Wadamada Afrika iyo Japan oo iska kaashanaya la dagaalanka Kooxaha argagaxisada

0
Monday August 29, 2016 - 10:35:56 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Afrika iyo Japan oo iska kaashanaya la dagaalanka Kooxaha argagaxisada

    Madaxda Qaaradda Africa iyo Japan ayaa isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda si loo helo bay'a nabdoon oo ganacisga lagu horumarin karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Qaaradda Africa iyo Japan ayaa isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda si loo helo bay'a nabdoon oo ganacisga lagu horumarin karo.
Shirkii dowladda Japan iyo Afrika oo Ujeedadiisu ahaa iskaashiga dhaqaalaha oo Sabtidii Nairobi ka furmey oo ay ka qeybgaleen madaxweyniyaal iyo mataliyaal ka kala socday 54 wadan ee qaaradda ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah kaas oo waxyaabaha ugu humiisan ah aheyd fursadsiinta dhalinyarada iyo haweenka qaaradda si kor loogu qaado doorka ay ka ciyaari karaan kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

"Waxaan xalineynaa isla markaana horumarinaynaa xasiloonida iyadoo laga jawaabayo walaaca amniga ee jira. Waxaa sidoo kale xoojinaynaa awoodsiinta shakhsiyaadka gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka anagoo fursad u siinayna waxbarasho, tababaro xirfadeed, fursado shaqo,” ayaa lagu yiri baaqii Nairobi oo shirka laga soo saaray.

Waa kii ugu horeeyay oo qaaradda Afrika lagu qabtay shirka (Tokyo International Conference on African Development) oo loo soo gaabiyo TICAD ahaana kii afaraad tan iyo markii daah laga rogay sanadkii 1993, iyadoo sanadkii 2013 lagu qabtay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

Shirka TICAD oo ay wada yeesheen madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxa ay isku raaceen in qorshe loogu magac daray Yakahama oo ahaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo la sameynayo waddooyinka casri ah isla markaana maalgelin lagu sameyn doono daryeelka caafimaadka qaaradda, tignoolojiyada iyo maareynta musiibooyinka waxayna xukuumadda Tokyo ku bixin doontaa aduun gaaraya $32 billion.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan,Shinzo Abe, oo shirka ka hadlay ayaa balan qaaday in $10 billion oo kale lagu maalgelinta doono ganacsiga sida gaarka loo leeyahay ee qaaradda Afrika.

" Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay in aan xidada u siibno argagaxisada rabshadaha wadata. Waxaan aduunka ugu baaqaynaa in la iska kaashado xoojinta la dagaalanka argagaxisada isla markaana kor loo qaado awooda laamaha amniga ee qaaradda,” ayay balan qaadeen.

Mr Abe ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dowladiisu ay ku bixin doonto $500 million tababaro xirfadeed oo loo sameyn doono 50,000 oo dhalinyaro oo Afrika ku nool si loooga hor joogsado in dhalinyarada ay ku biirto kooxaha argagaxisada sida Alshabaab.

Tokyo ayaa rajaynaysa marka la gaaro sanadkan 2019 ku dhowaan 9.6 milyan oo dhalinyaro ah ay ka faa’ideystaan qorshahan isla markaana la kordhin doono tirada deeqaha waxbarasho ee Japan siiso Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip