Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la dar daarmay Ciidan ka tirsan Danab oo tababar loo soo xiray

0
Monday August 29, 2016 - 09:18:58 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la dar daarmay Ciidan ka tirsan Danab oo tababar loo soo xiray

    Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa shalay tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo muddo sideed bilood tababar uga socday Xerada Tababarka ee Jen. Dhegabadan Ex Jaziira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa shalay tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo muddo sideed bilood tababar uga socday Xerada Tababarka ee Jen. Dhegabadan Ex Jaziira.

S/Gaas Maxamed Aadan Azmed ayaa la dar daarmay ciidanka, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay inay kalsooni ka helaan shacabka Soomaaliya, iyagoo ugu adeegaya si daacadnimo ah.

Taliyaha ayaa xusay inay muhiim tahay in ciidamada ay ka soo baxaan waajibaadka Qaran ee la saaray, gaar ahaan ka difaaca dalka ee cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska ee loo yaqaano Danab.

Ciidankan ayaa la siiyay qalab ciidan iyo gaadiidka qafilan ee gaashaaman, kaasoo ay isticmaalaan ciidanka AMISOM.

ciidan-tababarciidan-tababar1ciidan-tababar2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip