Siminaar ku saabsan dhiiri gelinta waxbarashada oo lagu qabtay Muqdisho

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:32:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siminaar ku saabsan dhiiri gelinta waxbarashada oo lagu qabtay Muqdisho

    Siminaarka oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardeyda wax ka barata dalka Kuwait oo fasax waxbarasho dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa loo qabtay qaar ka mid ah ardeyda Jaamacadaha gudaha dalka waxka barta, waxaana kaso qeyb galey xafladii lagusoo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siminaarka oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardeyda wax ka barata dalka Kuwait oo fasax waxbarasho dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa loo qabtay qaar ka mid ah ardeyda Jaamacadaha gudaha dalka waxka barta, waxaana kaso qeyb galey xafladii lagusoo gunanadayey mas'uuliyiin ka socday Wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi Kuwait, mamulka dagmada Hodan Macalimiin iyo Ardey.
Ardeydan ayaa mudadii siminaarkani socday waxaa lagu bixinayay casharo la xariira dhiiri gelinta waxbarashada,  la dagaallanka qabyaalada iyo maamulka iyo maareynta waqtiga, maadaama ay yihiin ardey waxbaranaysa, ayadoo siminaarkani uu socday muddo labo maalmood ah.

Farxaan Cabdi Gurxan Xoghayaha Safaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait ayaa ku booriyay ardeyda dhameystirka heerkooda waxbarasho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Horn of Africa Dr Maxamed Cismaan Aba-Sheekh ayaa ardayda kula dardaarmay in waxyaabaha ay siminaarka ka barteen ay uga faa’iideeyaan ardayda aan nasiibka u yeelan, waxaana uu intaa ku daray in tani ay tahay mid lagu farxo.


Guddoomiyaha Midowga Ardeyda waxka barta dalka Kuwait Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay in u jeedka ay u soo qaban qaabiyeen siminaarka ay tahay sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho ku yaala, isagoo intaa ku daray in fasaxooda kadib ay dib ugu laaban doonaan dalka Kuwait.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Hodan Abuukar Salaad Maxamuud oo gabo gabadii siminaarka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait wax ka barata sidey ugu faa’ideyeen waxay soo barteen ardeyda gudaha Wadanka wax ku barata.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip