FAALLO Hashii nin gurrani dheelmay dhanna uma fayooba!

0
Friday September 02, 2016 - 21:28:09 in Maqaallo by
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO Hashii nin gurrani dheelmay dhanna uma fayooba!

    War dhiillo iyo dhaqan xumo siyaasadeed xambaarsan ayaan a maqlayaa madaxa iyo maamullada dalka qaarkood, Waxa aan dhegeystay hadalka wasiirka ammaanka ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo ku saabsan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War dhiillo iyo dhaqan xumo siyaasadeed xambaarsan ayaan a maqlayaa madaxa iyo maamullada dalka qaarkood, Waxa aan dhegeystay hadalka wasiirka ammaanka ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo ku saabsan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Wasiir C/Risaaq Cumar Max’ed; ayaa isaga oo ka hadliya dhacdooyinka la xiriira nabadgelyada ee Muqdisho, waxa uu yiri: "Milkiilayaash Hoteelladu waa in ay amniga sugaan ama xiraan Hoteelka, Waxa la rabaa in ganacsatada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u furan ay sugaan ammaankooda, sidii ay doonaan ha ku sugaan”!

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland; ayaan ka maqlay in ay soo rogtay go’aan lagu mamnuucayo gaadiidka ka yimaada gobolada kale ee Soomaaliya, Kaas oo ah go’aan ciriir gelinaya ganacsiga oo kamid ah meelaha aan siyaasadda qabiileysan ku milmin.

Labada arrimoodba waxa ay quseeyaan nabadgelyada, haddaba aan isweydiino dadkeena siyaasaddu haddii aanay ka adkeyn xafiisyada ay maamulaan ama aanay lahayn karti ay ku horseedaan hab ammaanku ku xisilo miyaanay awoodin in ay ka tagaan, illeen waa in aad meesha ka muuqataann ama ka maqnaataane.

Waxa aan isweydiiyey waxa ay tahay shaqada Wasaaradda ammaanku, haddii shacabka looga fadhiyo in ay hub qaataan oo ammaankooda sugtaan.

Aragtida casriga ah ee dowladnimada ayay ceeb ku tahay in shaqada xukuumadaha ay shacabka qaataan, haddiiba ay sidaas tahayna looma baahdeen dowlad iyo hay’ado dowladeed.

Shacabku waxa ay kaalo iyo kaalmo ku dari karaan sugidda ammaanka, balse ma aha cidda koowaad ee ammaanka iyo nabadgelyada la tacaaleysa.

Shaqooyinka asaasiga ah ee dowladaha looga baahan yahay, waxaa uguu horreeya xaqiijinta nabadgelyada gudaha iyo difaaca xadgudubka dalka uga iman kara dibadda.

Waxa jira aragti sugidda nabadgelyada ay muwaadiniintu qayb weyn uga noqdaan, hayeeshee waa marka ay hay’ado gaar ah qabanayaan shaqada sugidd ammaanka (Private Security Agencies), waxa ay aragtidaasi ka shaqeysaa maanta waddamo ay kamid yihiin Koofur Afrika iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Haddii xukuumaddu gebto howshaas waxa ay weyneysaa tilmaanta iyo sifada xukuumadnimada.


Tan kale, waa in aan madaxda iyo adeegayaashu marin habaabin bulshada iyo aragtida guud ee dadweynaha.

Qoraal ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, oo uu aqriyey Afhayeenka Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay xiran tahay xudduudda Puntland.

Aan isweydiino jiritaanka xuduud la yaqaan oo ayleedahay Puntland, haddii aan raacno wixii uu ka tageen ingiriiska iyo Talyaanigu marna ma jirto xuduud loo yaqaan magaca Puntland, oo keli ah waxa jira xuduud loo yaqaan gobolada Koofurta iyo Waqooyiga ee Soomaaliya.

Marka wax aan jirin in muwaadiniinta lagu maaweeliyo waxa ay keeni doonto ceeb siyaasadeed, mase hubo in qaar badan oo kamid ah madaxda maanta jirtaa in ay leeyihiin jir iyo caqli xishooda.

Waxaa Qoray:
Axmed Guutaale.

xigasho:-somaliweyn.org


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip