Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidamada Amisom ku leeyihiin duleedka Muqdisho

0
Wednesday July 27, 2016 - 10:00:51 in Wararka by
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidamada Amisom ku leeyihiin duleedka Muqdisho

    Madaafiic ayaalagu garaacay Saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow oo ku yaalo duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaafiic ayaalagu garaacay Saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow oo ku yaalo duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay xalay fiidkii inay maqlayeen dhawaqa tiro madaafiic ah oo ku dhaceysay nawaaxiga Saldhiga Ciidamada Amisom ee Deegaanka Arbacow.

Qof ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Warbaahinta gudaha wuxuu u sheegay dagaal kooban oo xalay halkaasi ka dhacay kadib inuu xigay Madaafiic xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Amisom.

"Anaga waxaan ku sugganahay deegaanka Ceelasha Biyaha, xalay markii ay aheyd 8:30 ayaa dagaal kooban wuxuu ka dhacay Ceelka Arbacow oo ciidamada Amisom fariisin ay ku leeyihiin, dagaalka yar kadib waxaa bilaabatay madaafiic xoogan oo labada dhinac ay isweydaarsanaayeen, madaafiicda Amisom lagu tuuraayay ayaa badneyd, anaga ma ogaan karno Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda oo cabsi ayaan ku seexanay.” Ayuu yiri Qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamada Amisom ayaa dhankooda waxa ay jawaab ka bixinayeen Madaafiicda Shabaab ay soo tuurayeen oo Amisom qudheeda waxa ay ridayeen Madaafiic ka culus kuwa Shabaabka ay soo ridayeen.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicda Shabaabka iyo Amisom xalay isku weydaarsadeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii dagaalyahano Shabaabka ka tirsan ay weerareen Saldhigaasi ciidamada Amisom ku leeyihiin Deegaanka Arbacow oo ku yaalo duleedka Ceelasha biyaha, kana xiga dhanka Koonfureed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip