Bolt, waa 29-jir oo markiisii saddexaad ee isku xigta ku guulaystay billadda Dahabka ee tartanka 100m ee Olympicada Adduunka, iyadoo uu horay ugu soo kala guulaystay Olympic-adii Adduunka ee 2008-dii lagu qabtay Beijing iyo London 2012.
Orodyahankan ayaa ku sii jira tartanka oo waxa uu doonayaaba inuu markiisii saddexaad oo xiriir ah uu ku guulaysto tartamada 200m iyo midka 400m ee qori isu dhiibka oo uu caan ku yahay.
Orodyahanka u dhashay dalka Koonfur Afrika ee Wayde van Niekerk ayaa ku guulaystay orodka 400m ee ragga, isagoo halkaana ku dhigay rikoor cusub kaddib markii uu orday 41.03 ilbiriqsi.
Rikoorka uu orodyahankaasi jabiyay oo ahaa 43.18 ilbiriqsi ayaa 17 sano ka hor waxaa dhigay Michael Johnson oo u dhashay dalka Mareykanka.
Usain Bolt: DAAWO SAWIRADA Ninka ugu orodka badan dunida oo taariikh cusub dhigay
Ninka ugu orodka badan dunida ee reer Jamaica Usain Bolt ayaa taariikh cusub ka dhigay ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Rio 2016, kaddib markii uu markii saddexaad ee isku xigta uu ku guulaystay tartanka 100m ee Olympic-ada Adduunka.