Qaasim Cabdulle Xasan oo ah Guddoomiyaha Boondheere ayaa sheegay in qaraxan la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka.
"Gaarigan waxaa saarnaa qarax aad u ballaaran, fuusto aaladaha qarxa ku jira, rasaasta qoriga RBG, suujino iyo jawaano birar iyo boolal ku jirayā€¯ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Boondheere.
Waxaa uu uga mahad celiyay shacabka in markii gaariga ay arkeen, kana shakiyeen ku wargeliyay ciidamada, iyadoo markii la baaray laga helay waxyaabaha qarxa.
Ciidamada Nabadsugida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.
NISA oo xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay
Ciidamada Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo la dhigay wado dhinaceeda ah.