Cabdmalik Askar oo ku dhowaaqay inuu isaga haray tartanka doorashada Minnesota

0
Monday August 29, 2016 - 09:01:31 in Wararka by
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdmalik Askar oo ku dhowaaqay inuu isaga haray tartanka doorashada Minnesota

    sharaxa asalkiisu Soomaaliga yahay Cabdmalik Askar oo doonayey inuu u matalo xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka doorashada Baarlamaanka Minnesota ayaa ku dhowaaqay inuu isaga haray tartankaas sababo la xiriira arrimo qoys awgeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sharaxa asalkiisu Soomaaliga yahay Cabdmalik Askar oo doonayey inuu u matalo xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka doorashada Baarlamaanka Minnesota ayaa ku dhowaaqay inuu isaga haray tartankaas sababo la xiriira arrimo qoys awgeed.

Abdmalik ayaa kula tartamayay kursiga xaafada 60B oo ay Soomaalida ku badan tahay,Murashaxada Ilhan Cumar oo iyadu horaantii bishan ku guuleysatay inay noqoto murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Dimuquraadiga. Iyadoo la filayay inuu tartankan uu noqdo kii ugu horeeyay ee labo ruux oo Somali Maraykan ah ay ku tartamaan.

Askar ayaa sheegay in sanad adag uu ku jiro maadaama uu dhowaan geeriyooday aabihii,xaaskiisana ay xaamilo tahay. Sidoo kale Askar ayaa ku jira xilligii ugu dambeyay ee uu diyaarinayay shahaadaha doctorate jaamacada St.Mary ee Minnesota.

Kursiga xaafada 60B ee Baarlamaanka Minnesota ayaa waxaa horey ugu fadhiday Xildhibaanada Phills Khan oo iyadu kursigaasi ku guuleystay 21 jeer oo hore, balse waxaa markii ugu horeysay haweenaydaasi uga guuleysatay Xisbigeeda Ilhan Cumar oo noqotay gabartii ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim ah oo tartankaasi ku guuleysata.

Doorashada guud ee dhici doonta bisha November ayaa lagu waday in labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ku loolamaan kursigaasi waxaana si weyn loo saadaalinayey inay ku guuleysan doonto Murashaxad Ilhaan Cumar maadaama kursigaasi ay had iyo jeer ku guuleystaan xisbiga Dimuquraadiga. Balse Cabdimalik oo isagu ku biiray xisbiga Soomaalida ay ku yartahay ee Jamhuuriga ayaa ugu danbeyntii sheegay inuusan wakhti u heyn inuu loolan la galo Ilhan Cumar oo iyadu taageero xoogleh ku leh magaalada Minneapolis.

Guddoomiyaha ololaha doorashada ee Askar David Pascoe ayaa sheegay in ay dhici karto in qof kale lagu bedelo booskiisa. Hase yeeshee waxaa muuqata in xisbiga Jamhuuriga uusan u tartami doonin kursiga maadaama muddo 22 sanadood ah ay ku guuleysanayeen xisbiga Dimuqraadiga.

Murashaxad Ilhan Cumar ayaa lagu wadaa in bisha November ay taariikh cusub dhigto maadaama ay noqon doonto haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah, Soomaali ah oo kasoo jeeda Afrika oo ku fariisata kursiga Baarlamaanka Minnesota.

two somali americans




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip