COD BIXINTA SIXIROOLAYAASHA IYO SOMALIA.!!!!

0
Wednesday September 07, 2016 - 11:36:55 in Maqaallo by
  • Visits: 1188
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    COD BIXINTA SIXIROOLAYAASHA IYO SOMALIA.!!!!

    Xamar aaaaa!!!. Haddana sixir aaa!!!. ka subxaana laah, Jinni aaaa!!!!!. Jiirteena xaraar. A—Waxaa beryahan ku soo batay magaalada Mugadishu iyo gobalada qaar, erayga (Diaspora Magicians) ama sixiroolayaasha qurbaha, inkstoo aynan dad Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamar aaaaa!!!. Haddana sixir aaa!!!. ka subxaana laah, Jinni aaaa!!!!!. Jiirteena xaraar. A—Waxaa beryahan ku soo batay magaalada Mugadishu iyo gobalada qaar, erayga (Diaspora Magicians) ama sixiroolayaasha qurbaha, inkstoo aynan dad Somaliya aheeyn oo ajaanib ay yihiin oo aan diaspora la dhihi Karin, oo ay habooneed in loogu yeero ( foreigners), haddana dadku waxa ay u yaqaaniin sixiroolayaashii diaspora. Waxa ay u yimaadeen in ay ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee doorashooyinka la sugayo.

Badankoodu waxa ay ka yimaadeen wadamada Nageeriya iyo Hindiya, iyo qaar kale oo laga keenay waddamada deriska ah.

Dhibaatada ugu horeysa, waxaa jira khilaaf u dhaxeeya sixiroolayaashaa ajnabiga ah iyo kuwii gudaha, oo shakii ku abuuray musharaxiinta, Kadib markii ay isku khilaafeen shuruudaha laga rabo musharaxa , iyo natiijada doorashada .Untitled

Qaarkood ayaa ku yiri: musharixiinta Iska seexda booskiino waa banaanka,waa la hubaa, kuwa kale ayaa yiri: khatar aan kursigaaga ku ekeeyn ayaa ii muuqata oo gurigaaga iyo qooyskaaga u gudbi karta. Qaar ayaa leh jinni ayaa nala socda VISA la’aan soo galay. Qaar ayaa leh: sixirkeeygu haweenka ayuu qaban og yahay, codkooda 30% waa kuu hayaa. Qaar ayaa lel: cod bixiyayaasha ayaan indha sarcaadinayaa… (( tallo: odayaasha dhaqanka ee wax soo xulaya quraan ha lagu xijaabo)).


Waxa ay ku dhawdahay in la kala afbduubto sixiroolayaasha, war ajaanibtaa yaan nalagu ceebeeyn haraan badmareeno iyo hay’ada sama fal dad uga afduubanaye, walba dila waa sixiroolayaale, jinigana baabuurka qarax ma loogu xiri karaa?.
B— Aqalka sare iyo kan hoose. Musharax kasta kan sare ayuu rabaa, magaca ayaa SARE ah, waa sida golahii sare ee kacaanka ayuu aaminsanyahay ogaal kale ma jiro.
Musharixiinta oo badata waan soo dhaweeyneeynaa, sababta oo ah: lacag badan oo ummaddan laga dhacay ama si khaldan lagu kasbaday ayaa dib ugu soo noqonee kuwii laga dhacay. Tusaale: 51 oday ayaa u cdeeyneeysa halkii xildhibaan oo ka mid ah 275 xildhibaan, waxa ay helaan laga yaabee in wax laga sii shaxaado,
14000 ergo waxa ay helaan lagu qadimaa, lacagta odayaashaa la siinayo shaqa nadiifa laguma tacbin , masaakiintii laga dhacay ayeey dib ugu noqonee, ama xariif kale ayaa ka xaabsanaa, kii soo xadayna Aakhirana waa sugee aduunkana waa ku xantiiraa.
Qiimaha iyo tirada xildoonka ayaa badanayo. (Sicir barar ayaa jiri jiray ,hadda xil barar ayaa yimid). Xilalaka sare ayaa iyana sii bararaya.
Tallo: sii looga badbaado sixiroole, jinni, lacag baxda iyo qabiila is dila. Halkii sanduuqa warqad duuduuban lagu ridi lahaa, ha lagala soo baxo mid duuduuban, Musharaxiinta inta shuruudaha buuxisa ha loo sameeyo Baqtiyaa nasiib. Beel waliba musharaxiinteeda baqtiyaa nasiib ama qorra tuur haku kala saarto si ayna dhaxdeeda isku nicin ama u dagaalamin, madaxda sarena xildhibanada hortooda ,midba gacanta ha gashado sanduuqa kii ay u soo baxdo afhayeen baarlamaan ama madaxweeyne hala dhaariyo,,, qorra tuurku xalaal ma yahya/xal ma yahya? Ma ogi.
Hadiise lacag iyo sixir suuqa soo galeen, aqoon yahan, wadani, miskiin, kii dar Alla u socdo looma baahna miyaa?. ogoow in aad sixir aamintaa waa dambi weeyn. Xaalku ilama qumana, towfiiqda Allah hana waafajiyo.
Iga raali ahaaw haddii aan kugu wareeriyay wax aadan ogeeyn, anaa kaa hor in aan ogaado ku wareeraye.
Qore: Yahya Amir

XIGASHO-:SOMALIWEYN.ORG



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip