Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn oo warqadihiisii aqoonsiga gudbiyay

0
Monday August 29, 2016 - 10:53:43 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn oo warqadihiisii aqoonsiga gudbiyay

    Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay waziirka arimaha dibada ee dalkaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay waziirka arimaha dibada ee dalkaa.
Waziirka Arimaha Dibada ee Baxreyn, Khaalid Al-Khaliifa ayaa ka guddoomay safiirka Soomaaliya Daahir Jili warqadaha aqoonsiga. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Safiirka Soomaaliya Daahir Jili ayaa damacsan inuu xiriirka labada dal joogteeyo horumarkiisa iyo sidii loo sii xoojin lahaa.



Waziirka ayaa u rajeeyay safiirka guul iyo horumar uu ka gaaro dawrkiisa asagoo ku baaqay sidii labada daraf ay uga shaqeyn lahaayeen iskaashi dhab ah oo labada dal u dhexeeya gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo dhanka xiriirada bulshada iyo dhammaan amuuraha ganacsiga.

Safiirka ayaa muujiyay qaddarin uu u hayo rabitaanka waziirku uu ku doonayo dhisida xiriir iskaashi oo xooggan oo u dhexeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Baxreyn ayaa ka wada tirsan caalamka Islaamka iyo Jaamacada Carabta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip