Gen. GENERAL OLUSEGUN OBASANJO ayaa I baqdin galiyey.

0
Saturday September 17, 2016 - 13:51:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen. GENERAL OLUSEGUN OBASANJO ayaa I baqdin galiyey.

    A–waxaa Nigeria igu casuumay ururka Africa O2. waa Urur ka fikira sidii Afrika u yeelan laheyd mustaqbalka hogaamiyeyaal wadaniyiin ah, waxaan ka mid ahaa dhowr qof oo si shakhsi ah loo casuumay oo aanan ka socon Dowlad, Urur, ama Jaamacad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A–waxaa Nigeria igu casuumay ururka Africa O2. waa Urur ka fikira sidii Afrika u yeelan laheyd mustaqbalka hogaamiyeyaal wadaniyiin ah, waxaan ka mid ahaa dhowr qof oo si shakhsi ah loo casuumay oo aanan ka socon Dowlad, Urur, ama Jaamacad.

Intii aanan ugudbin wixii uu igu baqdin galiyey Gen. Obasanjo aan ka hadlo sawirka guud ee wixii aan dareemay.
Dayaarada aan la socday dadka saaran 70% waxa ay ahaayeen shiinees, Markii aan ka dagay Airport-ka Gen. Murtala Mohamed ee magaalada Lagos intii aan Airport-ka ku sugayay gaadiidkii martida ayaan shaah ka dalbaday maqaayada madaarka, laakin miiskii aan fadhiyay waxa aan ka joogi waayay Baranbaro dhinac walba ka soo fuushay miiska.


Muddadii aan joogay Lagos waxaan ogaaday in wadanku uu yahay mid barwaaqa ah, ma arag 1 mitir oo aan cagaar aheyn, nooc kasta oo dhir ahna waa ka bixi kartaa, dadka wadanku waxa ay 20% ka yihiin dadka qaaradda afrika taa oo ah ( 5tii qof ee afrikaan ah mid ayaa Nigerian ah), Alla ayaa ugu deeqay dad tiradaa leh, haddana waxa ay leeyhiin xarumo wax barasho iyo Jaamacada badan oo ay Afrika badankeeda uga horeeyaan, waxaa u sii dheer Shidaal. Iyada oo barwaaqadaa jirto haddana usbuucii waxaa yimaada 5 dayaaradood oo xamuul ah oo qudaarta sida Ansalato iyo karooto ka keena yurub, sidoo kale yaanyada waxa laga keenaa shiinaha, markii aan weydiiyay Hotelka waxa ay igu yiraahdeen heerka ( standarka hotelka ) ayaa saas ah

.untitled
Sidoo kale ma qabaan warshad sifeeysa shidaalka, dib ayaa loogu soo dhoofiyaa marka loo soo sifeeyo, heshiiskii shidaalka ayaa shuruudaa ku xiray. wadanku waa federal governor ( madaxweyne maamul gobaleedyadu) badankoodu, 2dii bilba mar ayey London aadaan waxa ay qaataan dayaarad u gaar ah waxa la socda 20 gabdhood wuxuu wataa 8 million dollar oo sahay safar ah, 10kiisa farood ee gacmaha 30 faraati ayaa ku jirta, dhalin yaradiina markii shaqa la’aanu ka badatay ayey sameysteen shirkado Filimada sameeya.
Hogaamiyaasha gobalada waxa ay wataan babuur madmadoow oo qofka ku jiro aan loo jeedin, taargo ama numbar maleh, dhinacyadana rag goruuma wata ayaa ka saaran, baabuurta u soo dhawaatana wey garaacayaan.
Gen. Obasanjo ( Madaxweynihii hore ee Nigeria) oo intii shirku socday aan gooni u arkay ayaa igu yiri: waxaa jirta 10 billion dollar oo aan la ogeyn meel ay ka baxdo sannad kasta, iska dhaaf kuwa la ogyahay in la xaday ee 10ka Billion waa inta aan la ogaan Karin. Waxa aan weydiiyay: adigu maxaad wax uga qaban weyday?. wuxuu igu yiri: Dalku waa federaal nooc kale ah, nin kasta gobalka uu xakumo asagaa iska leh, marka hore qabiiil ayuu u yimid. marka xiga koox saaxiba ah ayuu ku qabsadaa xukunka, kadibna qooys ayuu noqdaa ugu dambeeyna shaqsi aan cidna la tashan, waa boqora yar yar oo aan naxariis laheyn, dadkooduna baakad ayuu ugu jiraa aana laheyn meel laga neefsado, waana la caburiyay…dhibka ugu badan wuxuu ku dhacaa qabiilkiisa wuxuu leeyahay koox u disha dadka, maxkamado iyo xabsiyo dowlada dhexe ka madax banaan. ( cabsi ayaa I gashay armaa federaalkiino sidaas noqdaa). Fiiri: sawirka 1aad.
Generaalku wuxuu ku sii daray, federaalka Nigeria khalad ayaan u fahamnay, ma nihin dhowlad. Waxaan ku iri: haddii adigii madaxweyne ciidan ahaa aad saa u calaacaleyso, yaa wax ka qabanayo. Wuxuu yiri : Isbadelku wuxuu ka imaan doonaa gobalada dadkoodii hore u taageereen madaxda, marka ay ku hoos gubtaan. dowlada dhexe dastuurka ay sameeyeen madaxda gobaladu ayaa xakameynayo.
Dowlada dhexe waxa ay ku tiirsan tahay khidmada laga siiyo dhaqaalaha gobalka. Khayraadka maamul gobaleedyada ayaa sida ay doonaan u maamula, Afgambiga milateri ee ka dhaca dalku maamul gobaleedyada saameyn weyn kuma yeesho, xattaa marka aan u safreeyno goblada waa in aan u sheegno.
Waxaan ku iri: adiga laftaadu waxaad afgambisay dowlad demoqraadi ah oo la soo doortay in kastoo aad sameysay isbedelo keenay horumar dhaqaale oo aan la inkiri Karin, Waxaad xukunka heeysay adoo ciidan ah 1976 ilaa 1979, mar labaad adoo ah madaxweyne si demoqraadi ah loo doortay 1999 ilaa 2007. Waxaad nabadeyntooda ka qayb qaadatay colaadihii wadamada Angola, Burundi, Namibia, Mozambique, Congo iyo South Africa, sanadkii 2008 xoghayaha guud ee UN Ban Ki-moon ayaa kuu magacaabay ergayga gaarka ah ee harooyinka waaweyn (UN Special Envoy to the Great Lakes region), waxaan ku iri Hadda oo aadan siyaasada ku jirin maxaad ku talin laheed, wuxuu yiri: haddii aad ahaan laheed siyaasi dowlad ama urur siyasadeed ka socda si kale ayaan kuula hadli lahaa, waana ku canaana lahaa anna waan is canaanan lahaa, laakin hadda waxaan ku leeyahay bacdamaa aad macalin tahay ardaydaada bar sidii mustaqbalka ay u noqon lahaayeen hogaamiyayaal Afrikaan ah oo wanaagsan.
Waxaa kale oo aan la kulmay Mr. Sunuusi oo ahaa gudoomiyaha bangiga dhexe ee Nigeria waxaan hadalkiisii ka xasuustaa : maalin kasta 260,000 fuusto oo shidaal ah ayaan la ogeyn meel ay martay. Fiiri: sawirka 2aad.
Intii aan Lagos joogay waxa aan la kulmay Mr.Mo Ibrahim oo ah ninka iska leh , Mo Ibrahim foundation waa maalqabeen asalkiisu Sudan yahay heystana dhalashada Ingriiska ( Sudanese-British billionaire) waxa uu go’aansaday in uu afrika ku dhiiri galiyo dowlad wanaag sannadkii 2007. abaalmarina la siiyo madaxda Afrika ee inta ay xakumayaan dalkooda horuumariya Nabadgalyada , Caafimaadka , waxbarashada, dhaqaalaha, xuriyada shacabka, xilkana si Demoqaraadi ah ugu wareejiya kan ka dambeeya, waxa abaalmarintaa la bixinaya qiimeeynaya cidda la siinayo guddi madax banaan. madaxweynihii afrikaan ah ee shuruudahaa buuxiya waxa la siinayaa 5 million Dollar oo huruumarin ah iyo 200,000 dollar sanadkiiba inta uu noolyahay, Lacagtaana waxaa laga bixinayaa xisaabta Mo Ibrahim. Fiiri: sawirka 3aad .
Abaalmarintaa waxaa ku guuleystay Madaxweyne Joaquim Alberto Chissano, dalka Mozambique 2007. Madaxweyne Festus Gontebanye Mogae dalka Botswana 2008. Madaxweyne Pedro De Verona Rodrigues Pires, dalka Cabo Verde 2001. Madaxweyne Hifikepunye Pohamba dalka Namibia 2014. Iyo madaxweyne Nelson Mandela, South Africa 2007 inkastoo uuna shuruudahaa buuxin haddana la yiri: waxaa loo siiyay sharaf ahaan…Haddaba yaad filee in uu ku guulaysan karo madaxda hadda ee wadamada Afrikada Bari ?.
Mo Ibrahim, ayaa igu yiri waxaan ka baqaa in aan afrika ka waayo madaxweyne aan abaal marin siiyo, hadda waxaan ka fekerayaa in aan bilaabo in aan siiyo shaqaalaha hoose ee dalkooda daacada u ah. fiiri sawirka 4aad.
B—Mar kale ayaa isla ururkii Afrika O2 igu casuumay Magaala madaxda dalka Ghana ee Accra, Ghana waa wadan nidaam ahaan ka duwan Nigeria lacagtooda CEDI waa qaali oo 2c=1$. magaaladu waa mid ka nadiifsan Lagos, waxaa ku soo jiidanaya Dayaarad aan garoon aalin ee taalo bartama magaalada, maalintiina waa maqaayad habeenkiina goob caweys (night club), Waxaan halkaa mar labaad kula kulmay Gen. Obasanjo waxaan hadalkiisii ka xasuustaa, anagu waa tagnay ee jiilka cusub aan u dadaalno. Accra fiiri: Sawirada 5, 6, 7 iyo 8aad.
FG. Ha u qaadan in aan kuu faanayo qormadan oo aan nin wax fahmay iska dhigayo ama aragti gaar ah aan kuu soo gudbinayo, wixii aan soo arkay ama aan maqlay intii aan halkaa joogay oo kaliya ayaan kula wadaagayaa.
waxaan ka baqayaa in federaalkeeno uu horuumarkeena hor istaago siriqdii Nigeriyana aan ku dhacno.yaan tiin loo Abuurin jiilka mustaqbalka,ha laga fekero sidii aan dhalinta maanta ugu diyaarin la heeyn in ay noqdaan Hogaamiyayaal daacad u ah dalka.
Sidii aad u aragto in aad uga hadasho ayaad xor u tahay……

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip