Imaaraadka Carabta oo Turkiga u gacan geliyay Saraakiil baxsad ahaa

0
Tuesday July 26, 2016 - 18:32:23 in Wararka by
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Carabta oo Turkiga u gacan geliyay Saraakiil baxsad ahaa

    Labo Jeneral oo Turki ah, islamarkaana baxsad ahaa ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta. Labadaan Jeneral, ayaa waxa ay ka yimaadeen dalka Afghanistan, waxaana lala xiriirinayaa inay wax ka ogaayeen Afgambigii d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo Jeneral oo Turki ah, islamarkaana baxsad ahaa ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta. Labadaan Jeneral, ayaa waxa ay ka yimaadeen dalka Afghanistan, waxaana lala xiriirinayaa inay wax ka ogaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay.

Magacyada labada Jeneral ee iyagoo baxsadka ah la qabtay ayaa lagu kala sheegay Major General Mehmet Cahit Bakir oo ahaa taliyihii ciidamada Turkiga ee dalka Afghanistan iyo Taliyihii tababarada iyo la talinta xarunta taliska ee Kabul Brigadier General Sener Topuc.

Wararku waxay sheegayaan in Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga iyo Sirdoonka dalku oo kaashananaya masuuliyiinta Imaaradka ay ka war heleen baxsadka labada Jeneraal.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa durbadiiba waxa ay ku wareejisay labadaasi Jeneral Sirdoonka dalka Turkiga oo waxaa laga dejiyay Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa wada weli tallaabooyin kala duwan oo ay qaadeyso, waxaana ay la xiriiraan tallaabooyinkaasi ka fal celinta Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Saraakiil badan iyo Askar kala duwan ayaa weli ku jira Xabsiyada dalka Turkiga, halkaasi oo lagu ciqaabayo kuwii looga shakiyay Afgambiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip