Baarlamaanka Somaliya oo u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka

0
Monday August 29, 2016 - 08:39:28 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliya oo u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka

    Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka si wax looga weydiiyo arinta ku saabsan lacagtii dhawaan la sheegay in lagala baxay Bankiga dhexe ee dalka, xilli dalka uu ku jiro Marxalad kala guur ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa u yeeray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka si wax looga weydiiyo arinta ku saabsan lacagtii dhawaan la sheegay in lagala baxay Bankiga dhexe ee dalka, xilli dalka uu ku jiro Marxalad kala guur ah.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Bashiir Ciise Cali ayaa Khamiistii Saxaafadda u sheegay lacag dhan $ 530,000 in lagala baxay Bankiga Dhexe, lacagtaasi oo uu sheegay inuu qaatay Khasnijigii Bankiga.

Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Maaliyada Baarlamaanka iyo Xeer ilaalinta inay bilaabeen dabagalka arintaasi.

"Walaal arinta waa ay bilaabatay Guddigii Baarlamaanka ee Maaliyada qayb fiican ayeey ka qaateen Hanti dhowrkii ayeey u sheegeen Xeer Ilaaliyihii ayeey u sheegeen waa howl bilaabatay laakiin inay daahdo ma’ahan, Baarlamaanka Somaliyed wuu joogaa meesha, Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka, aniga shaqsiyan waxaan qabaa in la ogaado hadii ay noqoto lacagtaasi inay ku baxday si siyaasadeysan waxaa ka horeeyo in la helo qofka dambiga galay Hanti dhowrka ayaana ku shaqo leh Guddigii Maaliyada ee Baarlamaankana wuu joogaam.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa isla xisaabtan adag ku sameynaya xaqiiqda ku aadan dhaqaalahaasi lagala baxay Bankiga dhexe ee dalka.

Siyaasiyiin badan ayaa sheegay lacagta la gala baxay Bankiga Dhexe ee dalka inay tahay arin siyaasadeysan oo loo baahan yahay in Guddi Madax Banaan arintaasi ay dabagal ku sameeyaan, maadaama dhaqaalahaasi uu yahay mid badan xilligana suuragal ay tahay in Arimaha Doorashooyinka loo adeegsado.

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya weli kama aysan hadlin lacagta lagala baxay Bankiga dhexe, taasi oo muujinaysa shaki hor leh oo ku aadan dhaqaalahaasi lala baxay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip