Madaxweynaha: "Weerarada waxashnimada ee goobaha ummadda ay ka fulinayaan argagixisada ma hakin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab"

0
Tuesday July 26, 2016 - 18:46:15 in Wararka by
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Weerarada waxashnimada ee goobaha ummadda ay ka fulinayaan argagixisada ma hakin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab"

    Muqdisho, 26 July 2016 (Villa Somalia)---- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee maanta lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 26 July 2016 (Villa Somalia)---- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee maanta lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

"Weerarkan waxashnimo ee kooxda argagixisada ay soo qaadeen waxaa ujeedkiisu uu ahaa in shacab badan lagu waxyeeleeyo, lana dhibaateeyo hawlaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo ee goobtaasi ka socda. Argagixisadu waxay doonayaan inay shacabka iyo dowladda niyad jebiyaan, taasina ma ahan suuragal, waayo cid walba ayaa ka dheregsan ujeeddooyinka guracan ee kooxdan dembiileyaasha ah ay leeyihiin oo ah inay nolosha u diidaan shacabka, burburna geystaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee AMISOM, oo mar walba u taagan inay sugaan amniga, cadowgana cashar u dhigaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn cadowga laga sifeeyo goobaha yar ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

------------------------------DHAMMAAD--------------------------


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

PHOTO OFFICIAL 2



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip