Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu qabtay Degmada Xamar Weyne (Daawo Sawirada)

0
Monday August 29, 2016 - 08:56:50 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu qabtay Degmada Xamar Weyne (Daawo Sawirada)

    Gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa ay saaran yihiin, ayaa waxaa caawa lagu qabtay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, inkastoo aanay jirin cid falkaasi loo soo xir xiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa ay saaran yihiin, ayaa waxaa caawa lagu qabtay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, inkastoo aanay jirin cid falkaasi loo soo xir xiray.

Gaarigan oo la soo dhigay afaafka hore ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xaawo Taako, ayaa waxaa si sahal ah gacanta ugu dhigay Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa la wareegay gaarigaasi, xilli muddo 10 daqiiqo uun uu yaalay halkaasi, waxaana la soo sheegayaa in Nabad Suggidu ku daba joogtay gaarigaasi.

Maamulka Degmada Xamar Weyne, ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in raggii la socday gaarigaasi, ay ka baxsadeen gacanta hay’adaha ammaanka.

Ciidamada Nabad Suggida oo isu gadaamay wadooyinka soo gala goobtii uu gaarigu yaalay, ayaa waxay ka dejiyeen fuusto uu ku jiro jawaan lagu soo cabeeyay walxaha qarxa iyo birro.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Saxaafadda kula hadlay halkaasi, ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid lagu daba joogay, markii ay xogtiisu helayn laamaha ammaanka.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in gaariga ay Shabaabku kaga taggeen inta u dhaxeyso Iskuulka Xaawo Taako iyo Saldhiga Booliska ee Afar Irdood, isagoo xusay in Ciidamada Nabad Suggida ay ku guuleystaan in qaraxa ka furaan gaarigaasi.

Xalane, ayaa waxaa uu mintidiinta Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inay xilli kasta maleygayaan, sidii ay ku dhibaateen lahaayeen shacabka Somaliyeed.

Gaariga xalay lagu qabtay Degmada Xamar Weyne, ayaa noociisu uu ahaa Kaarib. Fashilinta qaraxan waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli Nabad Suggida ay Jimcihii sheegtay in ay fashilisay qaraxii lagu weeraray maqaaxida Banadir Beach.

Qarax la fashiliyayQarax la fashiliyay1Qarax la fashiliyay2Qarax la fashiliyay3Qarax la fashiliyay4Qarax la fashiliyay5Qarax la fashiliyay6Qarax la fashiliyay7Qarax la fashiliyay8

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip