NASASHASA JIMCAHA – Arday walaalo ah

0
Friday August 19, 2016 - 19:00:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHASA JIMCAHA – Arday walaalo ah

    1-Laba arday Cali iyo Axmad ayaa imtixaan wada galay, markii ay soo baxeen ayaa Cali weeydiiyay Axmad: Ka waran imtixaankii maanta?, Axmad ayaa ku yiri: aad ayuu u adkaa,markii aan ka jawaabi waayay ayaan warqada ka buuxiyay aflagaado iyo Caay macal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Laba arday Cali iyo Axmad ayaa imtixaan wada galay, markii ay soo baxeen ayaa Cali weeydiiyay Axmad: Ka waran imtixaankii maanta?, Axmad ayaa ku yiri: aad ayuu u adkaa,markii aan ka jawaabi waayay ayaan warqada ka buuxiyay aflagaado iyo Caay macalinka ku saabsan.
Cali ayaa ku yiri: nin xun ayaad tahay,in aad macalinka caayneeysay maxaad iigu sheegi weeyday ,dambi ayaad i galisay.

Axmad ayaa yiri: muxuu yahay dambiga aan ku galiyay?
Cali ayaa ku yiri: waan kaa qishayay imtixaanka…..
( Federaal aad qishtay yuuna kugu fugan).
2-dayaarad hawada mareeysay ayaa lulutay, dadkii ayaa wada qeyliyay, nin waalnaa oo ayna ka war qabin oo dayaarada saarnaa ayaa yiri: aamusa anigaa duuliyaha u tagayee, wuxuu galay qolkii duuliyaha, wuxuuna ku yiri: duuliyoow I bar sida dayaarada loo duuliyo.


Duuliyihii ayaa ku yiri: waan ku baraa ee dadkaa iga aamusi. Waalanoow dhinicii rakaabka ayuu soo aaday, wax yar kadib ayuu dib u soo noqday.
Duuliyihii ayaa ku yiri: dayaarada luxluxashadii ayaa ku badatay, waanse ku baraa, laakin dadkii waa wada aamuseen ee sideed u qancisay.
Waalanoow ayaa ku yiri: irdaha ayaan u wada furay, waxaana ku iri Banaanka ku soo ciyaara.
( Shacabkii Soomaalidu waa aamuseene ma banaankeey ku soo ciyaarayaan).
3-Gaari gacan giriig ( dalaciye) u doono waa inkaar. dhib ku heysta oo Ciidamada Xoogga dalku xalin karaan AMISOM u dirso, waa inkaar. Dalka giriig in lagu dalaco, kadibna laguugu yiraa: haddaan AMISOM ku dalici laheyn shil gaari gacan ayaa dhici lahaa soomali badanna waa ku dhiman laheed…

Fiiri: Sawirka.

14064012_1196339383741126_1096553165040016384_n14079736_1196339380407793_5604019754861740476_n
Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip