Qaybtii 2aad….SABABIHII GALADIGA U FUDUDEEYAY QABSASHADA BAARDHEERE IYO SAAMEEYNTII KA DHALATAY DAGAALKA.

0
Sunday July 24, 2016 - 13:14:50 in Maqaallo by
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 2aad….SABABIHII GALADIGA U FUDUDEEYAY QABSASHADA BAARDHEERE IYO SAAMEEYNTII KA DHALATAY DAGAALKA.

    Waa maxaay saameynta ey reebeen dagaaladli wadaadada Baardheere iyo suldaankii Galadiga? Mudadii 24-ka sano aheyd ee xukunka Jameecadu ka jiray Baardheere marna ma aheyn xukunkoodu mid dhaxaltooyo ah ee wuxuu ahaa mid ka kooban culumada shanta qabiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxaay saameynta ey reebeen dagaaladli wadaadada Baardheere iyo suldaankii Galadiga? Mudadii 24-ka sano aheyd ee xukunka Jameecadu ka jiray Baardheere marna ma aheyn xukunkoodu mid dhaxaltooyo ah ee wuxuu ahaa mid ka kooban culumada shanta qabiil ee halkaasi degenaa, iyadoo hoggaamiyaha soo xulidiisu ku saleysneyd kartida qofka iyo aqoontiisa diineed, Fiiri Markhaati buuga The Shaping of the Somali Society ee Lee. V. Casanelli bogga 142aad.
Fiiri Markhaati kale oo muujinaya in xukunka Baardheere aanu aheyn dhaxal, buugga”Prima Spedizione” ee uu qoray Ferrendi, isagoo leh markii uu dhintay Sheekh Abiikar Aadan Dhurow sanadkii 1838-dii ayaa wiilkiisii Mahad Aadey wuxuu rabay inuu qabto xilka, laakin dadkii reer Baardheere ayaa diiday oo doortay Shariif Cabdiraxmaan, Mahad Aadeyna wuxuu iska aaday Baraawe halkaasi oo uu ka noqday macaallin carruurta Quraanka bara ilaa uu ka geeriyooday.

Inkasta oo Geledigu jabiyay hadan weli waa sii jirtay Jameecadii Baardheere ayagoon awood ciidan laheyn sida uu sheegay sahamiyihii Talyaaniga ahaa ee Ugo Frendi, ee Baardheere tegay sanadkii 1891-kii, FM, buugga Prima Spedizione bogga 205-206aad dhinaca kale wadaadadu waxa ay dareemeen intaan Galadigu soo gelin in ayna u babac dhigi karin, firi buuga the Shaping of the Somali Society ee uu qoray Dr. Lee bogga 243aad oo leh ” Sheekh Ibraahimkii Baardheere wuxuu u diray Suldaanka Galadiga Kutub Qur’aan iyo Sumeyn (Gift of Peace) suldaankuna waxa uu u qoray jawaab diidmo ah, waxaa kale oo arrintaa laga ogaan karay laashin Abuukar Cusmaan oo reer Afgooye ah, fini marqaati kale buugga "La Communita Giama Di Barder” ee uu qoray I. M. Lurwis markuu tagay 1950-kii boggiisa 37aad, markii sumeyntii la diiday ayaa maalin Khamis ah 2-dii bisha Mowliid sanadkii Hijriyada ee 1260-kii una dhiganta 1843-dii sanadka miilaadiga ayaa ciidamaddii Yuusuf Maxamed waxa ay Weerareen degaanada Baardheere ku wareegsan, ayagoo gubay tuulooyinkii, waxaana laga guuleystay Sheekh C/raxmaan Shariif iyo Naa’ibkiisii Sheekh Ibraahim Shariif , waxaa la sheegay Iney bixiyeen oo ay badbaadiyeen ciidamadii Liisaanta ee ka tirsanaa isbaheysiga Galadiga, inkastoo qoraalada qaar ay sheegayaan in la dilay saddaxdii cisho ee dagaalkii MARDA ee lagu qabsaday magaalada Baardheere.


Jabkaa ayaa la yiraa qeyb ahaan waxa u sabab ahaa Qabiilka Kablalax oo ugu horeyn bilaabay iney ka baxaan Baardheere oo caruurtii iyo Haweenkii ay u qaxsadeen Caanoole, kaddibna dad kii kale ayaa ku daysaday oo ayaguna qax bilaabay marki dambena magaaladii ayaa cagta la mariyay,lana gubay, gubashadaa kaddib Baardheere mudo 20-sano ah ayey cidlo baaba’ ah ahayd oo aan cidna deganeyn magaalada, FM buugga Dr.Lee bogga 144aad isla bogga Wuxuu ku muujinaa inaan dagaallada Asraaru (sixir) ka maqneyn isagoo leh Galadigu waxa ay safri jireen maalinta Arbacada waliba markii ay ku dhowaadeen Baardheere waxaa xayiray wabiga Jubba, laakin halkaa waxey kula kulmeen nin wabiga jiinkiisa xukumi jiray oo loo yaqiin Aw Baxaar Iftiin Cali Nurow oo yaxaasyada inuu dadka ka celiyo la aaminsanaa, wuxuuna u soo diray Suldaan Yuusufka Geledi nin la shaqeeya oo Wabiga gudbiya loona yaqiin Baxaar Yuusuf C/raxmaan Badey, kaa oo ka gudbiyey yaxaasyadii wabiga Jubba, Suldaan Yuusuf iyo Baxaar Yuusufna waxey gaareen Baardheere, Dr. Lee wuxuu leeyahay taa ayaa keentay in dadka degaanku yiraahdaan Baardheere laba Yuusufaa qabatay, Dr.Lee wuxuu ku daray Galadigu waxey ku tacdaarteen geed la yiraahdo Saleelimo iyo saddex Haamood oo Shinni ka buuxdo oo lagu sii daayay ciidamadii reer Baardheere intaan duulaanka lagu qaadin ( waa sidda markaa la ‘aaminsanaaye).
ArrIntaasi waxey keentay in reer Baardheere geedkaa ku tilmaamaan Geedkii Gaalo sixiroolayda, Galadiguna reer Baardheere waxey ku tilmaameen kuwo bedelaya diintii ab ka ab lagu soo dhaqmayay, culumada reer Baardheerena ay yihin kuwo gaalo soo dirtay, si kastaba 40kii sano ee xigtay dagaaladii Baardheere, gudaha K/Soomaaliya waxaa ka jiray xukunkii Galadiga, gobolkaa oo hodon ahaa min Baraawe ilaa Baardheere taa oo hodontinimadii iyo cududii Galadiga sii kordhisay, waliba iyaga oo ganacsiga Xamar ka tegayay ee gudaha Shabeelle u socda canshuur ka qaadi jiray, taa oo loo yaqiin canshuurta difaaca sida ku qoran buuga Dr. Lee bogga 187aad. "Soo noq noqoshada taarikhda waxaa laga yaabaa in maanta Galadiga naftiisa canshuurta difaaca looga qaado halkii ay ku gaadi jireen 130-kahor.
FG. Sawirka 1aad waa suldaan Galadi,sawirka 2aad na waa suldaankii Buula mareer.
FG.qoraalkaan wixii khalad ku jira waad ka sixi kartaa,dhaliili kartaa, wax ku dari kartaa,aragtidaadu waa muhim.

13726747_1173816312660100_5476266104659045348_n13718658_1173817492659982_4783958454625985024_n
FG. Sawirka 1aad waa sudaan galadi ah.kan 2aad na waa reer Baardheere.

FG. Iga raali ahaaw haddii aad khalad ka dareento qormadeeydan iyo meelaha aan ka tix raacay, waad sixi kartaa , 

dhaliili kartaa,aragtidaada ku kordhin kartaa, aragtidaadu waa muhim……
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip