Shir Madaxeedka Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi

0
Saturday August 27, 2016 - 11:10:46 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi

    Waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shir madaxeedka Afrika iyo Japan, kaasoo ah shirkii lixaad ee loogu magac daray TICAD ee Japan iyo Afrika ay yeeshaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shir madaxeedka Afrika iyo Japan, kaasoo ah shirkii lixaad ee loogu magac daray TICAD ee Japan iyo Afrika ay yeeshaan.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha iskaashiga iyo horumarinta Afrika, iyadoo ujeedka ugu weyn yahay sidii Japan u maalgashan laheyd Afrika, ugana faa’ideysan laheyd dhanka kheyraadka.

Shir madaxeedka Afrika iyo Japan oo soo bilowday sanadkii 1993 ayaa ahaa mid aad u sii xoogeystay sanadihii la soo dhaafay xiriirka ganacsi iyo iskaashiga ee labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegay in Afrika ay tahay qaarad ay saaxib dhow yihiin.

Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha horumarinta warshadaha, Caafimaadka, arrimaha bulshada iyo kuwa kale oo ay iska kaashanayaan labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka Afrika iyo Japan.

Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya ayaa ahmiyad gaar ah u leh shirkan, iyadoo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo Japan iyo Soomaaliya, dowladda Japan ayaa horay uga taageertay Soomaaliya arrimaha dib u dhiska.

Dalalka India, Shiinaha, Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku tartamaya maalgashiga iyo iskaashiga Qaarada Afrika, iyadoo horay loo qabtay shirar u dhaxeeyay dalalkaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip