WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA LUULYO 2016-KA
"Weerarkan waxashnimo ee kooxda argagixisada ay soo qaadeen waxaa ujeedkiisu uu ahaa in shacab badan lagu waxyeeleeyo, lana dhibaateeyo hawlaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo ee goobtaasi ka socda. Argagixisadu waxay doonayaan inay shacabka iyo dowlad da niyad jebiyaan, taasina ma ahan suuragal, waayo cid walba ayaa ka dheregsan ujeeddooyinka guracan ee kooxdan dembiileyaasha ah ay leeyihiin oo ah inay nolosha u diidaan shacabka, burburna geystaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Na bad Ilaalinta ee AMISOM, oo mar walba u taagan inay sugaan amniga, cadowgana cashar u dhiga an.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn cadowga laga sifeeyo goo baha yar ee ay ku dhuumaaleysanayaan.
SHABAAB "SAALAX BADBAADO AYAA FULIYAY QARAXYADII XALANE”
Alshabaab ayaa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlam aankii KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agag aarka Garoonka Diya aradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Idaacada AAndalus ee ku hadasha afka AlShabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay nawaaxiga garoonka diya aradaha.
Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaado ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.
Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray AlShabaab
DIYAARADDA TURKISH AIRLINES OO RAKAAB LA’AAN KA HINQATAY GAROONKA MUQDISHO.
Duullimaadka Diyaaradda Turkish Airlines ee ay shalayyto ku timid Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde waxay la kulantay Qaraxyaddii Mataanaha ee ka dhacay Xarunta AMISOM oo kaab iga ku haya Garoonkaasi.
Diyaaradda markii ay ka soo degeen Rakaabkii la socday ayaa waxa uu Duuliyuhu qaatay Go’ aan u muuqday in laga soo amray Xarunta Dhexe ee Shirkadda Turkish Airlines, wuxuuna si degd eg ah uga ambabaxay Garoonka Muqdisho.
Rakaabkii ku qornaa Duullimaadkii shalay ee Turkish Airlines ee xaadirka ku ahaa Garoonka ayaa loo sheegay inay Diyaaradda sababo dhinaca Ammaanka uga hinqatay Garoonka, balse ay Diyaaraddu maalmaha soo socda dib u bilaabayso Duullimaadyadda.
Dhinaca kale, Shirkadda Turkish Airlines waxay ka mid tahay Shirkaddaha Caalamiga ee farak utiriska ee ay Diyaaradahooda ka hawlgalaan gudaha Somalia. Waxayna bishii March ee sannadkii 2012-kii bilaabeen Duullimaadka ay ku yimaadaan Garoonka Caalamiga ee Muqdisho.
WASIIRKA AMNIGA: ILAA 13QOF AYAA KU DHINTAY QARAXYADII MUQDISHO KA DHACAY .
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale.
Wasiirka oo la hadlay VOAda, ayaa sheegay in Qaraxyadaan uusan garanayn halka lala doona yay in lala beegsado, balse ay ku qarxeen dibadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muq disho.
"Gaadiidka qaraxyada lagu fuliyay waxay ahaayeen laba gaari oo midkood uu ahaa gaari weyn, halka midka kalena uu ahaa gaari yar. Gaariga weyn waxaa lagu joojiyay kootarool ay ciidamada Na badsugidu ku sugnaayeen, laakiinse wuu soo jiiray ciidamaduna way xabadeeyeen," ayuu Wasiir C/risaaq yiri.
Sidoo kale, Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa Wuxuu yiri. "Baabuurku wuxuu ku qarxay inta aanu gaarin albaabka weyn ee laga galo Xerada Xalane, Waxaana ku geeriyooday 11qof oo ahaa ciidammo shirkadaha amniga suga hoostaga oo ku sugnaa meel ku dhaw halka uu Qaraxu ka dhacay."
Qaraxa kale ayuu xusay inuu ka dhacay inta u Dhexeysa Albaabka Garoonka Muqdisho laga galo iyo kan laga galo xerada Xalane, isagoo xusay in lagu geystay gaari kale oo yar.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa kaloo la weydiiyay tira guud ee labadan qar ax ku dhintay, wuxuuna ku jawaabay inay ku geeriyoodeen 13qof oo ay ku jireen laba qof oo rasaasi ay ku dhacday, ayna ku dhaawacmeen shan qof oo kale.
Dhanka kale, Wararka madaxabannaan ayaa sheegaya in 15qof ay ku dhinteen Weerarradan, kuwaas oo ay ku jiraan, ciidammo, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 20qof oo kale, kuwaasoo 18-qof oo ka mid ah la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Afhayeenka AMISOM ayaa beeniyay inay Qaraxyadii shalay ciidammo uga dhin teen ama uga dhaawacmeen, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.
GUDDOOMIYAHA DEEGAANKA LEEGO ABUUKAR C/LAAHI ISAAQ OO QARAX MIINO KU DHAAWACMAY
Guddoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isaaq ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawa cmay qarax miino oo gaarigiisa lala beegsaday xili uu marayay meel ku dhow deegaanka.
Cabdullaahi Gaashaan oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeel laha Hoose ayaa xaqiijiyey in Guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar C/laahi Isaaq uu ku dhaawac may qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, islamarkaana haatan dhaawiciisa la geeyay Xarunta Xa lane oo Fariinsin u ah Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Mas’uuliyada qarax miino ee lagu dhaawacay Guddoomiyaha Deegaanka Leego Mudane Abu ukar C/laahi Isaaq waxaa sheegtay Xarakada Alshabaab, kadib markii warar lagu baahiyaya bara hooda bulshada sheegashada lagu qoray
MUWAADIN SOMALIDANISH OO LA SOO TAAGAY MAXKAMAD KU TAALLA LONDON.
C/llaahi Axmed Jamaac Faarax oo haysta Dhalashadda Danisshka,balse haatan deggan maga alladda Manchester ee dalka Britain ayaa lagu soo oogay inuu dhowr qof u fududeeyey inay u saf raan Somalia iyo Syria, si ay ugu biiraan Alshabaab iyo Daacish.
Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London ayaa ku soo oogtay Eedeysanaha ayaa ku he shay inuu saaxiibkiisa oo lagu magacaabo Nuur Xasan taageero ka siiyey sidii uu ugu dhoofi lahaa dalka Syria, uguna biiri lahaa Jihaadistayaasha la safan Kooxda Daacish.
Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Telefoonka kula xiriiray afar ka mid ah Saa xiibadiisa ku sugan dalka Syria, iyadoo la rumeysan yhay in labo ka mid saaxiibadiisa lagu dilay ama lagu dhaawacay gudaha dalka Syria.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inay ilmo adeer yihiin Sahra Xalane iyo Salma Xalane, kuwaasi oo labo sanno ka dhoofay dalka Britain, kuna biireen Kooxda Daacishta ka dagaalanta dalka Syria.
Dhinca kale, Eedeysane C/llaahi Axmed Jamaac Faarax waxa uu beeniyey dacwadaha lagu soo oogay, wuxuuna Qareenkiisa tilmaamay in sababaha uu C/llaahi Axmed Jamaac Faarax ula xirii ray saaxiibadiisa ahayd isagoo ka welwelsanaa xaalladiisa.
SHIR LOOGU HADLAAYO WAXBARASHADA SARE EE WADAMADA COLAADAHA AY SAAMEEYEEN OO MUQDISHO KA FURMAY
Shir loogu hadlaayo heerka Waxbarashada sare ee Wadamada Colaada ay saameeyeen ay Soomaliya kamid tahay ayaa shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Shirkaan oo socon doona Muddo 3cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarash ada Soomaliya C/qaadir Xaashi, Xidhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya, Gudoo miyaha Jaamacada Umadda Soomaliya, iyo Aqoonyahano isugu jira Soomali iyo Ajaanib ka timid dalka Dibadiisa.
Ugu horeyntii waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaliyeed Dr Maxamuud Jimcaale kaasi oo ka hadlay muhiimada shirka iyo marti sharafta ka qeyb galaysa Shirka meelaha ay ka yimaadeen.
Wasiirka waxbarashada soomaliya C/qaadir Xaashi oo shirka dah Furey ayaa u mahad bala aran u jeediyay madaxdii soo qaban qaabisay shirkaan, wuxuuna sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay umadda Soomaliyeed isagoo rajeeyay in Qodobo wax ku ool ah in ay kasoo bax aan.
Intuu socdo shirka ayaa la isku weedaarsan doonaa heerka waxbarashada soomaliya iyo kobaca Waxbarrashada Soomaliya ay kaga jirto Wadamada lamidka ah ee Colaadaha ay ka jiraan gabagabada shirka ayaa la filayaa in lagau soo saaro Qodobo muhiin.
URURKA IS OO SHEEGTAY WEERAR LAGU QAADAY KANIISAD KU TAAL DALKA FARANSIISKA
Ururka IS ayaa sheegtay weerar lagu qaaday shalay kaniisad ku taal duleedka magaalada Rouen ee Waqoyiga Faransiiska.
Weerarkan ayaa lagu diley Baadari 84 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Fr Jacques Hamel iyadoo wararka qaar ay sheegayaan ciidamada Faransiiska ay dileen labo ruux oo ka dambeysay weerarka kaniisada ku taal SaintEtienneduRouvray.
Warbaahinta taageerta IS ee AMAQ ayaa sheegtay in labada ruux ee weerarka ka dambeysay ay ka mid ahaayeen dagaalyahanada ururka IS.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dowladiisu ay la dagaalami do onto ururka IS weerarkana uu ahaa mid fulaynimo ah.
Labada ruux ee weerarka geysatay ayaa la sheegay inay wateen mindiyo waxayna qoorta uga ga jareen baadarigii kaniisada halka kaaliyihiisana ay ku dhaawacantay weerarkan. Wararka ayaa sheegaya in Booliska Faransiiska ay ka shakisanaayeen mid kamid ah labada ruux ee weerarka geysatay iyadoo qalab sheega halka qofkaasi uu joogo uu ku xirnaa.Dalka Faransiiska ayaa ciida madiisa heegan la geliyay waxayna ciidamada Booliska ay degdeg u gaareen kaniisada weerarka la gu qaaday.
CIIDANKA DANAB EE XDS OO KHASAARE BALLAARAN U GEYSTAY AL SHABAAB
War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa lagu faahfaah iyey Hawlgal ay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanka Aw Dheegle ee Gobalka Sh/Hoose.
War Saxaafadeedkaasi waxa uu u qornaa sidatan:
Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey Al Shabaab degaanka AwDheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah Alshabaab, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay.
Ciidanka Danab iyo kuwa Midowga Afrika ayaa markii ay goobtaasi gaareen waxaa iska caab bin ay kala kulmeen Al Shabaab, laakiin ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray Danab iyo AMISOM midkoodna.
Degaanka AwDheegle ayaa waxaa Al Shabaab ay ku lahaayeen baro ay si sharci darro ah dad ka lacago uga qaataan.
Ciidammada huwanta ayaa maalmahan gobolka Shabeellaha Hoose ka wadey hawlgalo culus oo ay ku waxyeeleynayaan dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab ay gobolka ka waddo.
Ciidanka Danab oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ka koob an yahay xubno si gaar ah loogu tababarey inay la dagaalamaan, isla markaana baabi’iyaan argagix isada Al Shabaab ee Soomaaliya ku sugan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.
SHABAAB OO SHEEGTAY 27 ASKARI INAY KU DILEEN QARAXYADA ISMIIDAAMINTA EE MUQDISHO KA DHACAY
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Nawaaxiga Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ku dileen Askar badan oo Amisom iyo Qaramada Midoobay ka tirsan.
Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay weerarada Ismiidaaminta inay ku dileen Askar gaareysa 27 oo isugu jirta kuwa Qaramada Midoobay ilaalo u ahaayen iyo ciidamo ka tirsan kuwa Amisom.
Abuu Muscab ayaa sheegay Bartilmaameedka Qaraxaasi inuu ahaa Xarunta Xalane ee Maga alada Muqdisho, sidii loogu talo galayna uu u dhacay.
Ka sokoow hadalka Shabaab ka soo baxay Suxufiyiintii tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, ay aa waxa ay xaqiijiyeen in labo Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd afaafka hore ee Irida Xalane.
Khasaaraha ugu badan ee dhimashada wuxuu soo gaaray ciidamo Somali ah oo Ilaalo u ah Xu bno ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigooda uu yahay Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Amisom ayaa Wakaalada Wararka Somaliyed ee SONNA wuxuu u sheegay in qaraxyada lagu soo weeraray ciidamadooda, laakiin faahfaahinta uu dib ka bixin doono.Qaraxa Irida Xalane agteeda ka dhacay ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo lagu sheegay noociisa inuu yahay DYNA, kaasi oo ah midka dhaliyay Khasaaraha xoogan.
Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa de gan Hay’ado UNka ah iyo xubno kale oo Ajaanib ah, kuwaasi amni ahaan u doorbiday inay halkaasi ku noolaadaan.
IMAARAADKA CARABTA OO TURKIGA U GACAN GELIYAY SARAAKIIL BAXSAD AHAA
Labo Jeneral oo Turki ah, islamarkaana baxsad ahaa ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaara daha ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Labadaan Jeneral, ayaa waxa ay ka yimaadeen dalka Afghanistan, waxaana lala xiriirinayaa inay wax ka ogaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay.
Magacyada labada Jeneral ee iyagoo baxsadka ah la qabtay ayaa lagu kala sheegay Major General Mehmet Cahit Bakir oo ahaa taliyihii ciidamada Turkiga ee dalka Afghanistan iyo Taliyihii tababarada iyo la talinta xarunta taliska ee Kabul Brigadier General Sener Topuc.
Wararku waxay sheegayaan in Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga iyo Sirdoonka dalku oo kashananaya masuuliyiinta Imaaradka ay ka war heleen baxsadka labada Jeneraal.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa durbadiiba waxa ay ku wareejisay labadaasi Jeneral Sirdoonka dalka Turkiga oo waxaa laga dejiyay Magaalada Istanbul ee dalkaasi.
WARIYE C/RISAAQ BLACK OO CAAFIMAAD LOOGU QAADAY DALKA HINDIYA
Wariye C/risaaq Jaamac Cillmi Black ayaa shalay caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka dhabbeeyay balanqaadkiisa ahaa inuu Caafimaad dibadda ah u diri doono.
C/risaaq Black ayaa sanadkii 2014 ku dhaawacmay rasaas kooxo hubeysan ku fureen xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, waxaana tan iyo xilligaas uu la taahayay dhaawaca caloosha ee soo gaaray.
Wariye Black ayaa loo qaaday dalka Hindiya si halkaasi loogu soo dabiibo ayaa geli doonaa qaaliin dhanka caloosha iyo feeraha looga soo sameyn doono.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji Maxamuud oo faafaahin ka bixiyey qaadista wariyaha ayaa sheegay in ay tallaabadaan ay tahay fulinta codsi uga yimid saxa afadda Soonaamiyeed oo ahaa in Wariye Black gargaar caafimad oo dalka dibadiisa ah loo qaado ka dib markii dalka wax looga qaban waayey.
” Sidaad ogtihiin Wariye Black kooxaha nabad diidka ah ayaa dhaawac culus u geystay kuwa asi oo damacoodu yahay in ay cabsi galiyaan saxaafadda Soomaaliyeed si ay u cuuryaamiyaan howlaha muhiimka ee saxafadda u heyso bulshadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta horumarka dalka Sidaad darteed Madaxweynaha oo had iyo jeer muhiimad gaar ah siiya dhiira gelinta Saxaaf ada iyo xorriyatul qowlka ayaa go’aansaday inuu Allah ka sogoow damaanad qaado arrinta ah in wariyaha cafimaad dalka dibadiisa ah loo qaado.” Ayuu yiri Shadoor Xaaji.
Xoghayaha guud ee ururk Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu u fuliyey codsigii ay u jeediyeen Saxaafada Soomaaliyeed oo ahaa qaadista Wariye Black.
C/risaaq Black ayaa uga mahad celiyey qaadistiisa Madaxweyne Xasan Sheekh oo damaanad qaaday caafimaadkiisa iyo marwada koowaad ee Madaxweynaha Maamo Qamar Cali Cumar oo da daal dheeraad ah ku bixisay in dalka dibadiisa caafimaad ahaan loogu qaado. Sidoo kale Wariye Black ayaa u mahad celiyey dhammaan Saxaafada Soomaaliyeed oo sabab u ahaa in gargaarkaan caafimaad uu helo iyo sidoo kale agasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shadoor oo si gaar ah xil isaga saaray in ay fusho amarkii uu xafiikiisa siiyey oo ahaa in wariyaha la qaado.
Wariye Black oo ah Agaasimaha TVga Somalichanel ee xafiiksa Muqdisho ayaa kooxo hu beysan waxay si arxan darro ah dhaawac ugu geysteen magaalada Muqdisho nasiib wanaagse mu do yar ka dib wuu ka soo bogsaday dhaawac hayeeshee mudo labo bil ka hor ayuu Muqdisho ku ga lay qaliin lagu guul darreystay oo ah dhaawaciii caloosha iyo feeraha oo dib u soo laba kacleeyey iyadoo markii dambe xaladiisu ay gaartay mid halis ah oo dalka aan lagu dabiibi Karin taaso keentay inuu u bahdo qaliin dibadeed oo ah midka haatan madaxeynaha uu u qaaday.
MADAXWEYNE GAAS OO HAMBALYO UDIRAY KOOXDA PUNTLAND
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Hambalyo u diray xulka Kubada Cagta ee Puntland, oo galabta ku guuleystay Tartanka maamul goboleedyada dalka kadib markii Gool ku laadyo 5 iyo 3 ah ay uga adkaadeen Jubbaland.
Koobkan oo maalmahan ka socday Garoonka Banaadir Stadium ayaa waxaa ka qeyb galay il aa iyo 6 kooxood waxaana ugu dambeyn ku guuleysatay Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in kor loo qaadi doono Tayada kubada cagta ee Pun tland, sidoo kalena ay guushaan muujinayso in Puntland dhinac kasta ka tahay maamul dhameysti ran.
Dabaaldagayo waa weyn ayaa ka socda magaalada Garoowe, waxaana shacabka Puntland ay ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen kooxda Puntland.
BEESHA CAALAMKA OO CAMBAAREYSAY QARAXYADII MUQDISHO KA DHACAY
Beesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka Xaru nta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Dowladda Mareykanka war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku cambaareeyeen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaa na ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falalka Qaraxyada noocaan oo kale ah.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay xoojinayaan dib u dhiska Ciidaanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxa muud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee shalay lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn Shabaab laga saare dalka goobaha ay kaga sugan yihiin.
In ka badan 10ruux oo isu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay meel u dhaw xarunta Xalane ee agagaarka Garoonka Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.
TALISKA BOOLIISKA OO SAANAD CIIDAN KALA WAREEGAY DOWLADDA MAREYKANKA
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xaamud, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa la kulmay saraakiil ka socotay booliiska dalka Mareykanka oo dhowa anahan ku sugnaa dalka isla markaana u kuurgalayay xaaladda booliiska Soomaaliya.
Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay aa sheegay in saraakiisha booliika Mareykanka uu kala wareegay saanad ciidan oo loogu talagalay booliiska dalka.
"Runtii waan ugu mahadceliyay sida ay noo soo xasuusteen oo mucaawadanii yareyd oo ay na soo gaarsiiyeen oo runtii anaga wax badan noo taraysa,” ayuu yiri taliyaha booliiska.
Taliyaha booliiska ayaa sidoo kale sheegay in booliiska Soomaaliyeed uu dhismaayo isla mark aana ay ku dadaalayaan sidii xiriir ula yeelan lahaayeen wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.
Dhanka kale, taliyaha ayaa tacsi u direy dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay aga gaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo sheegay in falalkan carqaladeynta ah aysan ka hor istaagi doonin horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.
"Horumarka ka badan dowladnimada ka balaaran ummadda meesha ay goosato ayaa ka ba dan, wax kasta oo dhaca anaga xagee u socnaa? Waxaa u socnaa dhisidda dowladnimada Soom aaliya oo 25 sano ka hor burburtay,” ayuu markale yiri taliye Xaamud.
Taliye Xaamud ayaa saraakiisha tababarka ugu socdo dugsiga sare ee booliiska Soomaaliya ee janaraal Kaahiye, waxaa uu u sheegay in ay taliska booliiska Soomaaliya uu ku howlan yahay dib u dhiska iyo soo celinta heybaddii booliiska dalka.
MADAXWEYNAHA JABUUTI OO SHEEGAY INAY JIRAAN XADGUDUBYO KA DHAN AH UMADDA CARABTA
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad dhinacyo badan tab anaysay ka jeediyay shir madaxeedka Carabta ee 27aad ka socoday dalka Mouritaniya, ayaa ka ha dlay duruufta adage e xilligan umadda carabta marayso iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.
Wuxuuna si gaar ah u tilmaamay la dagaalanka faqriga, isbalaaruinta argagixisada iyo sidii dha linyarada looga abuuri lahaa fursado shaqo si jiilka soo koryao ay qeyb mug leh uga qaataan dhism aha dalalkooda iyo horumarkiisa.
Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle,wuxuu kaloo soo hadaal qaaday qadi yada Falastiin, wuxuuna cadeeyay lagama maarnimada dhisidda dowlad Falastiin ah, oo leh maqa amkeeda iyo dhameynta khilaafka Israel iyo Falastiin si mandiqadaasi loogu abuuro ayuu yiri” jawi nabadeed ee ka aslaxda gobolka bariga dhexe.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu kaloo khudbadiisa ku soo hadal qaaday dagaalada iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan wadamada Suuriya iyo liibiya iyo sidii xal looga heli lahaa.
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: WAA KUWEE 20KA CIYAARTOY EE TAARIIKHDA HORYAALKA TALYAANIGA ABID UGU QAALISANAA? HALKEE AYUU HIGUAIN KAGA JIRAA?
Kooxda Juventus ayaa taariikh cusub udhigtay suuqa kala iibisa ciyaartoyda ee horyaalka Talyaani ga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa Gonzalo Higuain oo ay kula soo wareegtay 90 milyan oo eu ros. Haddaba waa kuwee 20 ka ciyaartoy ee taariikhda suuqa kala iibisaga horyaalka Talyaaniga u gu qaalisanaa?
Shabakada ciyaaraha ee Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa dhamaan 20 ciyaartoy ee abid lacagta ugu badan ay kula soo wareegeen kooxaha horyaalka Talyaanigu iyo waliba qiima ha ciyaartoy kasta lagula soo wareegay. Waxa kale oo aanu diinku soo gudbinaynaa kooxaha ciyaar toydan la soo wareegay iyo kooxihii lagala soo waregay.Higuain
HADDABA HALKAN KAGA BOGO LIISKA 20 KA CIYAARTOY EE ABID UGU QAALISAN SUUQA KALA IIBISAGA CIYAARTOYDA EE HORYAALKA TALYAANIGA:
Ka hor intii ayana Juventus heshiiska Higuain la gaadhin waxaa rekoodhka xidiga ugu qaalisan horyaalka Talyaaniga haystay Hernan Grespo oo kooxda Lazio kaga soo biiray Parma waxayna La zio rekoodhka suuqa horyaalka Talyaaniga haysatay 55 milyan oo euros. Heshiiska Grespo ee Lazio ayaa la dhamaystiray sanadkii 2001 kii.Grespo
Waxaana kaalinta labaad ee xidiga suuqa Serie Ada ugu qaalisan ku jiray goolhaye Gianluigi Buffon oo ay Juventus isla kooxda Parma kagala soo wareegtay 52.9 milyan euros. Waxayna Juv entus goolhaye Buffon la soo wareegtay sanadkii 200kii.buffon
FIIRO GAAR AH: Lacagtu waa euro iyada oo kooxda magaceedu soo horeeyo lagala soo wareegay ciyaartoydan halka kooxda u magaceedu danbeeyo ay tahay kooxda la soo wareegtay ciyaartoyga.
20. MARCIO AMOROSO | Udinese – Parma | 1999 | €28m
19. ANTONIO CASSANO | Bari – Roma | 2001 | €28.5m
18. CARLOS BACCA | Sevilla – AC Milan | 2015 | €30m
17. JUAN SEBASTIAN VERON | Parma – Lazio | 1999 | €30m
16. ALESSANDRO NESTA | Lazio – AC Milan | 2002 | €30.5m
15. GEOFFREY KONDOGBIA | Monaco – Inter | 2015 | €31m
14. MIRALEM PJANIC | Roma – Juventus | 2016 | €32m
13. PAULO DYBALA | Palermo – Juventus | 2015 | €32m
12. GABRIEL BATISTUTA Fiorentina – Roma | 2000 | €32.5m
11. HERNAN CRESPO | Lazio – Inter | 2002 | €36m
10. FILIPPO INZAGHI | Juventus – AC Milan | 2001 | €37m
9. GONZALO HIGUAIN | Real Madrid – Napoli | 2013 | €38m
8. PAVEL NEDVED | Lazio – Juventus | 2001 | €41.2m
7. LILIAN THURAM | Parma – Juventus | 2001 | €41.5m
6. RUI COSTA | Fiorentina – AC Milan | 2001 | €42m
5. CHRISTIAN VIERI | Lazio – Inter | 1999 | €45m
4. GAIZKA MENDIETA | Valencia – Lazio | 2001 | €48m
3. GIANLUIGI BUFFON | Parma – Juventus | 2001 | €52.9m
2. HERNAN CRESPO | Parma – Lazio | 2000 | €55m
1. GONZALO HIGUAIN | Napoli – Juventus | 2016 | €90m
AABAHA DHALAY XIDIGA REE PORTUGAL IYO KOOXDA SPORTING LISBON EE JOAO MARIO OO CADEEYAY IN KOOXDA SPORTING AY SOO DIIDAY DALABYO WIILKIISA AY KU DOONAYEEN KOOXAHA LIVERPOOL IYO INTER MILAN
Kooxaha Inter Milan iyo Liverpool ayaa dalabyo ka gudbiyay xidiga kooxda Sporting Lisbon iyo xulka qaranka Portugal ee Joao Mario balse kooxda Sporting ayaa dalabyadan iska diiday waxaana warkan shaaca ka qaaday aabaha dhalay Joao Maro ee Jan Hagen. Sida uu sheegay aabaha dhalay Joao Mario kooxaha Inter Milan iyo Liverpool ayaa si toos ah uga tartamaya saxiixa wiilkiisa.
Kooxaha waa wayn ee Yurub ayaa xiiso ka muujiyay Joao Mario kaas oo xulka qarankiisa Po rutal ka caawiyay in ay ku guulaystaan Euro 2016. Madax waynaha kooxda Sporting ee Jan Hagen ayaa shaaca ka qaaday in Inter Milan ay wiilkiisa ku soo dalbatay 35 milyan euros isla markaana uu dalabkaasi gaadhi lahaa 45 milyan oo euros.
Wuxuxuna sidoo kale sheegay in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ay iyaduna soo gudbisay dalab 35 milyan oo euros ah isla markaana ay la socon doonto 10 milyan oo dheeraad ahi sidaana uu dalabka Liverpool ku noqon lahaa 40 milyan oo eruos, wuxuuna si cad u sheegay in ay dal abyadan iska diideen.
Sporting have rejected a €40m bid from Liverpool & a €35m+€10m bid from Inter on João Má rio, confirmed by his dad. pic.twitter.com/wou8wjbG62
Jan Hagen ayaa yidhi: ” Qorshaha wiilka lagu doonayay aniga si toos ah iigu muu iman, waxay u tageen wakiilka Joao Mario ee Kia Joorabchian iyo madax waynaha Sporting. Si kastaba ha ah atee, waxaa la igu soo wargaliyay in kooxdu ay diiday dalab 35 milyan +10 milyan euros oo dhee raad ah oo Inter Milan ka yimid iyo dalab 40 milyan oo eruos ah oo Liverpool ka yimid”.
Jan Hagen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Wax khaas ahi may dhicin, wiilkaygu waa xirfadle wuxuuna ogyahay inuu heshiis kula jiro Sporting, sidoo kale waxaanu ka hadlaynaa ciyaartoy koo xda qiimo wayn ku leh kaas oo sare u kacay intii uu ku jiray mashruucan ee waayihiisa ciyaareed”.
Ugu danbayn Jan Hagen ayaa cadeeyay in aanu marnaba sheegin in kooxda Sporting ayna ah ayn koox uu mashruuceeda wiilkiisu jecel yahay wuxuuna yidhi: "Anigu waligay maan sheegin in ma shruuca Sporting aanu ahayn mid uu Joao Mario jecel yahay, markastaba mashruucooda ayuu xiiso u muujiyaa”.
23 jirkan ee Ree Portugal ayaa ka soo baxay akadamiga kooxda Sporting wuxuuna sidoo kale qayb ka soo ahaa xarunta da’yarta ee FC Porto. Joao Mario ayaa lix gool dhaliyay isla markaana 11 gool caawineed sameeyay xili ciyaareedkii dhamaaday.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA LUULYO 2016-KA
MADAXWEYNAHA: "WEERARADA WAXASHNIMADA MA HAKIN DOONAAN DAGAALKA KA DHANKA AH AL SHABAAB" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee shalay lagu beegsadey afaafka