Diyaar garowga Xaflada Caleema saarka Ugaas Xasan oo ka socota Beledweyn

0
Sunday July 24, 2016 - 11:33:04 in Wararka by
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaar garowga Xaflada Caleema saarka Ugaas Xasan oo ka socota Beledweyn

    Waxaa magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ka socota diyaar garow ballaaran oo loogu jiro qaban qaabada xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in loo boqro ugaaska Beesha Xawaadle,kadib geeridii walaalkii Allaha u nax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ka socota diyaar garow ballaaran oo loogu jiro qaban qaabada xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in loo boqro ugaaska Beesha Xawaadle,kadib geeridii walaalkii Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

 Caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay qaadaceen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo muddo bilo ah uu hakad ku jiro.

Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaal hore, siyaasiyiin, safiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya magaalada Beledweyn, si ay uga qeyb galaan xaflada caleema saarka iyo caana-shubka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in xaflada caleema saarka ay dhici doonta waqtigii loogu tala galay, iyadoo marka la caleema saaro Ugaaska lagu wado in odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqaan maamul ka madax banaan kan dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip