GUUXA DADWEYNAHA: "Jawaari iyo Xasan yaa weyn?"

0
Tuesday August 09, 2016 - 09:36:16 in Maqaallo by
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUUXA DADWEYNAHA: "Jawaari iyo Xasan yaa weyn?"

    Shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmahaan walaac xoogan waxay ka muujiyeen xaaladda doorashooyinka dalka ka dhacaya, shirka hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka ee dabada dheeraaday, doodaha ka dhashay sharciyadda ay ku shaqeynayaan madaxda Dowladda Federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmahaan walaac xoogan waxay ka muujiyeen xaaladda doorashooyinka dalka ka dhacaya, shirka hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka ee dabada dheeraaday, doodaha ka dhashay sharciyadda ay ku shaqeynayaan madaxda Dowladda Federaalka ee xilligeedu dhamaaday iyo arrimo kale.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya dadweynaha ku dhaqan ayay doodaan ka dhex taagan tahay, gaar ahaan goobaha ay bulshada ku badan tahay, hase yeeshee anigoo wadada maraya ayaa waxaa iga soo hor baxay saddex nin oo dhex martay dood sababtay inay u kala qaadaan raxan shacab ah oo isugu jira haween, rag da’ dhexaad ah iyo dhallinyaro.

Ninkii ugu dood badnaa saddexda nin ayaa la yiri "Maxay tahay dooda, yaase heysataa labadaan nin?” wuxuu ninkii "Aniga magaceyga waxaa la yiraahdaa Axmed Gaanjo, labadaan nin kale waa saaxibadey baabuurtaan ayaan iskala shaqeynaa, hase yeeshee iyagoo meel taagan ayaan su’aalay "Jawaari iyo Xasan yaa weyn?”.

Labada nin kale oo iyagana markaasi ka doodayay arrimaha doorashooyinka ayaa markii uu ninkaasi su’aasha soo dhex dhigay ayaa iyagoo careysan waxay si wadajir ah uga hortageen ninkii su’aasha soo weydiiyay.

Ninkii garta qeybinayay oo aad moodo inuu ku jaha wareeray dooda baabuureydaan iyo ka hadalka arrimaha siyaasadda ayaa yiri: "Nimanyahow waxaan idiin sheegayaa inaad faraha kala baxdaan dood aan meesha oolin” markaas kaddibna wuu ka dhaqaaqay.


Si kastaba ha ahaatee marka la eego Dowladda Federaalka ee mudada afarta sano ah dalka xukumeysay ayaa soo martay marxalado kala duwan, inkasta oo ammaan iyo dhaliil loo jeedinayo, hadana marka la eego labadii sano ee ugu dambeysay qaab dhaqankeeda wuxuu ahaa mid ka sii daraya.
Tusaale gaaban waxaa kaaga filan iyadoo bedeshay saddex Ra’iisal Wasaare kuwaasi oo Madaxweynaha u adeegsaday Baarlamaanka isla markaana codka kalsoonida lagala noqday, tiiyo markii dambena isagu si cad u diiday inuu xildhibaanada hor yimaado si cod loogu qaado.

Awooda Madaxweynaha oo marba marka ka dambeysa sii kordheysay ayaa markii dambe xildhibaanadii oo fadhiya wuxuu ka dulqaaday heshiiska madaxda madasha Qaran, iyadoo markaasi kooxda raacsan garabka Madaxweynaha ujeedadoodu tahay sidii ay muddo kororsi u sameysan lahaayeen.

Maanta xaalku waa ka duwan yahay sidii hore, howshana waxay ku socotaa ka daroo dibi dhal, maxaa yeelay xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka socda shir aan la ogeyn xilliga uu dhammaanayo, guddiga doorashada dadban oo soo saaraya warsaxaafadeed maalintiisa laga soo hor mariyay iyo go’aanno fulintooda shaki badan ka muuqdo.

Madaxweynayaasha xukumada Dowladaha la isku koobiyeeyay ee ka jira K/Soomaaliya waxay awoodi la’yihiin inay dhameystiraan go’aanada rasmiga ah oo dalka looga hirgelinayo doorashada dadban, bacdamaa ay jiraan marxalado kala duwan oo uu kow ka yahay waqtiga gaaban iyo cadaadiska beesha caalamka ay ka muujineyso maalmaha loogu daray xukuumadda wakhtigu ka dhacay.

Sidaas oo ay tahay Soomaali waxay ku mahmaahdaa "Gari laba nin kama wada qosliso” xaalka wuxuu maanta marayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha midkee mudan inuu si KMG ah u sii hayo xilka iyadoo laga eegayo dhinacyo badan Md. Jawaari ayay doodu ka taagan tahay inuu noqdo mas’uulka mudan bacdamaa Madaxweynaha uu ka yimid Baarlamaankii uu shalay hortooda ku dhaqaaqay mudadii uu xilka hayayna si wanaagsan ula shaqeeyay.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

XIGASHO;-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip