Shabaab oo sheegtay 27 Askari inay ku dileen Qaraxyada Ismiidaaminta ee Muqdisho ka dhacay

0
Tuesday July 26, 2016 - 19:17:00 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo sheegtay 27 Askari inay ku dileen Qaraxyada Ismiidaaminta ee Muqdisho ka dhacay

    Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Nawaaxiga Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ku dileen Askar badan oo Amisom iyo Qaramada Midoobay ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Nawaaxiga Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ku dileen Askar badan oo Amisom iyo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay weerarada Ismiidaaminta inay ku dileen Askar gaareysa 27 oo isugu jirta kuwa Qaramada Midoobay ilaalo u ahaayen iyo ciidamo ka tirsan kuwa Amisom.

Abuu Muscab ayaa sheegay Bartilmaameedka Qaraxaasi inuu ahaa Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, sidii loogu talo galayna uu u dhacay.

Ka sokoow hadalka Shabaab ka soo baxay Suxufiyiintii tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, ayaa waxa ay xaqiijiyeen in labo Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd afaafka hore ee Irida Xalane.

Khasaaraha ugu badan ee dhimashada wuxuu soo gaaray ciidamo Somali ah oo Ilaalo u ah Xubno ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigooda uu yahay Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Amisom ayaa Wakaalada Wararka Somaliyed ee SONNA wuxuu u sheegay in qaraxyada lagu soo weeraray ciidamadooda, laakiin faah-faahinta uu dib ka bixin doono.

Qaraxa Irida Xalane agteeda ka dhacay ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo lagu sheegay noociisa inuu yahay DYNA, kaasi oo ah midka dhaliyay Khasaaraha xoogan.

Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa degan Hay’ado UN-ka ah iyo xubno kale oo Ajaanib ah, kuwaasi amni ahaan u doorbiday inay halkaasi ku noolaadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip