Siminaar ku saasan badqabka saxafiga oo Warfaafinta lagu soo gabo gabeeyay "SAWIRRO"

0
Friday July 22, 2016 - 22:22:04 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siminaar ku saasan badqabka saxafiga oo Warfaafinta lagu soo gabo gabeeyay "SAWIRRO"

    Siminaarkan oo socday muddo saddex cisho ah ayna soo qaban qaabisay Waaxda tabbabarda iyo shaqalaha ee Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana ay bixinayeen quburo ka tirsan Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta ee kala ah I.M.S & FOJO, waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siminaarkan oo socday muddo saddex cisho ah ayna soo qaban qaabisay Waaxda tabbabarda iyo shaqalaha ee Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana ay bixinayeen quburo ka tirsan Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta ee kala ah I.M.S & FOJO, waxaana ka qeybgalayaashu ay ku barteen badqabka saxafiga ah.

Xiritaanka siminaarka ayaa waxaa ka qeyb galay Agasimaha Telefishinka Qaranka, Agaasimaha Waaxda shaqaalaha iyo tababbarada, xiriiriyaha guud ee IMS iyo FOJO iyo xubno kale.

Cali C/raxmaan Cali madaxa Wararka ee Telefishinka Qaranka oo ku hadlayay magaca suxuyiinta ka qeyb galay siminaarka ayaa waxa uu sheegay in siminaarka laga kororsaday aqoon badan, laguna dabaqi doono howlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed C/naasir Xuseen Xasan ayaa sheegay in tababbarka uu wax badan ku soo kordhin doono howlaha suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka ay u hayaan bulshada, isagoo hay’adda bixineysay tababbarka ka socday inay joogteeyaan siminaarada nuucaani oo kale ah.

Abuukar Albadri xiriiriyaha guud ee Hayadaha Caalamiga ee taageera Suxufiyiinta IMS iyo FOJO ayaa sheegay in dhankooda ay markale ka soo jawaabayaan codsiyada ku aadan in la joogteeyo siminaarada nuucaani oo kale ah.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababbarada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in siminaarkan oo socday muddo saddex cisho ah laga kororsaday waxbadan, isagoo uga mahadceliyay macalimiinta iyo hay’adda siminaarka bixineysay.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha siminaarka ayaa la guddoonsiiyay shahadaooyin ka turjumaya waxyaabaha ay ku qaateen siminaarka.

tIMG_0659IMG_0662IMG_0669IMG_0704IMG_0712IMG_0718IMG_0719IMG_0720IMG_0723IMG_0725IMG_0727IMG_0729IMG_0735IMG_0745IMG_0749IMG_0756IMG_0757IMG_0758IMG_0763IMG_0793IMG_0805IMG_0808IMG_0837IMG_0852IMG_0876IMG_0887

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip