Turkiga oo qabtay afar ka mid ah Saraakiishii qaarajin rabtay Madaxweyne Erdogan (Daawo Sawirada)

0
Friday July 22, 2016 - 23:49:45 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo qabtay afar ka mid ah Saraakiishii qaarajin rabtay Madaxweyne Erdogan (Daawo Sawirada)

    Laamaha ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay gacanta ku dhigeen afar ka mid ah Saraakiishii Militariga, ee uu ka fashilmay afgambigii ay ku doonayeen inay kursiga kaga tuuraan Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay gacanta ku dhigeen afar ka mid ah Saraakiishii Militariga, ee uu ka fashilmay afgambigii ay ku doonayeen inay kursiga kaga tuuraan Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
General Gokhan Sahin Sonmezates, Hasan Arslanbay iyo Ali Saribey, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan looga soo qabtay Gobolka Mugla.

Saraakiishaan, ayaa waxaa loo kaxeeyay Gobolka Aegean, iyadoona lagu xiray xabsi ku yaala Magaalada Izmir, waxaana la bilaabay baaritaano wax looga weydiinaayo Saraakiishii kale ee weerarka ku wehlineysay.

Serkan Elci oo ka mid ah Saraakiisha la doon doonaayo, ayaa Khamiistii waxaa uu iska dhiibay Xarunta Booliska ee Magaalada Izmir, waxayna ka dhigan tahay in la qabtay afar ka mid ah Saraakiisha halista gelin gaartay nolosha Madaxweynaha Turkiga iyo qoyskiisuba.

Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo 15-kii bishaan fasax u joogay hotel ku yaala Magaalada Marmaris, ayaa lagu soo weeraray diyaarad helicopter ahayd, wax yar uun ka dib markii ay ka taggeen hotelkaasi. Madaxweynaha waxaa uu xilligaa uu u amba baxay Magaalada Istanbul.

Weerarkan oo si dirqi leh uu kaga badbaaday Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa ku dhimatay laba ka mid ah ilaaladiisii, halka toddobo kalana ay ku dhaawacantay.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay haddii 10 illaa 15 daqiiqo uu sii jooggi lahaa hotelka, ay arrintu noqon laheyd laba kala daran midkood, in goobtaasi lagu dili lahaa iyo in sida uu qorshaha labaad ahaa nolosha lagu qaban lahaa.

Laamaha ammaanka, ayaa waxay baadigoob xoog leh ugu jiraan in ka badan toban Sarkaal, oo la rumeysan yahay in Saraakiisha la qabtay ay ku wehlinayeen hawlgalka fashilmay.

Dowladda Turkiga, ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay laaleyso xeerarka xuquuqda aadanaha ee Yurub, waxayna tani qayb ka tahay xaaladda deg degga ee dalkaasi la geliyay.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Binali Yıldırım, ayaa wuxuu ku hanjabay in ay mid mid wadanka kaga sifeeyaan taageerayaasha wadaadka Fethullah Gulen, oo lagu eedeeyay in uu soo qaban qaabiyay afgambiga dhicisoobay.

Midowga Yurub, ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay go’aanka Dowladda Turkiga, isla-markaana ay la socon doonaan arrimaha Turkiga.

Izmir


Izmir2

Izmir3

Izmir4

Izmir5

Izmir6

Izmir8

Izmir9

Izmir91

Izmir94

TSK ICERISINDEKI CEMAAT UYELERININ GERCEKLESTIRDIGI DARBE TESEBBUSUNDE, OZEL KUVVETLERE BAGLI ASKERLERIN CUMHURBASKANI RECEP ERDOGAN'IN KALDIGI OTELE GERCEKLESTIRDIGI BASKINI YONETEN TUMGENERAL GOKHAN SAHIN SONMEZATES'IN (SOLDAN IKINCI, ACIK RENK TISORT VE PANTOLONLU), IFADESIYLE ILGILI DETAYLAR, DARBE ONCESINE DAIR AYRINTI VERDI. IFADESINDE,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip