Warbaahinta taageerta IS ee AMAQ ayaa sheegtay in labada ruux ee weerarka ka dambeysay ay ka mid ahaayeen dagaalyahanada ururka IS.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dowladiisu ay la dagaalami doonto ururka IS weerarkana uu ahaa mid fulaynimo ah.
Labada ruux ee weerarka geysatay ayaa la sheegay inay wateen mindiyo waxayna qoorta ugaga jareen baadarigii kaniisada halka kaaliyihiisana ay ku dhaawacantay weerarkan.
Wararka ayaa sheegaya in Booliska Faransiiska ay ka shakisanaayeen mid kamid ah labada ruux ee weerarka geysatay iyadoo qalab sheega halka qofkaasi uu joogo uu ku xirnaa.
Dalka Faransiiska ayaa ciidamadiisa heegan la geliyay waxayna ciidamada Booliska ay degdeg u gaareen kaniisada weerarka lagu qaaday.
Ururka IS oo sheegtay weerar lagu qaaday kaniisad ku taal dalka Faransiiska
Ururka IS ayaa sheegtay weerar lagu qaaday maanta kaniisad ku taal duleedka magaalada Rouen ee Waqoyiga Faransiiska.