Booliska Jarmalka oo sheegay in weerarkii Munich muddo sanad ah la diyaarinayay

0
Sunday July 24, 2016 - 20:14:24 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Jarmalka oo sheegay in weerarkii Munich muddo sanad ah la diyaarinayay

    Mas'uuliyiin u hadashay dowlada Jarmalka ayaa sheegay wiilkii 18jirka ahaa ee ka dambeeyay weerarkii magaalada Munich ee Jimcihii aynuka soo gudubnay uu muddo sanad ah diyaarinayay weerarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin u hadashay dowlada Jarmalka ayaa sheegay wiilkii 18jirka ahaa ee ka dambeeyay weerarkii magaalada Munich ee Jimcihii aynuka soo gudubnay uu muddo sanad ah diyaarinayay weerarka.

David Ali Sonboly oo ahaa wiilkii ka dambeeyay weerarka ayaa haystay bistoolad nooceedu ahaa Glock waxana uu haystay rasaas ka badan saddex boqol.

Maamulka Bavarian ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Ali uu soo iibsaday bastooladii uu isticmaalay weerarka suuqa madow.

Weerarkan oo uu isku diley wiilkii ka dambeeyay kadib markii uu diley sagaal ruux oo dhowr iyo toban jiro ah,labo ka mid ah waxa ay ahaayeen Turkiyiin,labo Jarmal ah,hal Hungarian ah,hal Greek ah iyo ruux kale oo u dhashay dalka Kosovo.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa dhaawacyo ka soo gaartay 35 ruux iyadoo afar ka mid ah dadkaasi ay qabeen dhaawacyo rasaaseed.

Saraakiil u hadashay dowlada Jarmalka ayaa waxa ay sheegeen in dadka ku waxyeeloobay weerarkan aysan ahayn dad si gaar ah loo bartilmaameedsaday mana ahayn dhalinyaro ay isku fasal ahaayeen wiilkii ka dambeeyay weerarka.

Madaxa ciidamada dambi baarista Booliska Bavaria Robert Heimberger ayaa sheegay in Sonboly uu sanadkii hore booqday magaalada Winnenden oo ah iskuul toogasho ka dhacday sanadkii 2009 halkaa oo sawiro ka soo qaaday.

Mr Heimberger ayaa intaa raaciyay in waalidiinta Sonboly ay aad u naxeen ayna awoodin in la wareysto.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka helin qolka uu ka degenaa Sonboly dhismaha aabihiis qoraaladii dilaagii u dhashay dalka Norway Anders Behring Breivik

Hase yeeshee, maalin kahor ayaa waxaa soo baxayay suurtogalnimada xiriir u dhexeeya Breivik kaaso shan sano ka hor uu dhacay weerar uu dad badan ku diley.

Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta Munich ayaa sheegay in Sonboly uu muddo labo bilood ah ku qaatay xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’ sanadkii 2015, kadibna waxa uu ka mid ahaa bukaanada daawada ka qaata xarunta iyagoo gurigooda jooga ama bukaan socod.

Sonboly oo is diley kadib markii uu waxyeelo gaarsiiyo dhalinyaro kale ayaa la sheegay in uu tooganayay dadka asalkoodu uu ka soo jeedo dalalka carabta iyadoo la sheegay in uu aad u necbaa dhalinyarada asalkoodu yahay dalalka carbeed kadib markii ay isku khilaafeen dugsigii uu wax ka baran jirey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip