Gurmad laga diray Madaxtooyada Somaliya oo gaaray Degmada Cadale

0
Friday July 22, 2016 - 22:12:22 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gurmad laga diray Madaxtooyada Somaliya oo gaaray Degmada Cadale

    Ciidan gurmad ahaan looga diray Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Degmadaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidan gurmad ahaan looga diray Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Degmadaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed.

Xiisadaan waxay ka dambeysay markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen deegaano hoos-tagga Degmada Cadale, ka gadaal markii ay soo baneeyeen Ciidamada Dowladda Somaliya.

Dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaano ay ka mid yihiin Masaajid Cali Gaduud, Wargaadi iyo Buur-dacaar, iyagoona gubay goobo ganacsi, guryo & Dugsi Hoose iyo Dhexe oo ku yaalay Wargaadi. Waxaa kaloo la soo sheegayaa meelaha ay gubeen uu ku jiro Masaajid ay dadka deegaanka ku tukan jireen. Shabaabku waxay dadka deegaanka ku amrayn in ay ka barakacaan deegaankaasi, iyadoo dadku ay gaareen Degmada Cadale.

Dagaal-yahanada Shabaabka, ayaa saacadihii ugu dambeeyay ee Khamiistii u jiheystay dhinaca Cadale, taasoo keentay dhiilada colaadeed ee ka taagan Degmadaasi.

Ciidanka gurmadka ee ka amba baxay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay wateen 16 gaadiidka dagaalka, iyadoo Ciidanka si wayn loo qalabeeyay, waxayna muujinaysaa sida Dowladda Somaliya ay kaga go’an tahay difaacidda Cadale.

Cadale waxaa horey ugu sugnaa Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, kuwaa oo la soo sheegaayo in daafacyo kaga jiraan bannaanada hore ee Degmadaasi, si ay uga difaacaan mintidiinta culeyska soo saartay.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliska Militariga Somaliya, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Degmada Cadale.

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip