29KA AGOOSTO 2016KA WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH ISNIIN 29-KA AGOOSTO 2016-KA

0
Monday August 29, 2016 - 08:28:27 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    29KA AGOOSTO 2016KA WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH ISNIIN 29-KA AGOOSTO 2016-KA

    SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO SHALAY GAARAY MAGAALADA BARAAWE Madaxweynaha maamulgoboleedka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa shalay Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO SHALAY GAARAY MAGAALADA BARAAWE Madaxweynaha maamulgoboleedka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa shalay Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya oo hadda ku shaqeeya Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaray xarunta madaxtooyada Koonfurgalbeed oo dhawaan laga dhisay degmada Baraawe. Iyadoo amaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana wafdiga ay kulammo la qaadanayaan bulshada degmadaas ku nool.

Dhanka kale, maamulka Koonfurgalbeed ayaa lagu wadaa inuu degmada Baraawe u soo guuro, si uu ugu shaqeeyo, maadaama la dhameysitray dhismaha xaruntiisa madaxtooyada.

Ugu dambeyn, Degmada Baraawe ayaa sannadkii 2014kii laga saaray Alshabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay, waana magaalo xeebeed aysan si aad ah uga fogeyn Alshabaab.

SACUUDIGA OO QALAB CASRI AH OO LAGULA SOCONAYO XUJEYDA GEEYAY MAGAALOOYINKA BARAKEYSAN

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay bilaawdeen xujeyda sanadkaani xajineysa ee gaaraya magaalooyinka barakeysan ee dalkaasi.

Teleefishinta ku hadla afka Sacuudiga ayaa dood ka baxday oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Xajka ee sacuudiga waxa ay ku sheegeen in magaalooyinka barakeysan ay geeyeen qalab casri ah oo lagula soconayo xujeyda sanadkaani.

Khaalid AlCowfi waa madaxa guud ee aaladaha carsigaani oo ay boqortooyada sacuudiga u xil saaratay qalabkaan waxa uu sheegay in sanadkaan is badal weyn lagu sameeyay dhanka xajka.

Khaalid AlXarbi oo ah madaxa garoonka diyaaradaha Boqor C/Caziiz ee ku yaala Magaalada jiddeh ayaa shaaciyey in qalabkaani uu yahay mid wax badan ka badali kara xaaladaha dadka xujeyda oo xiliyada qaar aad isku ciriiriya.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in dowladda Sacuudiga iyadoo ka duuleysa dhacdooyinkii sanadkii tagay ay ku waxyeeloobeen xujeey fara badan ay sanadkaani qalabkaani u keentay.

Sanad waliba waxaa Xajka aada malaayiin musliyiim ah kuwaa oo ka kala taga wadamada caalamka waxaana sanadkaani Soomaaliya u xajinayo xujeey fara badan.

waxaana xusid mudan in muwaadiniin soomaaliyeed ay ku waxyeeloobeen sanadkii tagay xajka kadib markii uu kusoo dumay mid kamid ah wiishashka xajka iyo isbuurasho dhacday xiligii dhagax tuurka

CIIDAMADA TURKIGA OO SII XOOJIYAY HOWLGALADA AYKA WADAAN GUDAHA DALKA SIIRIYA

Ugu yaraan 25 ruux ayaa lagu diley weerarada ay ciidamada Turkigu ka wadaan deegaanada ay Kurdiyiintu ka degen yihiin gudaha dalka Siiriya gaar ahaanmagaalad Jarablus oo ku taal meel ku dhow xaduuda labada wadan ee Turkiga iyo Siiriya.

Milatariga Turkiga ayaa ku tilmaamay dadka ku dhintey weeraradan oo ahaa kuwo ay diyaaradaha dagaalka ka qeybqaateen inay ahaayeen maleeshiyaad.

Hase ahaatee koox madax banaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 ruux oo rayid ah iyo afar maleeshiyaad ah lagu diley weeraro is xigxiga oo ay ciidamada Turkiga ka geysteen degmadaas.

Weerarada ay geysteen ciidamada Turkiga ayaa ah kuwii ugu dambeeyay muddo shan maalmood ah oo ay ciidamada Turkiga ka wadeen howlgalo ay ku sheegeen inuu yahay mid ayku baacsanayaan dagaalyahanada ururka IS iyo Kurdiyiinta gudaha dalka Siiriya.

Ciidamada Turkiga oo wata taangiyo ayna taageerayaan mucaaradka dowlada Siiriya ayaa ka qabsaday dhul ururka IS waxaana dhex maray dagaal ururka Kurdiyiinta ah ee YPG kuwaasoo ay dowlada Maraykanku taageerto.

Xukuumada Ankara ayaa dooneysa in ay ku qasabto Kurdiyiinta dalka Siiriya inay ka baxaan bariga wabiga Euphrates taasoo joojin karta in xiriir uu dhex maro Kurdiyiinta gaar ahaan Waqooyi Galbeed Siiriya.

Turkiga ayaa waxa ay bartilmaameedsanayaan deegaanada ay maamulaan Kurdiyiinta ee ku dhow dhow Jarablus halkaas oo ciidamada Turkiga ay kala wareegeen ururka IS maalintii ugu horeysay ee howlgalkan uu bilowday.

Dowlada Turkiga ayaa walwal ka qabtay in haddii ay Kurdiyiinta awood u yeeshaan inay maam ulaan deegaankaas ay u tahay horumar ururka kale ee Kurdishka ah kana soo horjeeda xukuumada Turkiga ee PKK.

C/QAYBDIID OO KA DIGAY DAGAAL KA DHACA MAGAALADA GAALKACYO

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) ayaa wux uu ka digay dagaal ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo Puntland iyo Galmu dug ay wada degan yihiin.

Qaybdiid ayaa sheegay dadka shacabka ah ee Magaalada Gaalkacyo ku nool in loo baahan yahay inaan dushooda lagu dul dagaalamin, islamarkaana loo turo mar waliba.

Waxa uu sheegay dhaq dhaqaaqyada ka jira Magaalada ee keeni kara ama abuuraya xasilooni darada dhanka ammaanka inay muhiim tahay in labada Maamul ay ka tanaasulaan.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu ugu baaqay wixii ay ka tabanayaan Maamulka Galmudug inay wada hadal ku dhameystaan, islamarkaana ay joojiyaan waxyaabaha abuuri kara xiisadaha colaadeed.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku eedeeyeen Puntland in ciidamo badan ay soo dhoobeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxayna ugu baaqeen inay joojiyaan dhaqdhaaqyada colaada abuuri kara ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Galmudug iyo Puntland ayaa horay waxa ay ugu dagaalameen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo mar kale laga cabsi qabo dagaalo labada dhinac u dhaxeeya inay dhacaan, xilli Puntland ay joojisay gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somaliya inay u gudbaan deeganada Puntland.

CAAQIL CIISE MACALLIM MAXAMUUD OO SI KULUL U CAMBAAREEYEY QORAAL KA BEEN SHEEGAY GUDDIGA DHAQANKA EE BEESHA WACAYSLE.

Caaqil Ciise Macallim Maxamuud oo ka mid ah 135-kii Duubabka Beelaha ee soo xulay Barlamaanka Federalka ayaa shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho, oo uu si kulul ugu naqdiyey Qoraal Been Abuur ah oo lagu faafiyey qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka iyo Warba ahinadda Bulshadda ee Social Media.

Waxa uu tilmaamay in lala xisaabtami doono, isla markaana Sharciga lala tiigsan doono Shaqsi yaadka ka dambeeya arrintaasi.

"Dalka waxaa ka jira Dowlad iyo Sharci, waana khasab in lala xisaabtamo kuwa ka dambeeya Be en Abuurkaasi” ayuu yiri Caaqil Ciise Macallim Maxamuud oo intaasi ku daray inaysan waxba ka jirin Wararka looga been abuuray Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle ee uu xubinta ka yahay.

Hadalka Caaqil Ciise Macallim Maxamuud ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Guddoomiyaha Gudd i ga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle, Caaqil Maxamed Cabdi Shide iyo Afhayeenka Guddigaasi, C/llaahi Cali Xasan "Faraweyne” si wadajir ah u beeniyeen Qoraalka looga been abuurtay Hoggaanka Sare ee Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle.

ORODYAHANKA MO FARAH WALAALKIISA OO LAGA CABSI QABO IN LAGA SOO MASAAFURIYO BRITAIN.

Iyadoo ay Kumanaan Taageerayaal Britain la dhacsan yihiin Guusha uu Orodyahanka Somali=Britishka ee Mo Farah ka soo hooyey Tartankii Olobikadda ee lagu soo gebagebeeyey magaal ladda Rio ee dalka Brazil ayaa waxaa farxadaasi ku naaloonaynin Ahmed Mukhtar oo ah Walaalka ka yar Mo Farah.

Ahmed Mukhtar Farah oo 27 jir ah ayaa qarka u saaran in laga cayriyo dalka Britain oo uu ku noolaa 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Ahmed oo Xabsi ku yaalla dalka Britain ku jiray tan iyo sannadkii 2011-kii waxa uu Codsi Toos ah u diray Saraakiisha qorsheynaysa inay u soo masaafuriyaan dalka Somalia.

"Kuma laaban karo Somaliya oo ah halkii aan Aniga iyo Mo Farah ku dhalanay, waa meel Khatar badan” ayuu yiri Axmed Mukhtaar oo sheegay inay noloshiisa khatar ku jirto haddii loo masaafuriyo Somaliya.

AHmed Mukhtar Farah ayaa dhamaystay Xabsi muddo 5 sanno ah,m kadib, markii uu tooreey ku dhaawacay dad ku sugnaa magaalladda London.

Codsiga Ahmed ayaa ku soo beegmayo, iyadoo uusan muddo sannado arkin Walaalkiisa Mo Farah oo haatan ay isaga iyo Xaaskiisa iyo Afartiisa Carruur wada deggan yihiin dalka Maraykanka.’

Hadal; ka soo baxay Waaxda Arrimaha Gudaha Britain ayaa lagu sheegay inaan weli la go’aami nin in Ahmed Mukhtar Farah loo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somaliya.

Dhinaca kale, Cadadka shalay ee Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maqaal dheer ka qoray Mo Farah Walaalkiisa, kaasi oo sheegay in uu u baqanayo Noloshiisa haddii loo masaafuriyo Somaliya.

PUNTLAND OO SHEEGTAY IN AYSAN GORGORTAN KA GALI DOONIN SUGIDA AMNIGA DEEGANADEEDA

Madaxwayne ku xigeenka Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay oo shalay shir Jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa si kooban ugu hadlay warqad dhawaan xafiiskiisa kasoo baxday oo lagu Mamnuucay Gaadiidka Puntland kaga imaanayay dhanka Koonfur iyo Bartamaha dhulka Soomaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland MudaneC/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Puntland cidna ku dhibaataynaynin warqadii wareegtada aheyd ee kasoo baxday Xafiiskooda sidoo kalana aysan qofna gorgortan kala galaynin sugida amniga deeganada Puntland.

Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa tilmaamay in cidii kasoo horjeysata amarada Maamulka uu soo saarayo loo arki doono In ay garabsiinayaan Xarakada Alshabaab oo dagaal kula jirta Puntland.

QARAXYO KHASAARE NAFEED SABABAY OO XALAY KA DHACAY DEGMADA BALADXAAWO EE GOBOLKA GEDO

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo isxigay oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo aanay jirin cid sheegay mas’uuliyadooda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah qaraxyada uu ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha degmadaas, ayna arkeen dhimashada labada qof iyo dhaawaca afar kale.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta maamulka Baladxaawo oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in qaraxyadu ay ka dhaceen degmada, ayna Khasaarooyin kala duwan geysteen, inkastoo aysan sheegin khasaaraha inta uu le’eg yahay. Qaraxyadan ka dhacay degmada Baladxaawo oo ku dhaw xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo daraad uu Dagaal ciidanka Dowladda FS iyo kuwa Alshabaab u dhexeeya uu ka dhacay deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ay ka hadleen mas’uuliyiinta dowlada Somalia ee deegaankaas ayay sheegeen inay kaga geeriyoodeen dhankooda laba Askari, Afar kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, waxayna intaa ku dareen inay Alshabaab ka dileen afar ka mid xoogagooda, ayna siddeed kale kaga dhaawaceen.

Ugu dambeyn, Alshabaab oo iyaduna ka hadashay dagaalkaas, ayaa sheegatay inay askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ku dileen dagaalkii Buurdhuubo, laakiinse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD DHINACYO BADAN TAABANEYSA KA JEEDIYAY SHIRKA TICAD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxe edka 6aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation on Africa Development).

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan qaaradda Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

"Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wana agsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay’’.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maal iyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

"Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta arga gixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku de ydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka hadley marxalada siyaasadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee wad danku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir Madaxeedka TICAD oo shalay ka furmey Nairobi ayaa socon doono muddo laba maalmood ah, waxaana diiradda ay saarayaan madaxda ka qeybgaleysa kobinta maalgashiga, abuurista fursadaha ganacsiga ee dadyowga ku jira TICAD, kaabeyaasha dhaqaalaha, dalxiiska iyo adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin.

Madaxweynha Kenya, Uhuru Kenyatta oo dalkii uu martigelinayo shirkan ayaa sheegay in Afrika ay haysato fursad dahabi ah oo ay caalamka kula tartami karto dhanka dhaqaalaha , haddii si wana agsan looga faa’iideysto iskaashiga ay la leedahay dunida inteeda kale.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, oo isna furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in iskaashiga Japan iyo Afrika uu gaarey marxalada ay labada dhinacba dareemayaan inay ku najaxeen, sidaa darteedna Japan ay si gaar ah xil iska saareyso sidii loo xajin lahaa guulahaas, iyo in la kordhiyo tageerada dhinacyada farsamada, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ee Afrika si qaaraddu u yeelato khubaro hore u dhaqaajin kara horumarka la hiigsanayo.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan

GAARI LAGA SOO BUUXIYAY WALXAHA QARXA OO LAGU QABTAY DEGMADA XAMAR WEYNE

Gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa ay saaran yihiin, ayaa waxaa xalay lagu qabtay Degma da Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, inkastoo aanay jirin cid falkaasi loo soo xir xiray.

Gaarigan oo la soo dhigay afaafka hore ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xaawo Taako, ayaa waxaa si sahal ah gacanta ugu dhigay Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa la wareegay gaarigaasi, xilli muddo 10 daqiiqo uun uu yaalay halkaasi, waxaana la soo sheegayaa in Nabad Suggidu ku daba joogtay gaarigaasi.

Maamulka Degmada Xamar Weyne, ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in raggii la socday gaarigaasi, ay ka baxsadeen gacanta hay’adaha ammaanka.

Ciidamada Nabad Suggida oo isu gadaamay wadooyinka soo gala goobtii uu gaarigu yaalay, ayaa waxay ka dejiyeen fuusto uu ku jiro jawaan lagu soo cabeeyay walxaha qarxa iyo birro.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Saxaafadda kula hadlay halkaasi, ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid lagu daba joogay, markii ay xogtiisu helayn laamaha ammaanka.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in gaariga ay Shabaabku kaga taggeen inta u dhaxeyso Isk uulka Xaawo Taako iyo Saldhiga Booliska ee Afar Irdood, isagoo xusay in Ciidamada Nabad Suggida ay ku guuleystaan in qaraxa ka furaan gaarigaasi.

Xalane, ayaa waxaa uu mintidiinta Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inay xilli kasta maley gayaan, sidii ay ku dhibaateen lahaayeen shacabka Somaliyeed.

Gaariga xalay lagu qabtay Degmada Xamar Weyne, ayaa noociisu uu ahaa Kaarib. Fashilinta qaraxan waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli Nabad Suggida ay Jimcihii sheegtay in ay fashilisay qaraxii lagu weeraray maqaaxida Banadir Beach.

WASIIRKA AMNIGA GUDAHA SOOMALIYA OO LA KULMAY GUDDIGA SUGGIDA AMMAANKA DOORASHOOYINKA DALKA

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane c/risaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo la qaatay Guddiga Suggida ammaanka Doorashooyinka ee dalka.

Guddigaan uu dhawaan magacaabay Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm arke waxaa Gudoomiye u ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamud shaqadooda ayaa ah Sugida amniga goobaha Doorashada ay ka dhacayso.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa kawada hadlay sida ugu haboon ee laa maha ammaanka ay uga wada shaqeyn karaan suggida ammaanka goobaha Doorashooyinka iyo Xubnah Ergada Amnigooda.

"Muhiimada waxaa waaye, hadii aad ku guuleysataan in amniga la sugo mudada doorashada waan guuleysanaynaa, hadii aan ku guuleysan weyno amniga Doorashada waxa ay yeelanaysaa Dal dal oolo oo in lagu guuleysto lagama yaabo, amniga yuusan noqonin kaliya goobaha in la suggo, guddiyada shaqeynaayo, ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada isku sharaxeysa in amnigooda laga shaqeeyo, intaasi oo dhan waa shaqada Guddigaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Max amed.

Dowlada Soomaliya ayaa isku diyaarinaysa sanadkaan 2016ka Gudihiisa in dalka ay ka dhacdo Doorashada dadban waxaa jiro dhaliilo loo jeedinaayo dowlada oo ku aadan in aysan diyaar u aheyn sugida amniga goobaha Doorashooyinka iyo Ergooyinka Xildhibaanada soo xulaya.

NABAD SUGGIDA OO SOO BANDHIGTAY HAWEENEY LAGU QABTAY IYADOO WADATA HUB

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed, ayaa soo bandhigay Haweeney, iyadoo sidata hub lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Haweeneydaan oo magaceeda ku sheegtay Sumaya Maxamed Geedi, oo da’deeda ay tahay 28-sano jir ayaa lagu qabtay meel ku dhaw Isgoyska Black Sea ee Degmada Howlwadaag, kadib markii ciid anka NISA ay ka shakiyeen.

Haweeneydaan ayaa qori la soo fur furay waxa ay ku wadatay Boorso nooca Laptobyada lagu qaato, waxaana Baaris lagu sameeyay kadib laga helay Boorsadii ay waday qori noociisa uu yahay Ak47.

Sumaya oo laga wareystay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay Qoriga inuu u soo dhiibay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab oo haasaawe uu kala dhaxeeyo, ninkaasi ayeey magiciisa ku sheegtay C/raxmaan.

Sumaya Maxamed Geedi oo hada ku jirta gacanta ciidamada NISA, ayaa sheegtay inay degan tahay Xaafada Tokyo ee Suuq Bacaad ku taala, waxaana madaraso ay ka dhiganaysay Qur’aanka oo ku taalo nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax.

C/raxmaan ninka lagu magacaabo oo Sumaya Boorsada u soo dhiibay ayaa u sheegay inay u geyso ruux kale oo aysan garaneyn, balse Sumaya maalintii ruuxaasi ay balameen ayeey iswaayeen, kadibna maalintii xigtay iyadoo u sii socota ayaa waxaa qabtay ciidamada NISA.

Al Shabaab ayaa haweenka waxa ay u adeegsadaan inay u kala gudbiyaan hubka iyo Bamboo yinka.

DONALD TRUMP: KUMANAAN MUHAAJIRIIN AH AYAAN TARXIILAYAA HADDAAN KU GUULEYSTO DOORASHADA

Musharxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in la dhiso nidaam raadraac ah oo lagu tarxiilayo dadka muhaajiriinta sharci darrada ku joogin dalka Mareykanka ee uu ka dhacay fiisihii dal ku galka Mareykanka isagoo ballan ku qaaday inuu tarxiili doono muhaajiriinta dambiyada waaweyn gala.

Trump ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay siyaasaddiisa ku aaddan muhaajiriinta oo mararka qaar u ekaata mid isburineysa. Laakiin waxa uu markan ka faa’ideystay hadal jeedin uu ka sameeyay magaalada Des Moines ee gobolka Iowa, habeenimadii habeen hore, isagoo faahfaahin ka bixiyay siyaasadiisa dhanka muhaajiriinta.

Trump Waxa uu yiri;” Waxaan ka shaqeyn doonaa inaan dhiso Darbi weyn oo dhanka xuduudda ah, waxaan kaloo sameyn doonaa nidaam electaroonig ah oo lagu ogaanayo dadka muhaajiriinta ah ee shaqada ku habboon ee shaqeysan kara guud ahaan waddanka, muhaajiriinta sharci darrada ahna waxaan u diidi doonaa iney helaan deeqaha bulshada la siiyo oo ay dowladdu bixiso, waxaan kale oo aan horumar ku sameynayaa nidaam lagu xakameeyo soo galista iyo ka bixista dalka Mareykanka, dad ka wakhtigooda joogistu uu dhamaadana si degdeg ah ayaa loo celinayaa”.

PUNTLAND OO SHEEGTAY CIDII KA HORTIMAADA XAQIIJINTA AMNIGA AY U ARKI DOONTO INAY QAYB KA YIHIIN SHABAAB

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa shal ay sheegay in cidii ka hortimaada amarkii lagu joojiyay gaadiidka kaga imanaaya Koonfurta Somaliya, ay u arki doonaan kuwo qayb ka ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, ayaa marka hore sheegay in amarkan loo soo rogay xaqii jinta amniga deegaanada Puntland, si aanay Shabaabku kaga gaysan weeraro ka dhan ah dadka reer Puntland.

Waxaa uu sheegay inay maqlayeen hadalo ka dhan ah amarkaasi oo ka soo kala yeeraayay Maa mulka Galmudug iyo ganacsatada reer Puntland, hase ahaatee waxaa uu meesha ka saaray in cid gaar ihi uu liddi ku yahay, marka laga soo taggo in Puntland ay ku xaqiijinayso nabadgelyadeeda, sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inaanu feker wanaagsan ahayn in qof uu ka fekero shilin jeebkiisa soo geli lahaa, islamarkaana uu iska indho tiro awaamiirta lagu badbaadinayo dhiigga dadka.

Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa intaa ku daray in dadka diidan amarkan ay ku tirin doonaan ku wo qayb ka ah weerarada ay gaysanayaan Ururka Al Shabaab.

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu il gaar ihi ku eeggi doono dadka ka horimaanaaya qorshahooda ay ku adkeynayaan xasiloonida.

C/xakiin Camey, ayaa wuxuu intaa raaciyay inaysan Puntland marnaba gorgortan ka geli doonin arrimaha ammaanka, deegaankeeda iyo dadkeeduba.

ERDOGAN OO DIFAACAY DUULAANKA SUURIYA

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ay ka adkaanayaan ururo uu ku tilmaamay argagixiso

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa difaacay howlgalka ay ciidankiisa ka wadaan gudaha Suuriya.

Waxa uu sheegay in duulaankaasi uu dadka rayidka ah u sahlay in ay ku laabtaan deegaannada laga saaray ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Erdoğan ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Gaziantep, oo todobaadkii hore uu qof isqarxiyay uu ku dilay in badan 50 qof oo xaflad aroos ka qeybgalayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Turkiga uu sii wadayo waxa uu ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah ururada argagixisada ilaa iyo inta uu ka guuleysanayo.

Goor sii horreysayna, milateriga Turkiga ayaa sheegay in uu dilay 25 ka mid ah dagaalyahaniinta Kurdiyiinta ah ee ka dagaallamaya Suuriya.

Hasayeeshee kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeymo ay geysteen diyaaraha Turkiga ay 35 qof oo rayid ah ku dileen waqooyiga Suuriya.

MUCAARADKA SIIRIYA OO GOOBO CUSUB LA WAREEGAY

Mucaaradka Siiriya oo gacan ka helaya dowladda Turkiga, ayaa Axaddii kala wareegay shan tuulo iyo hal magaalo kooxda mitidiinta Kurdiyiinta ee waqooyiga Siiriya, iyadoo ay jiraan eedeymo la xariira in duqeymaha ay ciidamada cirka ee Turkigu geysteen ay 35 qof oo rayid ah ku dhinteen meelo u dhow goobaha ay dagaalladu ka dhacayaan.

Kormeerayaasha hay’adda xaquuqul insaanka Siiriya ee fadhigeedu yahay Britain, ayaa sheegey in 20 ruux oo rayid ah lagu dilay tuulada Jub al Kousa,50 kalena lagu dhaawacay weerarka.

Koox kale, ayaa sheegtay in 15 ruux oo kale ay weeraradaasi ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen 20 kale magaalada Al Armana.

Militeriga Turkiga ayaa Axaddii ku waramay in duqeymo ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta, iyagoo beeniyay inay dad rayid ah wax yeello gaarsiiyeen.

GUDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE OO LOO YEERAY

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000.

Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag cadadaas dhan in Bankiga laga xado.

Wuxuu sheegay in dhowaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe uu hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa horey u soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xil ka qaadis ku sameyso Gudoomiyaha Bankiga Dhexe iyo dadka ka hoos shaqeeya.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe ay ka maqan tahay lacag dhan $ 530,000, taasina uu ku eedeeyay in uu la baxay Qasnajiga Bankiga.

BOGGA CAYAARAHA

TABABARAHA XULKA INGARIISKA SAM ALLARDYCE OO MAGACAABAY XULKIISII UGU HOREYSAY – ROONEY WAA KHAD DHEXE, MICHAEL ANTONIO OO LOO SOO YEERAY & WALCOTT OO SOO LAABTAY.

Tababaraha cusub ee xulka Ingariiska Sam Allardyce ayaa magacaabay xulkiisii ugu horeysay ee tan iyo markii shaqadaan loo dhiibay, waxaana ka muuqda isbedelo sida in Wayne Rooney lagu daray liiska kooxda ee xiddigaha khadka dhexe halkii uu ka ahaan lahaa weeraryahan.

Sidoo kale xiddiga West Ham Michael Antonio oo goor dhaweyd gool ka dhaliyay Manchester City ayaa lagu soo daray xulka England markiisii ugu horeysay, halka Theo Walcott oo seegay ciyaarihii Euro 2016 lagu soo daray. Luke Shaw oo dhaawac ku seegay tartankaas ayaa isagana loo soo yeeray.

Laakiin xiddigaha khadka dhexe sida Jack Wilshere iyo Ross Barkley boos looma gelin.

Xulka England ayaa isbuucaan waxa ay kulan isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018 waxa ay la ciyaarayaan xulka Slovakia.

EnglandManagerSamAllardycePresConference

Sida aan idiin soo gudbinayba John Terry oo la filayay in dib loogu soo yeeray xulka qaranka ayaa daafacaa Chelsea oo 35 sanno jir ah uu iska diiday codsiga Sam Allardyce isagoo aaminsan in la soo dhaafay waqtigiisii ciyaaraha caalamiga, sidoo kale Jermaine Defoe oo la filayay in loo soo yeero ma aysan dhicin.

Xulka England Ee Sam Allardyce Uu Magacaabay:

Goolhaye: Fraser Forster, Joe Hart, Tom Heaton

Daafac: Gary Cahill, Nathaniel Clyne, Phil Jagielka, Danny Rose, Luke Shaw, Chris Smalling, John Stones, Kyle Walker

Khad Dhexe: Dele Alli, Michail Antonio, Eric Dier, Danny Drinkwater, Jordan Henderson, Adam Lallana, Wayne Rooney, Raheem Sterling, Theo Walcott

Weerar: Harry Kane, Daniel Sturridge, Jamie Vardy

NEYMAR OO LAGU WADO INUU BIXIYO LACAGO GANAAX OO XAJMI LEH KADDIB….

Sida laga soo xiganaayo warbaahinta Brazil, weeraryahanka Barcelona wuxuu bixin doonaa lacago ganaax kadib markii lagu helay isdaba marsiin canshuureed intii u dhexeysay sanidihii 2007 iyo 2008.

Sida laga soo xiganayo warbaahinta Brazil, weeraryahanka Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar ayay tahay inuu baxsho ganaax sugaya oo dhan €125,000 oo qoorta loo galshay kadib markii lagu helay isdaba marsiin canshuureed intii u dhexeysay sanidihii 2007 iyo 2008.

Maxkamada Sao Paolo Federal ayaa diiday racfaankii koowaad oo ay soo gudbiyeen ciyaaryahanka iyo aabihii kadib markii lagu helay dambiga April 2014. Markale ayaa lagu xukumay inay baxshaan ganaaxa January sanadkaan waxayna go’aan sadeen inay baxshaan ganaaxa iyaga oo sugin waxa kasoo baxa racfaankii ay horay u qaateen.

Ganaaxa ayaa markii hore lasoo rogay maadaama ciyaaryahankii hore ee Santos uusan caddeyn qaababka uu u sameeyay lacago is xigxigay bixintooda ka hor intuusan Neymar u soo kicitamin kooxda Barcelona sanadii 2013.

Arintani maahan mid ku cusub ciyaaryahankan reer Brazil waxayna u muuqataa inay is garanayaan maxkamadaha dalkiisa. Waxaa lagu helay bishii March ee sanadkaan inuu ka dhuumanaayay canshuurta markii loo eego xariiradiisa kala dhexeeyay Santos, Barcelona iyo Nike taas oo ganaax ahaan noqoneysa inuu baxsho lacag dhan €32 million balse uu u heysto inuu racfaan ka qaato.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip