Shirka Madaxda Wadamada Jaamacadda Carabta oo Berito ka furmaya dalka Muratania iyo Ajandayaasha looga hadlaayo.

0
Sunday July 24, 2016 - 14:27:37 in Wararka by
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxda Wadamada Jaamacadda Carabta oo Berito ka furmaya dalka Muratania iyo Ajandayaasha looga hadlaayo.

    Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu tago caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta oo maalinta berrito ah ka furmaya caasimadda dalkaasi ee Nowak

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu tago caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta oo maalinta berrito ah ka furmaya caasimadda dalkaasi ee Nowakshood.
Shirkaan oo socon doona muddo labo Maalmood ayaa waxaa looga hadli doona Ajendayaal ay soo diyaariyeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Ajendayaasha kuwa ugu muhiim ka mid ah arrimaha Yemen, Syria, Libya, Soomaaliya, Falastiin, Faragelinta Iiraan iyo Jesiiradaha ay ka haystaan Imaaraadka iyo Ciiddanka Turkiga ee ku sugan gudaha Iraq.

Ururka Jamaacadda Carabta waxaa xubno ka ah 22 Wadan, kuwaasi oo kala ah: Masar, Sacuudiga, Iraq, Somalia, Jabuuti, Sudan, Algeria, Bahrain, Kuwait, Jesiirada Komoros, Libya, Syria,Moroko, Muratania, Tunisia, Imaaraadka Carabta, Urdun, Cumaan, Yemen, Qatar, Falastiin, Jesiiradaha Murushiyos iyo Waddaanka Eritrea oo Goobjooge ahaan ugu soo biirtay Ururka Jamaacadda Carabta sannadkii 2003-dii




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip