WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA LUULYO 2016-KA
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Soomaliya Federalka Soomaliya oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in uu ahaa Go’aan lagu deg degay in dalka laga saaro Hay’ada Nile Academy oo maamulaysay Goobo waxbarashada, iyo Caafimaad.
Xildhibaan Dalxa Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Soomaliya Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in heshiiska dalka ay ku yimaadeen Hay’adaha dalka Turkyga uu ahaa in dalka ay maalgashi ku sameystaan hadii ay dhibaato geystaan lagala xisaabtamo dowladooda.
Go’aanka ay dowlada Soomaliya dalka ugu saartay Hay’adda Nile Academy ayaa kusoo beegmay kadib markii dowlada Turkyga ay sheegtay In Mas’uulka iska leh Hay’adda uu ahaa maskaxdii ka dambeysay Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.
SAFIIRADA SOMALIA EE PAKISTAN OO LAGA GUDOOMAY WARQADIHII AQOONSIGA DANJIRENIMO ..
Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalkaas, Khadiija Maxamed Almakhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq.
Safiiradda ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaansharaf.
Khadiija Maxameed Almakhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd Safiiraddii ugu horreysay ee Soomaaliya u soo Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii Somalia.
Dalka Pakistan, ayaa waxaa waxkabarta kumannaan arday ah oo halkaas Jaamacado kala duwan ka dhigta waana waddan sidoo kale Somalia uu xariir dhanka ganacsiga ah kala dhexeeyo.
Ugu dambeyn Danjire, Khadiija AlMakhsuumi, ayaa horay u soo noqotay Safiirdaddii ugu horreysay oo ay Somalia u magacowdo Pakistan wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya, isla markaana sidan oo kale loo maamuso.
KENYA OO MAREYKANKA KALA HADASHAY SIDII LOOGU QEYB QAADAN LAHAA DIB U DHISKA CIIDAMADA XDS
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Kenya kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda ThomasGreenfield ay kala hadlay sidii dowlada Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay alshabaab dalka ugu saaraan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay sii korartay qatarta Xarakada Alshabaab oo dagaal kula jirta Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee Amisom oo dowlada ka caawinaysa dhanka Nabada soo celinta.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ee ka socda wadamo badan oo qaarada afrika ku yaala.
War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Linda Thomas ayaa lagu xusay in Kenya ay ku boorrineyso dalalka uu Mareykanka kamid yahay in ay xoojiyaan dadaalka dhismaha ciidamada booliiska iyo kuwa militariga ee Somaliya si ay gacan buuxda ugu qabtaan nabadda dalka.
MADAXWEYNE ERDOGAN OO WAQTIGA XIRNAANSHAHA U SII KORDHIYAY DADKA AFGAMBIGII FASHILMAY U XIRAN
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa waqtiga ay sii xirnaanayaan u sii kordhiyay dadka loo haysto inay ku lug lahaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.
Erdogan, ayaa sheegay in muddo 30 cisho ah ay sii xirnaan doonaan dadkaasi oo aanan la geyn doonin cadaalada si loo dhameystiro baaritaanada socda.
War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu amray in la xiro in ka badan 1,000 xarumo Iskuul ah oo gaar loo leeyahay iyo in ka badan 1,200 xarumo Hay’adood.
Waxaa socda Baaritaanka rasmiga ah ee la xiriira Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga, Dowladana waxa ay qaadeysa tallaabooyin adag oo la xiriira dhacdadaasi.
Dalka Turkiga ayaa waxa uu ku jiraa xaalad deg deg ah oo Madaxweynaha dalkaasi uu ku soo rogay, iyadoo Baarlamaankana ay ansixiyeen arintaasi.
Turkiga ayaa horay xabsiga u dhigay ciidamo gaaraya 10,000 oo Askari, kuwaasi oo Saraakiil iyo Askarba isugu jirta, laguna eedeeyay kuwii qorsheeyay Afgambiga.
PUNTLAND OO SHEEGTAY QARAMADA MIDOOBAY INAY U DIIDAY IN LAGU WAREEJIYO MAXAABIIS SHABAAB OO GAROWE KU XIRAN
Maamulka Puntland ayaa sheegay xubno ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Garowe inay u diideen ku wareejinta Maxaabiis Shabaab ah oo ku xiran Xabsiga Magaalada Garowe.
Maxaabiistaan Shabaabka ah ayaa lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal iyo Gobolka Mudug, halkaasi oo Shabaab ay duulaan ku qaadeen.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolada Nugaal iyo Sool Gaashaanle Cabdullaahi XirsiCali(Cabdullaahi Dheere) ayaa sheegay xubnaha Qaramada Midoobay ka socday ee ay la kulmeen Todobaadkii hore inay codsadeen in lagu wareejiyo Maxaabiista Shabaabka.
Wuxuu sheegay Maxaabiista inay doonayeen inay geeyaan Magaalada Muqdisho, balse Puntland ay u sheegtay inaysan bixineyn maxaabiistaasi.
Cabdullaahi Dheere, ayaa warkiisa intaasi ku daray in Maxaabiista Shabaabka u xiran ee ku jira Xabsiga Magaalada Garowe xaaladooda ay tahay mid hagaagsan oo dhibaato aanan haysan.
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, ayaa todobaadkii hore waxa ay booqdeen Xabsiga Magaalada Garowe oo ay ugu kuurgaleen xaalada ay ku sugan yihiin Maxaabiista Shabaabka ee halkaasi ku xiran.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in la tooganaayo xubnaha Shabaabka ka tirsan ee dilka toogashada ah lagu xukumay.
Dhalinyaro badan oo Shabaab ka tirsan, laguna qabtay dagaaladii ka dhacay Aaga Togga Suuj, ayaa ku xiran Xabsiga Magaalada Garowe.
MADAXWEYNAHA IYO RA’IISUL WASAARAHA OO LA KULMAY WAFUUD KALA DUWAN ..
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada qaabiley wafuud kala duwan oo ka kala socday caalamka.
Waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaabileen Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo dhowaan xilkaasi loo magacaabey.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in General Subagle uu yahay sarkaal khibrad badan leh oo hawsha loo magacaabey si hufan uga soo dhalaali kara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gacan buuxda ku siin doonto General Subagle gudashada waajibaadkiisa.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.
Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo. Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go’an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kula la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.
Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.
HADLIYE: AMISOM BIXITAANKOODA WAA INAAN WAQTI LOO QABAN
Wasiirka Arimaha Dibada ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, C/Salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay inaan loo baahnayn in waqti loo qabto bixitaanka ciidamada AMISOM.
Wuxuu asagoo asbuucii lasoo dhaafay u waramaayay wargeyska The New Times ee Rwanda uu sheegay in dawlada Soomaaliya aysan dooneyn in AMISOM ay Soomaaliya ka huleelaan ayada oo Soomaaliya aysan weli nabad noqon waqtigii ay doontaba ha qaadatee.
Wuxuu hase ahaatee rajo ka muujiyay in Soomaaliya ha dhawaato ha dheeraato ay noqon doonto dal nabad ah oo barwaaqo ah. Wuxuu sheegay bixitaanka AMISOM inay tahay arin ku xiran xaalad ee aysan ahayn arin ku taxaluqda waqti.
Wuxuu intaas ku daray in dalku haatan soo kabanaayo oo uusan tirsanayn afar sano ka hor hadase waxyaabo badan ay soo hagaagayaan.
Wuxuu sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed ay gaarayaan 2 ilaa 3 malyan kuwaasoo ku kala nool daafaha caalamka.
Wuxuu yiri waxay sanadkii soo diraan ilaa $2 bilyan oo dalka ay soo galiyaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaalidu aad u maal gashadeen Kenya. Wuxuu yiri waxaa dadka Soomaalida ah ku soo dhaweeyay Islii Nairobi inay maal gashadaan dadka iyo dawlada Kenya.
Haatan wuxuu sheegay in nawaaxigaa oo Nairobi ka tirsan Soomaalidu ay u badan tahay oo ay ku nool yihiin kana ganacsadaan isla markaana ay aad u camireen.
Haatan ayaa wuxuu sheegay waziirku in dawlada Soomaaliya ay isku dayayso inay hagaajiso hayadaha dawliga ah gaar ahaan kuwa qorsheynta.
Hadliye ayaa muddo dheer kunoolaa Washington DC carriga Mareykanka isagoo heyn jiray saadka ama bajetka magaaladaa iyo arimaha khidmada ka hor intii uusan kusoo laaban Soomaaliya oo uusan bilaabin inuu qabto jagooyin kala duwan.
AUDA OO BALLAN QAADAY TAAGEERO DHAQAALE OO LAGU SOCODSIINAYO HAWLGALKA AMISOM.
Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ayaa ansixiyey lacag dhan 325 million oo Dollar, taasi oo la rajeynayo in lagu xaqiijiyo Hawlaha Ciiddanka Nabad Ilaalinta AMISOM ka wadaan dalka Somalia.
Kharaj Sannadeedkaasi ayaa loogu talagalay in lagu buuxiyo Qorshaha Lacagaha ee ay Midowga Afrika, oo 25% lagu taageerayo Hawlgalladda Nabadda ee guud ahaan Qaaradda Afrika.
Tallaaadani ayaa timid, kadib, markii ay Ururka Midowqa Europe ku dhawaaqeen bishii May inay 20% jareen Taageeradda Dhaqaalaha ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOMDhinaca kale, Miisaaniyadda cusub ee loo qoondeeyey Maalgashiga Hawlaha Nabadda ee Midowga Afrika waxaa lagu ansixiyey Shirweynihii 27aad ee ay Hoggaamiyayaasha Dowlada Afrika ee maalintii Isniintii ee la soo dhaafay ku yeesheen Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.
Hawlgalka AMISOM waxa saamayn ku yeeeshay go’aanka ay Midowga Europe ku jareen Taageeradda ay sannadkiiba siiyaan Hawlgalka AMISOM, waxaamala sheegay in Hawlgalka AMISOM sannadkiiba lagu kharaj gareeyo Miisaaniyad dhan 900 million oo Dollar
QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KOLONYO AMISOM KA TIRSAN LAGULA EEGTAY SHABEELAHA HOOSE
Kolonyadani oo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay ayaa waxaa Qarax khasaaro geystay lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Ceelwareegow oo qiyaastii 30 Km u jira Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Gaari nuuca Booyada ah uu uga basbeelay Ciidamada AMISOM Qaraxaasi. Intaas kadib ayaa Ciidamada AMISOM rasaas ay fureen waxaa ku dhintay 2 qof oo shacab ahaa halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.
Kolonyada Ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Marka laga soo tago in Gaari nuuca booyada ah looga gubay Qaraxa Ciidamada AMISOM , Ma cadda haddii ay jiraan khasaarooyin nafeed oo ka soo gaaray weerarkaas iyo inta uu la egyahay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Howlgalka AMISOM oo ay uga hadleen Qaraxaasi khasaaraha geystay iyo dadka shacabka ah ee Rasaastooda haleeshay.
Waxaana sidoo kale jirin cid sheegatay Masuuliyada Qaraxaasi walow Al Shabaab weeraro nuucaasi ah horay Gobolka Shabeelaha Hoose kula qaadeen Kolonyo Ciidamada AMISOM ay wateen.
QAAR KA MID AH SHAQAALAHA HAY'ADDA NILE ACADEMY OO KA BAXAY MAGAALADA MUQDISHO
Iyadoo ay shalay ku egtahay Muddadii ay Xukuumadda Soomaaliya u Qabatay inay Somalia uga baxaan shaqaalaha NILE Academy inay dalka kaga baxaan, ayaa waxaa ka baxay qaar shaqaallaha hay'addan ka mid ah.
Hay’adda Nile Academy oo ah Hay’ad aan Dowli ahayn ayaa Muqdisho ku leh Xarumo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, iyadoo Hay’addaan ay hoostagto hay’ado uu maalgeliyo Sh. Fethullah Gulen oo ah wadaad si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Turkiga, laguna eedeeyay inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay Turkiga.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka DEVA iyo Qoysaskooda, ayaa daraad ka baxay Muqdisho, waxaana tani ay qayb ka tahay ka bixitaanka shaqaalaha hay'adda Nile Academy ay uga baxayaan Muqdisho.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Deva Dr. Maxamed Al Perto ayaa sheegay in Somalia ay u yimaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay caawiyaan, balse taas bedelkeeda amar lagu siiyay inay dalka isaga baxaan.
XILDHIBAAN KA TIRSAN BAARLAMAANKA FEDERAALKA OO DIB U DHACA DOORASHOOYINKA KU EEDEEYAY BEESHA CAALAMKA
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh: "Madaxweynuhu Khaladka uu Galay Ha Ka Qirto Baarlamaanka Hortiisa”Xildhibaan C/raxmaan Xoosh: "Madaxweynuhu Khaladka uu Galay Ha Ka Qirto Baarlamaanka Hortiisa”
Xildhiban Aadan Saransoor "IGAD Dhex Dhexaad Kama Ahan Waxa Ka Jira Degmada Ceelbarde”Xildhibaan Aadan Saransoor "IGAD Dhex Dhexaad Kama Ahan Waxa Ka Jira Degmada Ceelbarde”
Xildhibaan Ka Tirsan Puntland Oo Baarlamaanka Federaalka Uga Digay Inay Wax Ka Bedalaan Qodobo Dastuuri Ah Xildhibaan Ka Tirsan Puntland Oo Baarlamaanka Federaalka Uga Digay Inay Wax Ka Bedalaan Qodobo Dastuuri Ah
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac "Madaxweynaha Lamaba Ridi Karo Hadii Ay Taageersan Yihiin 126 Xildhib aan”Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac "Madaxweynaha Lamaba Ridi Karo Hadii Ay Taageersan Yihiin 126 Xildhibaan”
Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi Taa riikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi
Xildhibaan ka Tirsan Puntland oo ka hor yimid Qaadashada Nidaamka 4.5 Ee Puntland Xildhi baan ka Tirsan Puntland oo ka hor yimid Qaadashada Nidaamka 4.5 Ee Puntland
baarlamaanka federaalka Soomaaliya July 23, 2016
Dr Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in eedda dib u dhac doorashada ay leedahay beesha caalamka.
Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay shaxdii doorashada iyo inaaney jirin wax ka hirgalay, beesha caalamka iyo UNDP ay sheegeen inaaney hayn lacagihii dowladdu u qorsheysay doorashooyinka dalka.
"Dowladdu waxay haysato iyo lacagta la rajeynayay in laga qaadi doono musharixiinta marka la isku daro, miisaaniyadda intii ka dhimaneyd in saaxiibada Soomaaliya ay leeyihiin lacagihii loogu talogalay doorashada Soomaaliya ma hayno, shirkii ugu dambeeyay oo aan ka qeyb galay ee loogaga hadlayay arrimaha doorashada, UNDP waxay sheegtay iney san haynin lacagtaas doorasho lagu galaayo, lacag illaa 4 Milyan oo kaliya iney hayaan, taasi waxay noqon kartaa caqabad aysan xukuumaddu heli Karin geesinimo ay ugu dhawaaqdo iney doorashada, illaa la helo kharashkii lagu qaban lahaa”, waana sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanku waxa uu intaa ku day, in doorashada aqalka sare uu dib u dhacay taasna waan ognahay, maadaama wakhtigii uu qorsheysnaa la dhaafay, guddigii doorashooyinku wali kumey dhawaaqin xilliga ay doorashadu sida rasmiga ah u qabsoomeyso, gobolladii dalka meel ay dhaqdhaqaaq doorasho ka jirtaa looma jeedo, Hiiraan wali maamul looma sameyn, ayuu yiri; halka ay doorashada xildhibaanada maamulkaas ka dhacaysana lama shaacin, kuwaas oo ah iyaguna caqabado kale oo ku wajahan doorashooyinka 2016.
Eedda dib u dhaca ayaa waxa uu dusha kaga tuuray beesha caalamaka:
"Eedda waxaa qaadnaya saaxiibadda Soomaaliya oo dhaqaalihii loogu talogalay aan keenin, xukuumadda iyo hay’ adda fulinta guud ahaanteedu iyo madasha madaxda iskugu timid waxaa waajib ku noqoneysa shirka markay iskugu yimaada an tabartoodu intey tahay iney ku tashadaan, haddii lacag la waayo waxaa laga maarmaan noqoneysa in lagu daro wakhti inta lacag laga helayo”.
Xildhibaanka ayaa waxa uu ka warramay in hadda dhibaatada haysatay dowladda ee dhaqaale la’aanta doorasho ay qabsatay xukuumaddii uu ka tirsanaa 2012, ayna ku khasbanaadeen iney mush aarkooda iyo lacago deynta ah ay ku qabtaan doorashada dalka oo ka sahlaneyd tan haatan, iyadoo xilligaas uu xulista lahaa odoy dhaqameedka oo qura, haddna aaney xukuumadda u suurtog aleyn iney kaligeed kharshkaa dusha u ridato.
Sanadkan 2016 ayaa guud ahaan dalka waxaa qorsheysan iney ka dhacdo doorasho baarlamaan iyo midda madaxtoo yada oo isasaaran, iyadoo jadwalkii bishii Juun ay xukuumaddu soo saartay uu ku yimid dib u dhac una muuqdo mid aan suuro gal ahayn.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MUNAASABADDII DOORASHADA DUQQA DEGMADA GAALKACYO
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay 23July2016 magaala da Gaalkacyo kaga qayb galay munaasabadda Doorashada duqqa Degmada Gaalkacyo iyo kuxigeen kiisa oo goor dhoweyd lagu soo gebagebeeyey xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista ee GECPD ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan labada gole xukuumadda, guddo onka gobolka Mudug, garsoorka gobolka mudug, xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaa lkacyo iyo marti sharaf kale.
Duqqa degmada ayaa waxa isu soo sharraxay 4 musharrax, halka ku xigeenkana ay isu soo shar raxeen laba musharrax iyadoona ugu dambayn uu ku guulaystey duqqa Degmada Gaalkacyo Maxamu ud Yaasiin Tumey, halka kuxigeenkana uu ku guulaystey Farxaan Cabdi Gaafaa.
Markii ay doorashadu dhammaatay isla markaana lagu dhawaaqay natiijada ayaa waxaa labad aaasi masuul loo dhaariyey xilalkaasi loo doortay si xasaanad loo siiyo, waxaana ay ballan qaadeen in ay si daacadnimo iyo hufnaani ku jirto ugu adeegi doonaan bulshada degmada Gaalkacyo, iyagoona ka dalbaday dawladda dhexe wada shaqayn iyo garab istaag.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horrayn hambalyo u dir ay labadaasi masuul ee la doortay, waxaana uu u rajeeyey in ilaahay uu ku asturo masuuliyaddaasi cul us ee loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulkaasi cusub in ay bulshada daacad nimo ugu adeegaan, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan shaqooyinka baaxadda leh ee hort aalla, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay yihiin halyeyo dhallin yaro ah oo loo han weyn yahay.
Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xusay in magaalada Gaalkacyo ay shalay he shay ehelkeedi isla markaana looga baahan yahay Masuuliyiintaan dhallin yarada ah in ay maskaxdoo da cusub ugu faa’iideeyaan bulshadooda horumarka iyo nabadgelyada jecel.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday in ay dalwadda dhexe la shaqayn doonto maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, balse waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay yihiin ma amulkaani cidda looga baahan yahay in ay muujiyaan dardargelinta shaqooyinka baaxadda leh ee deg mada Gaalkacyo.
SHEEKH YUUSUF CALI CAYNTE OO QARAX KA BADBAADAY
Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka badbaaday Qarax loogu Xiray Gaarigiisa oo yaallay wadada Maka Almukarama.
Qaraxa ayaa dhacay xilli gaariga aanu saarneyn Shekha, balse u jeedku uu ahaa in lagu khaarajiyo.
Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in qaraxa lagu xiray gaariga, halkaasna aysan ka dhalan wax qas aare ah oo soo gaaray sheekha ama dadkii kale ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo aad u mashquul badneyd.
80 QOF OO KU DHIMATAY QARAXYO KA DHACAY MAGAALADA KABUL EE DALKA AFQANISTAN.
Qaraxyo is xigay xigay ayaa shalay lala beegsaday xubno ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee qowmiyadaha Hazara ayaa ku dhinteen ugu yaraan 80 qof halka ay ku dhaawacmeen 207 ka le, sida ay xaqiijiyiin saraakiisha dalka Afqanistan.
Weerarka, oo ka dhacay meel u dhow mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimad da, Kabul, ayaa waxaa islamarkiiba sheegtay Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant (ISIL, sidoo kale loo yaqaano ISIS),
Dhanka kale Bogo lagu baahiyo wararka la xiriira kooxda islaamiga ee Daacish Amaq ayaa lagu qoray in qaraxyda lagu dilay 80qof oo ahaa qowmiyadaha Hazara.
PUNTLAND OO ISKA XAADIRISAY FINALKA KOOBKA MAAMULGOBOLEEDYADA DALKA ,HIIRAAN /SH.DHEXE OO KOOBKA LAGA REEBAY
Puntland ayaa iska xaadirisay Finalka koobka maamul goboleedyada dalka ka dib ciyaar xiisa leh oo ay la yeesheen koox matalaysay gobolada Hiiraan/Shabelaha Dhexe,iyadoo ciyaar lagu qabtay garoonka Koonis Stadium ay ka soo qaybgaleen boqolaal taageerayaal ah oo labada dhinac kala taageerayay.
Labada kooxood ayaa fursado badan abuuray intii lagu gudajiray qaybtii hore ee ciyaarta ,waxaana kooxda matalaysay Hiiraan /Shabeelaha Dhexe ay fursado halis ah ku abuureen daafacyada Puntland,waxaana ay bandhigyo wanaagsan ku sameeyeen xariijinta goolka ,mana suurtagalin in labada dhinac ay wax gool ah iska dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta ,taasi oo ku dhamaatay 0:0.
Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe Puntland ayaa la timid goolka Qura ee ay ku badisay ,waxaana u saxiixsay weeraryahankooda Yacquub ,kaasi oo kooxdiisa u suurta galiyay in ay iska xaadiriyaan finalka koobka maamulgoboleedyada dalka oo xiisa gaar ah xanbaarsan.
Puntland ayaa wajahi doonta kooxda Jubbaland oo daraad rigoorayaal kaga badisay kooxda Banaadir ,waxaana maalinimada Isniinta ah lagu wadaa in Puntland iyo Jubbaland ay wadaciyaaraan finalka oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ,lamana saadaalin karo kooxda qaadaysa koobkan.
Dabaaldagyo ayaa hadda ka soconaya garoonka ay ciyaartu ka dhaceysay ,waxaana lagu wadaa in kooxda Puntland ay u diyaargarowdo kulanka adag ee ay la yeelan doonaan Jubbaland.
Puntland ayaa group A kula jirtay kooxaha Banaadir iyo Koonfur Galbeed ,waxaana la sii saadaalin karay in ay finalka imaan karaan ka dib barbarro ay goolasho la horeeyeen oo ay la galeen kooxda Banaadir.
BOGGA CIYAARAHA
BOGGA CIYAARAHAISKU AADKA HORYAALKA TALYAANIGA OO LA SAMEEYAY (KA AQRISO ISAGOO DHAMEYSTIRAN)
KULAMMADA 1-AAD
21-Aug- 16
Atalanta vs Lazio
Bologna vs Crotone
Chievo vs Inter
Empoli vs Sampdoria
Genoa vs Cagliari
Juventus vs Fiorentina
Milan vs Torino
Palermo vs Sassuolo
Pescara vs Napoli
Roma vs Udinese
KULAMMADA 2-AAD
28-Aug-16
Cagliari vs Roma
Crotone vs Genoa
Fiorentina vs Chievo
Inter vs Palermo
Lazio vs Juventus
Napoli vs Milan
Sampdoria vs Atalanta
Sassuolo vs Pescara
Torino vs Bologna
Udinese vs Empoli
KULAMMADA 3-AAD
11-Sep-16
Atalanta vs Torino
Bologna vs Cagliari
Chievo vs Lazio
Empoli vs Crotone
Genoa vs Fiorentina
Juventus vs Sassuolo
Milan vs Udinese
Palermo vs Napoli
Pescara vs Inter
Roma vs Sampdoria
KULAMMADA 4-aad
18-Sep-16
Cagliari vs Atalanta
Crotone vs Palermo
Fiorentina vs Roma
Inter vs Juventus
Lazio vs Pescara
Napoli vs Bologna
Sampdoria vs Milan
Sassuolo vs Genoa
Torino vs Empoli
Udinese vs Chievo
KULAMMADA 5-aad
21-Sep-16
Atalanta vs Palermo
Bologna vs Sampdoria
Chievo vs Sassuolo
Empoli vs Inter
Genoa vs Napoli
Juventus vs Cagliari
Milan vs Lazio
Pescara vs Torino
Roma vs Crotone
Udinese vs Fiorentina
KULAMMADA 6-AAD
25-Sep-16
Cagliari vs Sampdoria
Crotone vs Atalanta
Fiorentina vs Milan
Genoa vs Pescara
Inter vs Bologna
Lazio vs Empoli
Napoli vs Chievo
Palermo vs Juventus
Sassuolo vs Udinese
Torino vs Roma
KULAMMADA 7-AAD
2-Oct-16
Atalanta vsNapoli
Bologna vsGenoa
Cagliari vsCrotone
Empoli vsJuventus
Milan vsSassuolo
Pescara vsChievo
Roma vsInter
Sampdoria vsPalermo
Torino vsFiorentina
Udinese vsLazio
KULAMMADA 8-AAD
16-Oct-16
Chievo vsMilan
Fiorentina vsAtalanta
Genoa vsEmpoli
Inter vsCagliari
Juventus vsUdinese
Lazio vsBologna
Napoli vsRoma
Palermo vsTorino
Pescara vsSampdoria
Sassuolo vsCrotone
KULAMMADA 9-aad
23-Oct-16
Atalanta vsInter
Bologna vsSassuolo
Cagliari vsFiorentina
Crotone vsNapoli
Empoli vsChievo
Milan vsJuventus
Roma vsPalermo
Sampdoria vsGenoa
Torino vsLazio
Udinese vsPescara
KULAMMADA 10-aad
26-Oct-16
Chievo vs Bologna
Fiorentina vs Crotone
Genoa vs Milan
Inter vs vs Torino
Juventus vs Sampdoria
Lazio vs Cagliari
Napoli vs Empoli
Palermo vs Udinese
Pescara vs Atalanta
Sassuolo vs –Roma
KULAMMADA 11-AAD
30-Oct-2016
Atalanta vsGenoa
Bologna vsFiorentina
Cagliari vsPalermo
Crotone vsChievo
Empoli vsRoma
Juventus vsNapoli
Lazio vsSassuolo
Milan vsPescara
Sampdoria vsInter
Udinese vsTorino
KULAMMADA 12-AAD
06-Nov-16
Chievo vsJuventus
Fiorentina vsSampdoria
Genoa vsUdinese
Inter vsCrotone
Napoli vsLazio
Palermo vsMilan
Pescara vsEmpoli
Roma vsBologna
Sassuolo vsAtalanta
KULAMMADA 13-AAD
20-Nov-16
Atalanta vsRoma
Bologna vsPalermo
Chievo vsCagliari
Crotone vsTorino
Empoli vsFiorentina
Juventus vsPescara
Lazio vsGenoa
Milan vsInter
Sampdoria vsSassuolo
Udinese vsNapoli
KULAMMADA 14-aad
27-Nov-16
Bologna vsAtalanta
Cagliari vsUdinese
Crotone vsSampdoria
Empoli vsMilan
Genoa vsJuventus
Inter vsFiorentina
Napoli vsSassuolo
Palermo vsLazio
Roma vsPescara
Torino vsChievo
KULAMMADA 15-aad
21-Sep-16
04-Dec-16
Chievo vsGenoa
Fiorentina vsPalermo
Juventus vsAtalanta
LazioRoma
Milan vsCrotone
Napoli vsInter
Pescara vsCagliari
Sampdoria vsTorino
Sassuolo vsEmpoli
KULAMMADA 16-AAD
11-Dec-16
AtalantaUdinese
BolognaEmpoli
CagliariNapoli
CrotonePescara
FiorentinaSassuolo
InterGenoa
PalermoChievo
RomaMilan
SampdoriaLazio
TorinoJuventus
KULAMMADA 17-AAD
18-Dec-16
ChievoSampdoria
EmpoliCagliari
GenoaPalermo
JuventusRoma
LazioFiorentina
MilanAtalanta
NapoliTorino
PescaraBologna
SassuoloInter
UdineseCrotone
KULAMMADA 18-AAD
22-Dec-16
AtalantaEmpoli
BolognaMilan
CagliariSassuolo
CrotoneJuventus
FiorentinaNapoli
InterLazio
PalermoPescara
RomaChievo
SampdoriaUdinese
TorinoGenoa
KULAMMADA 19-aad
08-Jan-17
ChievoAtalanta
EmpoliPalermo
GenoaRoma
JuventusBologna
LazioCrotone
MilanCagliari
NapoliSampdoria
PescaraFiorentina
SassuoloTorino
UdineseInter
KULAMMADA 20-aad
15-Jan-17
CagliariGenoa
CrotoneBologna
FiorentinaJuventus
InterChievo
LazioAtalanta
NapoliPescara
SampdoriaEmpoli
SassuoloPalermo
TorinoMilan
UdineseRoma
KULAMMADA 21-AAD
22-Jan-17
AtalantaSampdoria
BolognaTorino
ChievoFiorentina
EmpoliUdinese
GenoaCrotone
JuventusLazio
MilanNapoli
PalermoInter
PescaraSassuolo
RomaCagliari
KULAMMADA 22-AAD
29-Jan-17
CagliariBologna
CrotoneEmpoli
FiorentinaGenoa
InterPescara
LazioChievo
NapoliPalermo
SampdoriaRoma
SassuoloJuventus
TorinoAtalanta
UdineseMilan
KULAMMADA 23-AAD
05-Feb-17
AtalantaCagliari
BolognaNapoli
ChievoUdinese
EmpoliTorino
GenoaSassuolo
JuventusInter
MilanSampdoria
PalermoCrotone
PescaraLazio
RomaFiorentina
KULAMMADA 24-aad
12-Feb-17
CagliariJuventus
CrotoneRoma
FiorentinaUdinese
InterEmpoli
LazioMilan
NapoliGenoa
PalermoAtalanta
SampdoriaBologna
SassuoloChievo
TorinoPescara
KULAMMADA 25-aad
19-Feb-17
AtalantaCrotone
BolognaInter
ChievoNapoli
EmpoliLazio
JuventusPalermo
MilanFiorentina
PescaraGenoa
RomaTorino
SampdoriaCagliari
UdineseSassuolo
KULAMMADA 26-AAD
26-Feb-17
ChievoPescara
CrotoneCagliari
FiorentinaTorino
GenoaBologna
InterRoma
JuventusEmpoli
LazioUdinese
NapoliAtalanta
PalermoSampdoria
SassuoloMilan
KULAMMADA 27-AAD
05-Mar-17
AtalantaFiorentina
BolognaLazio
CagliariInter
CrotoneSassuolo
EmpoliGenoa
JuventusUdinese
MilanChievo
RomaNapoli
SampdoriaPescara
TorinoPalermoTorino vsCagliari
KULAMMADA 28-AAD
20-Nov-16
12-Mar-17
ChievoEmpoli
FiorentinaCagliari
GenoaSampdoria
InterAtalanta
JuventusMilan
LazioTorino
NapoliCrotone
PalermoRoma
PescaraUdinese
SassuoloBologna
KULAMMADA 29-aad
19-Mar-17
AtalantaPescara
BolognaChievo
CagliariLazio
CrotoneFiorentina
EmpoliNapoli
MilanGenoa
RomaSassuolo
SampdoriaJuventus
TorinoInter
UdinesePalermo
KULAMMADA 30-aad
02-Apr-17
ChievoCrotone
FiorentinaBologna
GenoaAtalanta
InterSampdoria
NapoliJuventus
PalermoCagliari
PescaraMilan
RomaEmpoli
SassuoloLazio
TorinoUdinese
KULAMMADA 31-AAD
09-Apr-17
AtalantaSassuolo
BolognaRoma
CagliariTorino
CrotoneInter
EmpoliPescara
JuventusChievo
LazioNapoli
MilanPalermo
SampdoriaFiorentina
UdineseGenoa
KULAMMADA 32-AAD
15-Apr-17
CagliariChievo
FiorentinaEmpoli
GenoaLazio
InterMilan
NapoliUdinese
PalermoBologna
PescaraJuventus
RomaAtalanta
SassuoloSampdoria
TorinoCrotone
KULAMMADA 33-AAD
23-Apr-17
AtalantaBologna
ChievoTorino
FiorentinaInter
JuventusGenoa
LazioPalermo
MilanEmpoli
PescaraRoma
SampdoriaCrotone
SassuoloNapoli
UdineseCagliari
KULAMMADA 34-aad
30-Apr-17
AtalantaJuventus
BolognaUdinese
CagliariPescara
CrotoneMilan
EmpoliSassuolo
GenoaChievo
InterNapoli
PalermoFiorentina
RomaLazio
TorinoSampdoria
KULAMMADA 35-aad
07-May-17
ChievoPalermo
EmpoliBologna
GenoaInter
JuventusTorino
LazioSampdoria
MilanRoma
NapoliCagliari
PescaraCrotone
SassuoloFiorentina
UdineseAtalanta
KULAMMADA 36-AAD
14-May-17
AtalantaMilan
BolognaPescara
CagliariEmpoli
CrotoneUdinese
FiorentinaLazio
InterSassuolo
PalermoGenoa
RomaJuventus
SampdoriaChievo
TorinoNapoli
KULAMMADA 37-AAD
21-May-17
ChievoRoma
EmpoliAtalanta
GenoaTorino
JuventusCrotone
LazioInter
MilanBologna
NapoliFiorentina
PescaraPalermo
SassuoloCagliari
UdineseSampdoria
KULAMMADA 38AAD
28-May-17
AtalantaChievo
BolognaJuventus
CagliariMilan
CrotoneLazio
FiorentinaPescara
InterUdinese
PalermoEmpoli
RomaGenoa
SampdoriaNapoli
TorinoSassuolo
OGEYSIIS
NATIONLINK TELECOM
BISHAARO BISHAARO BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLI NK Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibada ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay Waaciyo
WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARKAAN 100/222/333
Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA LUULYO 2016-KA
GUDDIGA ARRRIMAHA DIBADDA BAARLAMANKA SOOMALIYA OO KASOO HORJEYSTAY GO'AANKA DOWLADA DALKA UGU SAARTAY HAY'ADDA NILE ACADEMY Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa kasoo horjeystay Go'aanka ay dowlada Sooma