Wariye C/risaaq Black oo caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya

0
Wednesday July 27, 2016 - 09:13:09 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye C/risaaq Black oo caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya

    Wariye C/risaaq Jaamac Cillmi Black ayaa shalaya caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka dhabbeeyay balan-qaadkiisa ahaa inuu Caafimaad dibadda ah u diri doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye C/risaaq Jaamac Cillmi Black ayaa shalaya caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka dhabbeeyay balan-qaadkiisa ahaa inuu Caafimaad dibadda ah u diri doono.

C/risaaq Black ayaa sanadkii 2014 ku dhaawacmay rasaas kooxo hubeysan ku fureen xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, waxaana tan iyo xilligaas uu la taahayay dhaawaca caloosha ee soo gaaray.

Wariye Black ayaa loo qaaday dalka Hindiya si halkaasi loogu soo dabiibo ayaa geli doonaa qaaliin dhanka caloosha iyo feeraha looga soo sameyn doono.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji Maxamuud oo faafaahin ka bixiyey qaadista wariyaha ayaa sheegay in ay tallaabadaan ay tahay fulinta codsi uga yimid saxaafadda Soonaamiyeed oo ahaa in Wariye Black gargaar caafimad oo dalka dibadiisa ah loo qaado ka dib markii dalka wax looga qaban waayey.

” Sidaad ogtihiin Wariye Black kooxaha nabad diidka ah ayaa dhaawac culus u geystay kuwaasi oo damacoodu yahay in ay cabsi galiyaan saxaafadda Soomaaliyeed si ay u cuuryaamiyaan howlaha muhiimka ee saxafadda u heyso bulshadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta horumarka dalka Sidaad darteed Madaxweynaha oo had iyo jeer muhiimad gaar ah siiya dhiira gelinta Saxaafada iyo xorriyatul qowlka ayaa go’aansaday inuu Allah ka sogoow damaanad qaado arrinta ah in wariyaha cafimaad dalka dibadiisa ah loo qaado.” Ayuu yiri Shadoor Xaaji.

Xoghayaha guud ee ururk Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu u fuliyey codsigii ay u jeediyeen Saxaafada Soomaaliyeed oo ahaa qaadista Wariye Black.

C/risaaqBlack ayaa uga mahad celiyey qaadistiisa Madaxweyne Xasan Sheekh oo damaanad qaaday caafimaadkiisa iyo marwada koowaad ee Madaxweynaha Maamo Qamar Cali Cumar oo dadaal dheeraad ah ku bixisay in dalka dibadiisa caafimaad ahaan loogu qaado. Sidoo kale Wariye Black ayaa u mahad celiyey dhammaan Saxaafada Soomaaliyeed oo sabab u ahaa in gargaarkaan caafimaad uu helo iyo sidoo kale agasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shadoor oo si gaar ah xil isaga saaray in ay fusho amarkii uu xafiikiisa siiyey oo ahaa in wariyaha la qaado.

Wariye Black oo ah Agaasimaha TVga Somalichanel ee xafiiksa Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxay si arxan darro ah dhaawac ugu geysteen magaalada Muqdisho nasiib wanaagse mudo yar ka dib wuu ka soo bogsaday dhaawac hayeeshee mudo labo bil ka hor ayuu Muqdisho ku galay qaliin lagu guul darreystay oo ah dhaawaciii caloosha iyo feeraha oo dib u soo laba kacleeyey iyadoo markii dambe xaladiisu ay gaartay mid halis ah oo dalka aan lagu dabiibi Karin taaso keentay inuu u bahdo qaliin dibadeed oo ah midka haatan madaxeynaha uu u qaaday.

black1black2black3




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip