Sagaal ruux oo lagu dilay weerarka Jarmalka ka dhacay

0
Saturday July 23, 2016 - 09:35:45 in Wararka by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sagaal ruux oo lagu dilay weerarka Jarmalka ka dhacay

    Sagaal ruux ayaa ku geeriyootay weerarka nin hubaysan uu ku qaaday xarunta ganacsiga ee Olympia Einkaufszentrum, ee Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sagaal ruux ayaa ku geeriyootay weerarka nin hubaysan uu ku qaaday xarunta ganacsiga ee Olympia Einkaufszentrum, ee Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Booliska ayaa sheegay weerarka inuu fuliyay hal ruux, uuna dilay 9 qof halka uu dhaawacay ruuxaasi 16 kale oo ka mid ahaa dadkii ka dukaamaysanaayay xarunta ganacsiga ee Olympia Einkaufszentrum.

Booliska waxa ay sheegeen ninkaan inuu u dhashay dalka Iran, da’diisana ay tahay 18-sano jir, wax shaki ahna kama aysan qabin ciidamada Booliska dalkaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa ciidamada waxa ay sheegeen inay u maleynayaan inuu ku geeriyooday rasaastii ciidamada ay ku rideen, balse warar kale ayaa sheegaya in ninkaan uu istoogtay.

Weerarkaan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa Booliska markii hore waxa ay moodeen weerarka inay fuliyeen dhowr qof, balse mar dambe ayaa la ogaaday in hal ruux uu weerarkaasi geystay.

Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee ninkaan u dhashay dalka Iran uu u fuliyay weerarkaasi dhiiga badan ku daatay ee laga fuliyay xarunta ganacsiga ee Olympia Einkaufszentrum ee dalka Jarmalka.

Weerarkan ayaa imaanaya kaddib markii usbuucii la soo dhaafay uu wiil Dhalinyaro ah uu toorey iyo masaar ku hubeysan uu weeraray dad rakaab ah oo saaran tareen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip