Ciidamadamada Dowladda oo xalay Deg. Dharkaynlay ka qabqabtay Rag lala xiriiriyey Al-Shabaab

0
Monday August 29, 2016 - 10:58:28 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadamada Dowladda oo xalay Deg. Dharkaynlay ka qabqabtay Rag lala xiriiriyey Al-Shabaab

    C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu qab qabtay labo nin oo la tuhunsanyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu qab qabtay labo nin oo la tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay in labada nin laga qabtay agagaarka Dabakaaya madow, oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, islamarkaana iminka ay ku jiraan gacanta ciidamada amaanka Soomaaliya.

"Ciidamada ammaanka ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ka soo qabtay laba nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gacanta ciidanka ayey ku jiraan walina baaritaano ayaa socda”ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale Bulshada gobolka banaadir ayaa mudooyinkii dambe si weyn ciidamada amniga kala shaqeynayey sidii loo soo qaban lahaa cadowga shacabka ku dhex jira, ee ku howlan dhibaateyntooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip