UNHCR oo dalbatay dhaqaalo lagu taageero Qaxootiga Soomaalida ee Xeryaha Kenya

0
Wednesday July 27, 2016 - 10:49:38 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNHCR oo dalbatay dhaqaalo lagu taageero Qaxootiga Soomaalida ee Xeryaha Kenya

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa dhaqaalo dheeraad ah oo gaaraya $115.4 Malyan oo doolar waxey ka dalbatay Deeq bixiyeyaasha Caalamka si wax badan loogu qabto Qaxootiga ku sugan xeryaha ku yaalla Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa dhaqaalo dheeraad ah oo gaaraya $115.4 Malyan oo doolar waxey ka dalbatay Deeq bixiyeyaasha Caalamka si wax badan loogu qabto Qaxootiga ku sugan xeryaha ku yaalla Dalka Kenya.

Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska UNHCR ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaasi faraha badan wax loogu qaban doono dib u dejinta Boqolaalka Kuan ee Qaxootiga kuwaasi oo ku nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee Dalka Kenya.

Agaasimaha Hay’adda UNHCR ee qeybta Afrika, Valentin Tapsoba ayaa waxuu tilmaamay in Hay’adda ay ka go’an tahay taageerida Qaxootiga ku sugan Xeryaha Dhadhaab, maadaama Qaxootiga halkaasi ku sugan dhawaan dib loogu soo celin doono Dalka Soomaaliya.

Deeqdan laga dalbaday Beesha Caalamka ayaa waxey daba socotaa go’aanka Dowladda Kenya ee ah in la xirayo Xeryaha Dhadhaab islamarkaana dib loogu soo celin doono Dalka Soomaaliya Qaxootiga ku sugan Wadamada Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip