Madaxweynaha Koofurta Sudan oo xil ka qaadis ku sameeyay kuxigeenkiisa Rek Machar

0
Tuesday July 26, 2016 - 19:08:41 in Wararka by
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koofurta Sudan oo xil ka qaadis ku sameeyay kuxigeenkiisa Rek Machar

    Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Reik Machar, labo todobaad kadib markii dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Caasimada Jubba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Reik Machar, labo todobaad kadib markii dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Caasimada Jubba.
Reik Machar ayaa lagu arkin meel fagaare ah, tan iyo markii dagaalo ay dib uga qarxeen Caasimada Jubba labo todobaad ka hor, kaasoo ay ku dhinteen 300 oo ruux.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa loo magacaabay Taban Deng Gai oo ahaa Madaxii hore ee wada xaajoodka dhinaca Nabadda.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Reik Machar ayaa waxaa dhaleeceeyay taageerayaashiisa, balse waxaa taageeray xubnaha kale ee Xisbiga.

Tallaabada xil ka qaadista lagu sameeyay Madaxweyne kuxigeenkii Koofurta Sudan ayaa sii cakireysa xaalada siyaasadeed ee dalkaas oo muddooyinkan qasneyd.

Waxaa laga cabsi qabaa in taageerayaasha Reik machar ay ku dhawaaqaan inuu bur buray heshiiskii nabada ee sanadkii hore ay gaareen Salva Kiir iyo Mr Machar.

Koofurta Sudan ayaa waxaa dhamaadkii sanadkii 2013 ka qarxaydagaalo sokeeye oo dad badan ku dhinteen, kadib markii uu fashilmay isku day afgambi la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha Koofurta Sudan salva Kiir.



machar iyo salva


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip