Mareykanka oo cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday July 27, 2016 - 10:51:14 in Wararka by
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

    Xafiiska howlgalka Dalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Weeraradii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska howlgalka Dalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Weeraradii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarkaasi mid waxuushimo, waxaana qoraal ka soo baxay Xafiiska howlgalka Dalka Soomaaliya lagu sheegay in caafimaad ay u rajeynayaan ku dhawaad 20 Ruux oo ku dhaawacmay Qaraxyadaasi.

Weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay ku dhawaad 15 Ruux oo u badnaa Ciidmo ilaalo u ahaa sida la sheegay Hay’addaha Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxey ka taageeraan wiiqida awooda Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Al Shabaab oo dhabarta u ritay mas’uuliyada Qaraxyadaasi ayaa waxey sheegeen in ay Dileen ugu yaraan 27 Ruux oo isugu jiray Ilaalada Qaramada Midoobay iyo kuwa kale oo ka mid ahaa Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip