NASASHADA JIMCAHA IYO MAANTA

0
Friday August 26, 2016 - 11:41:49 in Maqaallo by
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHADA JIMCAHA IYO MAANTA

    A—Malaay weyn iyo mid yar ayaa badda ku wada dabaalanayay,kii yaraa ayaa wuxuu arkay hilib yar oo biyaha dhax sabeeynaya,waana ku leexday si uu u soo qabsado. Kii weeynaa ayaa ku yiri: ka joog ha cunin,hilibkan bir yar oo maqaalin la yiraa ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A—Malaay weyn iyo mid yar ayaa badda ku wada dabaalanayay,kii yaraa ayaa wuxuu arkay hilib yar oo biyaha dhax sabeeynaya,waana ku leexday si uu u soo qabsado. Kii weeynaa ayaa ku yiri: ka joog ha cunin,hilibkan bir yar oo maqaalin la yiraa ayaa ku dhax jirta,haddii aad cunto dhuunta ayeey kuu galee,caawana waxaa kugu casheeynaya kuwa insi la yiraa oo berriga ku nool.

Malaaygii yaraa saaxiibkii ayuu uga mahad celiyay khatarta uu ka badbaadiyay.wa xoogaa markii ay sii dabaasheen ayaa kii yaraay weeydiiyay.maxaad ii badbaadisay oo aad khatarta hilibka iiga celesay?

Kii weeynaa ayaa ugu jawaabay: haddii berri qaraabku xumaado oo aan cunto waayo ayaan ku cuni doonaa.
(( Ururada caalamiga ah iyo dowladaha waayeen ee noo soo gurmaday,goormeey na cuni doonaan, sideen uga badbaadnaa,Hogaamiyayaasheenu ma is weeydiiyeen)).


B– laba nin oo sakhraansan ayaa isa soo raacay,waddada dhinaceeda ayeey ku arkeen guri saddax dabaq ah,waxa ay isla garteen in dhismuha wadada si khaldan loo soo galiyay,waxa ayna isku raaceen in guriga ay dib u riixaan. Darbigii ayeey isagu geeyeen afartoodii gacmood, wixii ay xoog lahaayeenna kama hagran, Hal saac markii ay riixayeen oo ay dhidideen ayaa mid yiri: shaararka aan la baxno oo sii riixno,howshu waa gabagabee, sidii ayeey yeeleen.
Intii ay sii wadeen guri riixidii, ayaa nin toog ahi soo ag maray oo labadii shaarba ka xaday. saacad kadib ayeey is tusiyeen in ay ku guuleeysteen howshii,gurigiina riixeen.
Mid ayaa ku yiri saaxiibkii: war aaween labadeenii shaati. kii kale ayaa ugu jawaabay: dabbaal miyaad tahay, labadii shaati waxaan uga soo tagnay halkii aan guriga ka soo riixnay ee na soo bixi aan ka doonanee.
((Madaxdeenu sakhraan maba ahane, shacabkii iyo sharftii meel maku sheegaan, darbi federaalna waa riixeene ma dhaqaajiyeen)).
C–laba kale oo sakhraan ah ayaa aadaan ka maqlay masjid. Waxa ay isku qabsadeen waa aadaankii casir iyo waa kii maqrib. waxa ay isku dhigteen sharad in kii khaldama bixiyo 100Dollar.
Wax yar kadib waxaa soo maray nin kale oo isna sakhraan ah,
waxa ay u dhigteen gartii. waxa uu yiri: anaa idiin kala gar qaadayo ee ii dhiiba lacagta, jeebka ayuu gashaday 200$. wuxuuna ku yiri: soow balantu ma aheeyn kii khaldamaba 100$ ayaa ka dhimanee, labadiinuba waad khaldanteen lacagtuna waa idinka wada dhimatay, aadaankuna casirna ma ahan maqribna ma ahan, ee waa masaajid cusub oo la tijaabinayo makroofankiisa aadaanka. Waana ka dhaqaaqay.
((Siyaasiyiintu inteey isku heeystaan waa kala go’eeynaa iyo kala go’i meeyno. Armaa.1- Axmaar sakhraan ahii garteena qaadaa?. 2- Saqiir Gaalo oo sakhraanuhu ka taliyaa?. 3- Sawaaxili sakhrad la seexday lala sugaa?)).

14088586_1203803256328072_1476064594095446451_n14055189_1203802639661467_6292461346864999944_n14046064_1203803409661390_6469805058654004514_n
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip