mid macno weyn uga fadhiya dalka iyo dadka bog wanaagsana taariikhda Soomaaliya uga qorantay.Eebaana ku Mahadsan !

W/Q: Al-Ustaad Maxamed Cisman Cabdi "Black Cobra”

E-mail: Blackcobra33@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip