Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu magacaabay oday dhaqameed cusub oo lagu soo daray liiska Oday dhaqameedyada 135 ahaa, taasoo ay la og yihiin xubnaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran.
"Isbahaeysiga xisbiyada dalka marna ma aqbali doono isbadal lagu sameeyo liiska odoyaasha 135ta ah ee la isku raacsan yahayā€¯ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo akhrinayay War saxaafadeedka.
Mr Warsame ayaa uga digay Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo heer Gobol inay fara gelin ku sameeyaan Odayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.
Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ka soo baxay Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada.
Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada oo ka digay fara gelinta Liiska 135-ta Oday (Akhriso)
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada dalka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay fara gelin ay sheegeen in Madaxda dowladda ku hayaan Liiska saxda ah ee Odayaasha dhaqanka 135 oday ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka