NASASHADA JIMCAHA , Q-8

0
Friday September 09, 2016 - 10:12:19 in Wararka by
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHADA JIMCAHA , Q-8

    A--Jilaaga caanka ah ee jila filimada Jungle-ka , loona yaqaan boqorkii duurjoogta Mr. Tarzan ayaa yimid Biya galeen yar oo ay ku sugnaayeen xayawaana badan oo ah kuwii ay keeynta ku wada noolaayeen, sida Maroodi, Shabeel, Coowl, Waraabe iyo nuucya b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A--Jilaaga caanka ah ee jila filimada Jungle-ka , loona yaqaan boqorkii duurjoogta Mr. Tarzan ayaa yimid Biya galeen yar oo ay ku sugnaayeen xayawaana badan oo ah kuwii ay keeynta ku wada noolaayeen, sida Maroodi, Shabeel, Coowl, Waraabe iyo nuucya badan oo Daanyeera ah.

Tarzan oo meel sare saarnaa ayaa damcay in uu ku soo boodo biya galeenka kuna dabaasho, Tarzan wuxuu iska tuuray go’ii yaraa ee cowrada uu ku asruran jiray, si uuna uga qoyin asaga ooqaawan ayuuna ku soo booday biya galeenkii.

Xayawaankii oo dhan ayaa mar kaliya ku wada qoslay. Tarzan ayaa ku yiri: maxaad iigu qosleeysaan. Waxa ay ugu jawaabeen: Anagu dabadua( dibka) gadaal ayaan ku leenahay, adiguna horay.

( siyaasiyiinta yaan dharka laga feeydin oon la ogaan in aan kala dan nahay).

B--Maalin ayaa xayawaanka oo dhami shir isagu yimaadeen, oo ay fadhiisteen geedka (Bar kulan) harkiisa. Gunaanadkii shirka ayaa la sheegay sheeko ka wada qoslisay xayawaankii oo dhan, intaan Caaqil Dameer ka aheeyn oo aan ku qoslin sheekada lagu wada qoslay.

shirkii waa la xiray, waxaana loo balamay maalin kadib. Dib ayaa la isagu soo noqday, xayawaankii oo dhan waa yimaadeen, laakin caaqil dameer ayaa soo daahay, mar dambe ayuu soo muuqday asagoo aad u qoslaya.

Xayaawaanaadkii kale ayaa is weeydiiyay waxa caaqilku saas ugu qoslayo, markii uu soo gaaray goobtii shirka ayaa la weeydiiyay waxa maanata ka qosolsiiyay… Caaqilkii ayaa ku jawaabay, Sheekadii shaly ayaan hadda fahmay.

( Goormeey Madaxda madashu wada fahmi doonaan qosolka IGAD, ma markii caaqilku ceel ku dhaca?,mise markii qoorta xujo la gashadaa?).

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip