Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Caare, iyadoona uu tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa General Caare ku tilmaamay shakhsi naftiisa iyo waqtigiisaba u huray, sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka.
"General Caare waxa uu ahaa shakhsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu samayn lahaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo hadalkan ku War Saxaafadeed.
Sarkaalkan oo lixdanmeeyadii qortay ciidanimada, ayaan laga faa’iideysan qibradiisii ciidanimo, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha fara turiska ee dalka ku nagaatay.
General Caare oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
Allaha u naxariistee General C/raxmaan Warsame Cilmi (Caare) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Somaliya, ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.