Digniin laga soo saaray khatarta ka soo socota dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

0
Thursday August 27, 2015 - 20:10:35 in Wararka by
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin laga soo saaray khatarta ka soo socota dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

    War ka soo baxay dowladda Tel Aviv ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Israa'iil u dhalatay looga digayo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, waxaana warkaasi looga hadlay isla markaana lagu faah faahiyay sababta digniintaan loo soo saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay dowladda Tel Aviv ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Israa'iil u dhalatay looga digayo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, waxaana warkaasi looga hadlay isla markaana lagu faah faahiyay sababta digniintaan loo soo saaray. Warkaan oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Minyamin Natanyahu ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta dalkaasi aanay u safri karin 40-dal oo ku yaala dunida.

tel aviv

"Cabsi laga qabo argagisada ka jirta 40-dal oo ku yaala caalamka darteen muwaadiniinteena waxaan uga digeynaa inay u safrin” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Israa’iil.

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay sii kordheyso cabsida laga qabo kooxaha argagixisada ah ee caalamka ku soo badaneysa, iyadoona si cad u sheegtay inay xoojineyso ammaanka dalkeeda.

Mar ay ka hadleysay dalalka argagixisada ay ku sugan yihiin ayay sheegtay Israa’iil in dalalkaasi ay ka mid yihiin: Suuriya, Ciraaq, Canada, Australia, Franse iyo Denmark oo kooxaha argagixisada ah ay ka geysteen falal amniga ka dhan ah.

Argagixisada caalamka ku soo kordheysa ayaa bartilmaameedsaneysa muwaadiniinta dalalka reer galbeedka iyo Israa’iil, iyadoo looga digay muwaadiniinta Tel Aviv inay u safraan dalalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip